Home » Archive Daily September 26th, 2011
Ciidamo lagu soo tababaray Dalka Itoobiya oo la geeyey Degmada Doolow.
Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo lagu soo tababaray dalka Itoobiya ayaa y la geeyay deegaano ka tirsan gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Doolow.
Ciidamadaas oo tiradooda lagu sheegay 1000-askari ayaa waxaa lagu biiriyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee horey halkaasi u joogay kuwaasoo lagu wado inay howlgal ciidan oo ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyaan halkaas.
Tagitaanka ciidamadaasi...
Hay’ada nabad Sugida Dowladda KMG oo maanta soo bandhigtay Laba Dhalinyaro ah oo ay shegeen inay ka mid ahaayeen Alshabaab.
Hay’ada Nabad Sugida dowladda KMG Soomaaliya ayaa maantay magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay laba Wiil dhalinyaro ah oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Xarakada Alshabaab isla markaana ay ka soo goosteen.
Agaasimaha Hay’ada Nabad Sugida dowladda KMG soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay dhalinyarada ay soo bandhigeen in ay ka soo goosteen dhanka Xarakada Alshabaab,...
Dhexdhexaadin laga dhexwado Puntland iyo beel ka mid ah Beelaha dega Mudug oo laga cabsi qabo inuu Fashilmo.
Shir balaaran oo ay shalay isugu yimaadeen Guddigii Issimada ahaa ee ku howlanaa xalinta dhibaataddii ka dhacday magaalada Gaalkacyo bilowgii bishan September ayaa shalay lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.
Shirkaas oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka socotay maamulka Puntland iyo xubno ka socda Xildhibaanada dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan magaalada Gaalkacyo, iyo ergo ka socotay beesha Leelkase...
AMISOM oo Saraakiil looga dilay Magaalada Muqdisho.
Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu dilay caasimada Magaalada Muqdisho kadib weeraro kala duwan oo ay la kulmeen tan iyo todobaadkii la soo dhaafay.
Sida lagu daabacay Wargeyska Daily Monitor ee ka soo baxa MagaaladaKampalaee dalka Ugandha in Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM kana socda dalka Ugandha ku dhinteen dagaalo iyo weeraro Gaadmo...
Dagaalo Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Wararka naga soo gaaraya Caasimada Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac xalay ku dhex maray Ciidamada Xarakada Alshabaab iyo kuwa dowladda KMG soomaaliya.
Dagaalkaasi oo ka dhacay Wadada Warshadaha ee Magaalaa Muqdisho oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ayaa waxa uu u dhaxeeyey Ciidamada Xarakada Alshabaab iyo kuwa Dowladda KMG Soomaaliya oo garabsanaya...
