Home » News »

Beesha Xasan Gaashireedle oo ka tirsan beelweynta Sade ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay inuusan jirin Ugaas guud oo beesha Sade ee reer Gedo ka dhaxeeyo iyo qodobo kale oo muhiim ah

Beesha Xasan Gaashireedle ee ku dhaqan dalka Soomaaliya oo ka tirsan beelaha Sade oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay shir ku laheyd qad Teleefan oo laga soo galay daafaha adduunka ayaa sheegtay inuusan jirin haba yaraadee wax la yiraahdo Ugaas guud oo ay beesha la wadaagto beel weynta Sade.

Waxgaradka Xasan Gaashireedle oo isugu jira aqoon yahano rag iyo dumarba leh, siyaasiyiin iyo oday dhaqameedyo oo beryahaanba uu shirar isdaba joog ah uga socday qad Teleefan ayaa maanta baaq wada jir ah kasoo saaray qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: Dhinacyada dhaqanka, siyaasadda, nabad-gelyada, iyo abaarta ba’an ee gobolka Gedo ka jirta.

DHANKA DHAQANKA

Beesha Xasan Gaashireedle ee ku dhaqan dalka Soomaaliya ayaa waxay daboolka ka qaaday in uusan jirin haba yaraatee wax la yiraahdo Ugaas guud oo ay beeshu la wadaagto beel weynta Sade ee reer Gedo, balse Ugaaska guud ee Xasan Gaashireedle ee dalka Soomaaliya uu yahay Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow, kaasoo sanadku markuu ahaa 1999 ay beeshu si wada jir ah u dooratay looguna caano shubay Tuulada Golweyn ee gobolka Gedo, mar kalena si cad loogu xusay bayaan kasoo baxay shirweynihii beesha Reer Yuusuf ee socday May 31-June 11, 2007 ee ka dhacay Tuulada Daabley ee gobolka Gedo in shaqsiga dhanka dhaqanka ugu sareeya beesha Xasan Gaashireedle uu yahay Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow (Guji halkaan si aad u aragto baaq ay horay usoo saartay beel ka mid ah beel weynta Xasan Gaashireedle.)

Si ay u suurtagasho wada shaqeyn hufan oo dhex marta Ugaaska beesha Xasan Gaashireedle iyo oday dhaqameedyada kale,  waxay beeshu isku raacday in ay haboon tahay in ugaaska dib loogu caano shubo, ayada oo xafladda caano-shubkiisana ay kasoo qeyb gali doonaan mas’uuliyiin ka kala socda dowladaha dariska la ah Soomaaliya, oday dhaqameedyada gobolka Gedo iyo kuwa ka howl-gala gobolada deriska la ah gobolka Gedo.

Waxgaradka bayaankaan soo saaray ayaa sheegay in goorta, waqtiga, iyo madasha shirweynaha dib loogu caano-shubayo Ugaaska guud ee Xasan Gaashireedle Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow dib laga soo sheegi doono.

Dhanka kale, beesha Xasan Gaashireedle ayaa waxay si diiran usoo dhaweyneysaa bayaankii dhawaan ay beesha Talxe soo saartay kuna sheegtay in ay beesha gooni u leedahay hogaan dhaqameed, kaasoo ah Ugaaska guud ee beesha Ugaas Cabdi Buule Xasan Dabac (Guji halkaan si aad u aragto baaqa beesha Talxe.)

Qodobada kale ee ay beesha bayaankooda ku xuseen waxaa ka mid ahaa:

DHANKA SIYAASADDA

Beesha Xasan Gaashireedle waxay ka xun tahay in Siyaasadda Soomaaliya ay noqotay mid sal dhigi weysay, taasoo qarankii Soomaaliya u horseeday bur-bur baaxad leh oo dhan walba leh, sidaas awgeed; waxay beeshu ugu baaqeysaa dhamaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay u turaan shacabkooda dhibaateysan, iskuna dayaan in ay si wada jir ah uga shaqeeyaan sidii xal waara loogu heli lahaa mushkiladaha jira, isla markaana loo helo hanaan dowli ah oo ku dhisan cadaalad iyo garsoor dhab ah oo loo siman yahay.

DHANKA NABAD-GELYADA

Si loo helo nabad waarta oo ka dhalata geyiga Soomaaliyeed, Beesha Xasan Gaashireedle waxay ugu baaqeysaa dhamaan kooxaha kala fekerka duwan ee ku loolamaya sidii ay qolo walba u hanan laheyd majaraha mamulka Soomaaliya in ay isfahan waaga ka dhaxeeya ku xaliyaan wada hadal, ayna ogaadaan inuusan xalku ku jirin qori caaradiis iyo in wax la dilo ama wax la bur-buriyo.

DHANKA ABAARTA

Beesha Xasan Gaashireedle waxay ugu baaqeysaa dowladda KMG ah ee Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed ee kasoo jeeda gobolka Gedo iyo guud ahaan cid kasta oo uu ku jiro damiir bani’aadan-nimo in ay gurmad deg-deg ah lasoo gaaraan shacabka Soomaaliyeed ee reer Gedo ee la’il daran dhibaatada kasoo gaartay abaarta ba’an ee ku dhufatay qaar ka mid ah Koofurta Soomaaliya oo ay waliba wehliyaan barakacayaal naftooda kala soo cararay gobolada Bay iyo Bakool ee hadda ku sugan gobolka Gedo.

Baaqaan waxaa si wada jir ah usoo saaray waxgardka beesha Xasan Gaashireedle ee uu magacyadoodu yahay midka hoos ku xusan:

01.  Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow (Ugaaska guud ee beesha Xasan Gaashireedle)
02.  Nabadoon Cali Xandule Caddow (Ku xigeenka Ugaaska guud ee beesha Xasan Gaashireedle)
03.  Nabadoon Macalin Aden Cabdi Geesey
04.  Suldaan Aden Xuseen (Aden Gaab)
05.  Nabadoon Maxamed Mursal Aden (Irbey)
06.  Nabadoon Cali Cabdi Xasan (Cali Madaxey)
07.  Nabadoon Maxamed Sh. Cali Nuur
08. Caaqil Ismaaciil Cumar Macalin (Ismaaciil Afweyne)
09. Nabadoon Cabdi Macalin Muxumed (Madaxey)
10. Nabadoon Bashiir Macalin Cabdulahi (Bashiir Amxaar)
11.  Nabadoon Maxamed Yacquub Xasan
12. Nabadoon Dhaqane Xasan Yarow (Ila-goo)
13. Nabadoon Bare Ismaaciil Muxumed (Bare Qabeyste)
14. Nabadoon Macalin Aden Dhiire
15. Nabadoon Bilow Cabdi Xaad
16. Nabadoon Mahad Macalin Cusmaan
17. Nabadoon Xuseen Cabdulqaadir Muxumed (Xuseen Dheere)
18. Nabadoon Xasan Daahir Xasan (Garab-roor)
19. Nabadoon Saney Nuur Xiirey
20. Nabadoon Cusmaan Cawir Cabdi Kaabey
21.  Nabadoon Xuseen Cilmi Nuur (Xuseen Cawil)
22.  Nabadoon Xuseen Aden Xasan (Xuseen Ganey)
23.  Nabadoon Muxumed Daahir Cabdule
24.  Nabadoon Cabdulahi Abuukar Duurow
25.  Nabadoon Muxumed Afey Faarax
26.  Nabadoon Muxumed Baraaki Xaydar
27.  Nabadoon Bakaal Aden Geesaale
28.  Nabadoon Mataan Aden Faarax
29.  Nabadoon Cali Yare Xasan
30.  Nabadoon Isaaq Xareed Sharmaake
31.  Nabadoon Maxamed Xaaji Axmed Colujoog
32.  Nabadoon Muxumed Cabdi Salaad Duqow
33.  Nabadoon Axmed Jimcaale (Kaaradile)
34.  Nabadoon Maxamuud Aden Taamboy
35.  Nabadoon Faarax Cabdulahi Garmadow
36.  Sh. Axmed Ismaaciil Xaaji (Gees-diir)
37.  Xildhibaan Nuur Cali Xasan (Nuur Gaab)
38.  Xildhibaan Hilowle Aden Guumow
39.  Col. Xasan Daahir Yarow (Xasan Dheere)
40.  Col. Cusmaan Xaaji Axmed
41.  Cabdi-yare Daahir Xasan (Garab-roor), Guddoomiye-ku-xigeenka jaaliyadda beesha Sade ee Koofurta Suudaan.
42. Faarax Cabdulahi Abayle (Faarax Rooti)
43. Maxamed Xuseen Cusmaan (Afmaran-diid)
44. Faarax Ilyaas Aden
45. Diiriye Cabdulahi Irbad
46. Dr. Shire Cabdi Maxamed (Shire Caley), Guddoomiyaha beesha Sade ee dalka Ugandha.
47. Mukhtaar Kaamil Kuulow
48. Cabdirashiid Cabdi Xasen (Hoolaa)
49. Axmed Macalin Faarax
50. Shaakir Maxamuud Ibraahin
51. Axmed Sh. Cali Nuur
52. Bashiir Maxamed Cali (Bashiir Galey)
53. Cusmaan Maxamed Cali (Shuqaale)
54. Axmed Bashiir Cusmaan (Madoobe)
55. Diyaad Cabdi Kaliil
56. Muuse Sh. Cali Nuur
57. Xuseen Ibraahin Isaaq
58. Maxamed-weli Aden Gaab.
59. Maryan Sh. Cali Nuur
60. Cabdulqaadir Bile Aden
61. Cali Macalin Faarax.

Bayaankaan waxaa lagala xariiri karaa saddexda nin ee hoose:

Col. Xasan Daahir Yarow
Wakiilka Ugaaska Xasan Gaashireedle ee dalka Kenya
Tel. 254-713-476-030
Nairobi, Kenya

Cabdirashiid Cabdi Xasen (Hoolaa)
Madaxa Guddiga Farsamada Beesha Xasan Gaashireedle
Cleveland, Ohio (USA)
Tel. 216-258-2700
xalane161@hotmai.lcom

Axmed Sh. Cali Nuur
Tel. 476-211-0292
Oslo, Norway
———
Posted on Monday, September 19, 2011.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

72 Jawaabood " Beesha Xasan Gaashireedle oo ka tirsan beelweynta Sade ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay inuusan jirin Ugaas guud oo beesha Sade ee reer Gedo ka dhaxeeyo iyo qodobo kale oo muhiim ah "

  1. ilqod says:

    awal sidig baan ahaaye hadaan helay aabe sugan , adeer xeendaabka aan ku jirnay ilaah ayaan mahad leh intaan kuma sii jiri karno ee reer abtiyow isku tashada anigu tashanaye , cida idin ogol ha idiin hoos fadhido
    waayo cadaalad iyo eex iyo hunguri wayni ayaad isku darsateen marka ninku markuu heerkaasi gaaro xitaa caruurtiisa uma kala haq soori karo oo eex iyo cadaalad daro waa hal hayskiisa sidaasi aawegeed ugaas guud waxaa la dhintay cumar dheere ee halgu kala tago

  2. Super power says:

    Waxan u hambalyeynayaa una mahadcelinayaa dhaman waxgaradka iyo nabad doonada iyo siyaasiinta xasan gaashireedle ee ka shaqeynaya sidey beeshu horumar uga gaari laheyd dhinacyada dhaqanka iyo siyaasaddaba.

    Dhanka kale, waxaan filayaa in uu dhamaaay xiligii iska daba wareega, xaq-darada iyo sad-bursiga, loona gudbay waqti cusub oo xisaabtankiisa wata. Waxaan filayaa in uu dulqaadkii dhamaaday.

  3. Koshin says:

    Waa hambalyo iyo Guul laakiin digashada daaya cidaad ka adagtihin maleh……..Ilqod saaxiib waa ku aqaan Gedo waa ogeyd sidaa igaga carari jirtaye Saaxiib Gacan qaadka jooji……

    guul Ugaaaska cusub

  4. Mohamed says:

    Marka hore waxaan salaamay bahda website-ka, akhristayaasha iyo dhamaan inta fikirka ka dhiibatay. Marka xigta waxaan u hambalyeeynayaa beesha Xassan Gaashireedle oo caddeysay in ay leedahay ugaas u gaar ah oo ay u arkeen inuu yahay kii cadaalada u sugi lahaa walaahood kale ee sadena ula wadaagi lahaa wixii danta guud ee sadeka dhaxeysa sida ayaga ay ku qanacsanyihiin. Ma xuma haddii caddaalad darro la kale tirsaday in sida oogu haboon oo ay umaddu ku wada qanacsantahay la sameeyo. Mida kale ugaasnimadu ma aha hanti uu qofku dhaxal sharci ah u leeyahay ee waa hadba qofka ay beeshu u garato inay u dhiibato hogaankooda dhaqan iskuna raacaan, wuxuu sidoo kale noqon karaa wareegto. Marba haddi la gartay in ay jifo waliba yeelato ugaas ma aha in la kala tagay ee waxaa weeye in taladii hal ugaas ka hoostay ay isla lafaguraan ugaas badan oo wada dhashay, waayo gacmo wada jir bay wax ku gooyaan. Aflagaadana ha laga yareeyo website-ka. Taariikhdii la soo maray iyo cidii cadaalad darro sameysay iyo cidii cadaalad sameysayna waanu wada ognahay cidna daah kama saarna. Raad arooryaad yaan dib loo raacin ee ha laga fekero sidii qaranka soomaaliyeed dib u hagaaajintiisa looga qeyb qaadan lahaa ayadoo lag bilaabayo maamul deegaan oo hufan, maamul daris lala wadaago, maamul qaran wax lala qeybsado oo tayo leh una horseedi kara umadda waa cusub oo lagu diirsado. Kana faaiideysto maskaxda ,caafimaadka, cilmiga iyo qeyraadka uu alle idin siiyey. Wabillaahi towfiiq.

  5. Waan idin salaamay horta waxa keenay in ugaasnimada reerki loo dhiibay lagu qabsado waa sidan: ree ugaas sharmaarke waxa ay degenyihiin baardheere waxa ay ku guuldaraysten in ay maamul usameeyan magaladas, tobanki sano ee ugu danbeeysay waxa ay ahayd meel fooro ah hay adihi kakala cararan qasatan hay adi cisbitalka magaalada haysatay oo ayaga dhaxdooda ay ku hishiin waayeen inta dadka kale lagaarin aniga shurwac ah iyo aniga sharmaarke ah, landcruiser kayga hala kireeyo wiilkayga hala shaqaaleeyo., waxaan xasuusta magaladas oo daacun ka dhacay oo dadka baba ayan ay diyaarad faleeboyin sida ka hor istagin inay so dagto macaawino dad baaba ayo lagu so qaday in qabiil ukala goosteen. Oo xafad buulo kaskay ee aadka dadka saboolka ah ubadanyihiin waxba lagaynin oo nin ree shurwac ah uu ku qatay tuulo aan jirin oo uu ku magacabay quracley uu raashiin ku rartay. Marka nin magaladi uu dagna dadka la nool xaqdhowri waayay oo la hishiin waayay ma mareexanweyne ayay xaqdhowri karan oo ay u cadalad fali karan ugaas waxa noqon kara ninka hunguriga dadka horsiiya kadib wixi uso hara qaato ama qadaba marka waxba yan loo arkin in dad wax loo dhimay ninki wax mamuli waayo awalba walaga qaadi jiray howsha marka hada hadii mid kale lasamystay oo aan la idinka qaadin iska aamusa buro baad sidataane.

  6. Waayeel says:

    Jaallayaal,

    Yaa yiri Reer Xassan Ugaas mayeelan karaan oo xoog kuhaystay?
    Isku xishooda oo laftiinu ha is liidina. Hal Ugaas iyo tobanba yeesha haddaad dan u aragtaan waxaanse idiin leeyahay wax faa iida ah makeenayso in aflagaado iyo magacyo la isugu yeero.

    Waxaa habboonaan lahayd in aad warkiina kubadashaan in Reer Xassan iyo Mareexaanba hadda barwaaqoobayo mar haddaad garateen inaad Ugaas duubtaan, waxaadse iclaaminaysaan Balaayo iyo baas. Waxaad kaga fiicnaanaysaan Qolada aad caayaysaan halkan kuma arko.

    Waxaad dan moodaan yeela balse Soo reebta.

    Mahalleeya !!

  7. FIICAN says:

    WAXAN U HAMBAL YENAYA BESHA REER XASSAN UGASS KA AT SAMES SATEN HAMBALYO HAMBALYO

    BY FIIICAN

  8. fiican says:

    waxan hambal yenaya besha reer xassan gashiretle waxana leyahy ugass wanagsan iyo nabat galyo asalamu calykum warax ma tullahi wa bara ka tu ugaas nabat ku so gal arlada

  9. Wagardhac says:

    Hambalyo, tahniyad iyo bogaadiin Ugaaska Reer Xassan. Dhamaan beesha Sade faciin waad ka danbaysaan ee ha is cadawsanina ee isgarabsada!

  10. khalid says:

    asc wr wb
    dhaman dhanliyarada fakarkooda halkan ku soo bandhigtay waad mahadsantihiin iyo webka allgedo,
    HANBALYO ugaaska besha (maxamed xassan yarow) mida kale
    walalayow codsi gaar ah: ma haboona dad walalaha in ay meelaha public-ga ah ay isku cayaan ama wax iskaga shegaan dadkan way wada dhasheen meelna uma kala socdaan yanan laga hadlin wax aanan jirin ama kala fogayn kara dadka wada dhashay, dadkan ugaaska magacawday xuman ma aysan samayn cidna kama aysan dacwoon dantoosa iyo mustaqbalkooda ayay ka hadlayn: beesha sade dhexda ayay kaga jiraan meelna ugama aysan bixin yanan xuman la raadin,
    markale ugaaska waxan leeyahay hanbalyo gobalka iyo dadkiisa cadal u samee alle ayaa cadalay samayn karee sade yuusan kuu kala ahan somalia yaysan kuula ahaan wadani dadkiisa iyo dalkiisa ay wax ka faaidaan noqo,
    wabillahi towfiiq
    asc wr wb

  11. waxaan hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah hawada usoo marineynaa Ugaaska guud ee Xasan Gaashireedle ee dalka Soomaaliya Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow.
    Noqo mid cadaalad iyo sinaan u horseeda dhamaan Beesha Sade.
    w.w.w.

  12. ALI says:

    Mareexaan jifo walbe ugaas hayeelato.Reer kaan qudhiisu yarow bas ah yuusan ugaas onoqonee jifo walbe oo kamid ah ugaaskeeda hadooroto.Tan kale yaa cadaalad darada hayay.Mise waxay ubiya shubaneysaa cuqdadii xumeyd oo reer loohayay.

  13. Ali walaal cadaalad darradu way jirtaye wax badan baadan ogeyn baan filayaa. mise waxaad aheyd qolooyinki kacaankii 21ka oktober ee xaaraanta ahaa lagu naasnuujjiyay? wax badanna aananba la socon!

  14. hanbalyo ugaaska beel waynta reer xasan saan horayba u iri waxay ku haboonayd in midnimada beesha la ilaaliyo saas aawadeedna ugaas beesha reer xasan laga daayo oo layiraahdo ugaas beesha sade.. beesha badankeed reer xasan waa ogolyihiin dhibna kuma qabaan hadii cod qaadaan waa la’idinku shubi lahaa.

    xasuusin ugaas howsha ugu horayso laga rabo waxay tahay inuu cida inteeda xuduuda itoobiya ilaa harar iyo jabuuti jira inuu soo celiyo luuqada afsomaliga iyo abtirsiimahana baro…

    hanbalyo markale Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow.

  15. Waayeel says:

    Ilqod intaas nin kasareeyaan moodi jiraye maradaa kadhacday.

    Ilaahoow hana ceebeeyn.

  16. Hambalyo hambalyo hambalyo. Waxan u mahad naqayna ugaska besha xasan gashiredle UGAS MAXAMED UGAS XASAN YAROW.WAXANU LENAHAY KUSO DHAWAW DALKADA &DADKADA O KU KALA NOL DACALADA ADUNKA. WAXANA JECLEN IN LAGA DHIGA UGASKA GUD E BESHA SADE WAYO CADALADA CIDNA KAGAMA DHAWE WAXADNA XAQ ULAHAYD IN SADE INTISA KALANA ADIGA KUSO DORTAN BALSE MEYSAN DHICIN HADANA CUSRI MALAHAN.waxa lagaga bahanyahay wax qabad dhinac waliba ah.waxa halkan isugu yimid dhaman ardayda besha xasan gashiredle e hatan kusugan kilinka ismamulka somalida ethopia o siwada jir ah uso dhaweyay ugaska besha xasan gashiredle.wana kula shaqaynayna mar 2aad so dhawow.mahadsanidin cidwaliba o ku faraxsan ugaska.

  17. umu asia says:

    asc waxaan halkaan kaga mahada celinayaa inta wanaag ka sheegtay webkan waxaan u dardarmaya ainta ka ceytantay isma saarno hadalke waxaan hadalka u wadaa ninka labaxay libaax leerta jiifo waxaan leyahay ma ahan in aat qabiil dhan aat ceydit shaqsi ma ahn reer ugaas sharmake ma ahan qof kali meel taagan ma ahan cid lagu ciyaaro ee soo lagam fiicno in aat ka fiirsato ceyda aat reer ugaas sharmake wada marineysit mida kale adigaab umaleynayaa in aatb reer ugaas sharmake aatba wax ka aqoon saa hadaa taqaano web maadan ku soo ceydeen mis ma moogtahy in reer ugaas sharmaake ey ahayen cid logu deeqay ugasnimada mis waxaat isleedahay waa la cetamaa ayayay ka noqtaan filayaa ma ahan ugaasnimada miy dukaan taalo ma ahn mit dadka dhan la siiyay ma ahan mit la dhahayo reer hebal siiyo ee waxaan dhihi lahaa ugaaskaan aat ka dhigten suuq jooga iska daayo ee ayahiin ka tashada cida ilaahay u siiyan ha loo daayo ee cidkasto hadii la siinayo waa hore ayey qadan laheet ugaasna beeshaa waa hal ugaas kii dhinta kiis kale ayaa joogo ee halaka daayo xurma darada iyo aflagaadata meelaha lala istaagayo plz waxaan ku dardaarmayaa xushamad cidii laheet waa layaqaan hadaanan dan gaar ah la wadan ee ugaaskaan aat ka dhigten nin shaqsi ah is ka ilaaliya historigan soo aqrista yaanan web ka la ga ceetamin plz

  18. Hanbalyo, Hanbalyo, Hanbalyo. Maanshaa alaah doorashada ugaaska, laakiin waxaa muhiim ah in ugaasku uu u shaqeeyo si ka fiican, ka cadaaladsan, ka adadag, ka dulqaad badan kuwii soo maray Gedo sanadadii hore/danbe.
    Ugaasku waxaa looga fadhiyaa in uu noqda sidii Ugaas Ahmed Adan Roble

  19. Wiil Sade says:

    Ku diidnaye yaad ugaas u noqon? ku fahamnaye yaad qayaami, ku aragnaye yaa ku rabo, ku nacnaye yaa ku dooran.
    Waxaan la hadlayaa UMU ASIA. Reer sharka way fiican yihiin laakin fiicnaan tooda meeshooda haa la jogaan.

  20. quule says:

    hambalyo, hambalyo ugaas ka guud ee beesha sade ee gedo ……
    waxaan u arkaa in manta beesha sade ay heshay hogaamiyahoodii..

  21. Sharmaarke says:

    Waxaan kufarxay markaa arkay aqoonyahano kasoo jeedo beesha sade waxaan hablyo qaas ah udiriyaa wabseedka aansida aadka ah ugu xiranahay ee allgedo shaqaalaha kashaqeeyo waan wadasaamayaa cimrigiina hajiro intaa kadib reerkasta hagaamiyo dhaqameed dooranayso haloodayo

  22. Scm dhaman besha curadka ah e xasan gasharedle waxan u hambalyeynaya dhaman cuqaasha iyo wax garadka arintan hindisay ee doortay ugaas gaar ka ah ugaaskii hore ee beesha yarta ah iska laheyd xasan gasharedle waa owsame barkii mana hoos fariisan doono jifo yar oo aden yusuf la’eg waxan idin leyahay wad ka daahdeen inad ugas doorataane dad bad ku daba jirteen aad ka da’weyntihiine haatan bad isku duwateen geelinii kala didsanaan jiraye ee dugaagu iska dili jirey ayadon cidu daajineyne doofaarku waa nijaaso wase la iska daahiriyaaye duniduna ma jogto xiligii la is daadihin jiraye ugaska aad dooraten wa mid aan dadweynuhu u darnan karine waa duriyad xalala aan cidu diidi karine ha is daleemin xasanow dunida hatan jogta cirka la daganyahaye