Home » Archive Daily September 21st, 2011
Warar faah-faahsan oo kasoo baxaya xaflad balaaran oo lagu doortay Gudoomiye Guud iyo mas’uuliyiin uu yeelanayo maamulka Ahlusunna Waljamaaca (Daawo Sawirada)
Caabudwaaq, Somalia (AOL) - Warar faah-faahsan oo ka soo baxaya xafladii shalay ka dhacday magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud ee lagu doortay Gudoomiyaha Guud ee Ahlusunna Walajamaaca iyo Mas’uuliyiinta Sare ee Ahlusunna ayaa waxa ay sheegayaan in shalay xafladaas aadka u balaaranayd ay ka dhacday magaalada Caabudwaaq, ay ka soo qeeyb galeen ergooyin fara badan oo ka tirsan Culumaa’udiinka...
Dowladda KMG ah oo soo bandhigtay sarkaal ay sheegeen inuu Al-shabaab kasoo goostay iyo walxo qarxa
Muqdisho, Somalia (AOL) - Hay’adda nabad-sugidda DKMG Soomaaliya ayaa soo bandhigtay maanta oo Arbaco ah sarkaal ay sheegtay inuu ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab oo dhankooda kusoo biiray iyo walxo qaraxa oo ay sheegeen in lagu qabtay wiil 12-jir ah.
Sarkaalka lasoo bandhigay ayaa magaciisa lagu sheegay Mustaf Xasan Maxamed iyadoo la sheegay inuu ahaa madaxa ciidamada ku sugan deegaanka KM-13...
Somaliland oo dadka aan dalkooda u dhalan kusoo rogtay amar ah in ay muddo bil gudaheed ah kaga baxaan iyo dadka uu amarkaas quseeya oo bilaabay in ay Somaliland isaga baxaan
Muqdisho, Somalia (AOL) - Kaddib markii uu dhawaan maamulka Somaliland amar ku bixiyay in dadka aan u dhalan Somaliland in ay muddo bil gudaheed ah kaga baxaan dalka ayaa waxaa hadda muuqda in dadka uu amarkaas quseeyo ay bilaabeen in ay Somaliland isaga baxaan.
Dadka aan u dhalan Somaliland ee intii muddo ahba ku noolaa Somaliland ayaa waxaa u badnaa qoomiyada Oromada ee dalka Itoobiya.
Boqolaal...
Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo garab kale ku dhawaaqday iyo Eedeyn ay u jeediyeen dowladda KMG.
Maamul cusub oo loogu magacdaray maamulka guud ee Ahlusunna Waljamaaca ayaa looga dhawaaqay degmada Caabudwaaq, kaasoo loogu magac daray maamulka guud ee Ahlusunna Waljamaaca.
Garabka cusub ee Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxaa Guddoomiye u ah Sheekh Ibraahim Xasan Maxamed Guure, waxaana ku-xigeen looga dhigay Axmed Maxamed Shire, halka Guddoomiye ku xigeenka labaad loo magacaabay Sheekh Maxamed Maxamuud.
Dhanka...
Siyaasiyiinta Soomaalida oo la sheegay in Cunaqabatayn lagu soo rogayo.
Siyaasiyiinta Soomaalida ee lagu helo dambiyada ah wax isdaba marin iyo is hortaag howlaha gargaarka iyo dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya ayaa la sheegay in lagu soo rogayo cunaqabateyn, isla markaana la marsiin doono ciqaab adag
War ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Q/midoobay ay waddo qorshe xanibaad lagu saarayo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, gaar ahaan...
Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska David Cameroon oo sheegay in ay wadaan qorshe lagu badbaadinayo Haweeneyda u dhalatay dalkaasi..
Ra’isul wasaaraha Ingiriiska David Cameroon ayaa sheegay inay wadaan qorshe lagu badbaadinayo haweenayda u dhalatay dalka Ingiriiska ee lagu heysto gobolka Mudug, wuxuuna intaasi ku daray inay socdaan qorshe lagu doonayo in lagu soo furto haweenayda lagu magacaabo Judith Tebbutt ee gacanta ugu jirta koox burcad badeed Soomaaliyeed ah, kuwaas oo haweeneydaas ku haysta meel ka mid ah gobollada dhexe...
Taliska Ciidamada Nabadsugida dowladda KMG oo soo bandhigay Sarkaal ka soo goostay Alshabaab.
Taliska Ciidamada Nabadsugida Dowladda KMG Soomaaliya ayaa soo bandhigay Sarkaal sare oo Alshabaab u qaabilsanaa dhanka deegaanka KM 13, kaasoo dhawaan isku dhiibay dhanka dowladda KMG Soomaaliya.
Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Mustaf Xasan Maxamad waxa uu ka hadlay sababta kaliftay inuu isaga soo baxo ka mid ahaanshihii Alshabaab, waxa uuna sheegay in ay dhibaatooyin ku hayaan ururka Alshabaab dadka...
Qarax bambaano oo xalay lagu weeraray Saldhiga Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.
Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay kooxo hubaysan bamgacmeed ku weerareen Saldhiga degmadaasi, waxaana ka dhashay qaraxaydaasi qasaare kala duwan.
Dadka deegaanka ayaa sheegay xalay fiidkii hore qaraxyo loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro lala eegtay Saldhiga Degmada Wadajir, xili halkaasi ay ku sugnaayeen Ciidamada Booliska dowladda KMG...
Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka Puntland oo xalay lagu dilay Magaalada Gaalkacyo.
Waxaa xalay fiidkii hore Magaalada Gaalkacyo lagu dilay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka Puntland kaasoo laoranjiray C/raxmaan maxamuud Jaamac.
Kooxo hubaysan ayaa fiidkii hore ee xalay Xildhibaankaasi ku toogtay gudaha Xaafada Israac ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, markii ay dileen kooxahaasi kadibna goobtii ka baxsaday.
Ciidamada Amaanka Waqooyiga Gaalkacyo ayaa markiiba goobta soo gaaray kuwaasoo...
