Home » News »

Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya oo goor dhow kullmaya.

Wararka naga soo gaaraya caasimada magaalada Muqdisho ee Soomaaliya ayaa sheegaya goor dhow oo maantay ah in kullan ay yeelanayaan Mudanayaasha Baarlamanka KMG Soomaaliya.

Xildhibaan Ibraahim Buulle Xasan oo ka mid ah Xogheynta Baarlamanka KMG Soomaaliya ayaa xaqiijiyey kullanka maantay inuu ka dhacayo xarunta golaha Shacabka, isla markaana mudanayaasha la horgeyn doono ajandayaal fara badan si ay uga doodaan.

Mudanayaasha Baarlamanka KMG Soomaaliya qaar kood waxay gaareen xarunta golaha shacabka, halka kuwa kalena ay ku howlan yihiin in ay gaaraan halkaasi si ay uga qeyb qaataan kullanka maantay la filayo in ay yeeshaan.

Kala soco Allgedo.com wixii ku soo kordha kullankan.

Maxamed Cabdi Yuusuf, Muqdisho/Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya oo goor dhow kullmaya. "

  1. Amina says:

    Xildhibaanada u dhashay Gobolada beesha Sade ma garan waayeen inay la xisaabtamaan dawlada oo soo dhiciyaan xaqa ay leeyihiin? .
    maadaama gargaarka lagu qaybsaday 4.5 aaway qaybtii waxbarasho iyo horumarineed iyo cunto ee beesha sade.

    midda kale aaway xaqii deeqaha waxbarasho ee ardada beesha sade.?

    hadaa nahay dadka u dhashay gobolada gedo jubooyinka iyo galgaduud waa inaan dhisana dhulka.