Home » News »

Guddoomiyaha Ahlusunna Waljamaaca gobolada dhexe oo sheegay in Alshabaab ay wadi waayeen dagaalada ay kula jiraan.

Maamulka Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca Gobolada dhexe ee Soomaaliya  ayaa sheegay in Xarakada Alshabaab ay quus ka joogaan sii wadista dagaalada ay kula jiraan ururkaasi iyo Dowladda KMG Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maamulka ahlusunna Waljamaaca gobolada dhexe Prof: Xirsi Labo Gare oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay wadoodi la’yihiin alshabaab in ay sii wadaan dagaalada ay kula jiraan Dowladda KMG, AMISOM iyo Ahlusunna Waljamaaca sida uu hadalka u yiri.

Mar uu ka hadlayay dagaaladii gobolada dhexe maalmihii ugu danbeysay ka wadeen Alshabaab ayuu sheegay in Ay  ku fashilmeen isla markaana ku guuldareysteen sii wadista dagaaladaasi.

Sidoo kale Guddoomiyaha waxa uu ku eedeeyey maamulka Alshabaab ee gobolada dhexe markii ay wadi waayeen dagaalada in ay bilaabeen iska horkeenida beelaha Soomaalida oo uu sheegay in ay dhibaateeyaan sida uu yiri.

Ugu danbeyntii hadalkan ayaa imaanaya xili dhawaan dagaalo culus ka dhaceen degmada Dhoobley iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolada dhexe ee soomaaliya kaasoo dhex maray Alshabaab iyo Dowladda KMG Soomaaliya oo kaashanaya ahlusunna Waljamaaca, Raaskambooni iyo Ciidamada AMISOM.

Maxamed Cabdi Yuusuf, Muqdisho/Somalia.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

7 Jawaabood " Guddoomiyaha Ahlusunna Waljamaaca gobolada dhexe oo sheegay in Alshabaab ay wadi waayeen dagaalada ay kula jiraan. "

  1. abu sacad says:

    war waa maxey gudoomiyaha aad sheegeysiin waar ninkaas waa nin ka tirsan c.i.a ameerika oo lawada ogyahay waxaana uu uyimid soomaaliya waa jaasuusnimo iyo uadeegid gaalada gaar ahaan kuwa afrikaanta soomaaliya deriska la,ah weligiina ma,aragteen nin barfasoor sheeganeyo uu dibada uga yimid hogaaminta urur aan leheyn wax hadaf ah oo aan kala garaneynin gaal iyo oo aan soomaaliyana wax taageero ah ka heysan marka waxaan uga digeynaa dadka soomaaliyeed in ay san soo dhoweysan jaasuuskan oo kale waxaan wada ogsoonahay inuu kala yimid austuralia boorsooyin doolar ah si looga maja xaabiyo shecebka ku dhaqan caabudwaaq marka ninkan waa nin danger ku ah soomaaliya iyo jiritaankeeda waa in laga hortagaa si loo bedbaadiyo umadan dhibaateysan oo uu hadana dhibaata kale umaleegeyo /walaahu muwafaq wasalaama caleykum

  2. hadalka doqontu ku hadasho iyo kan kuwa soomalia ku soo hogaamiyay cadowga alqaida waa isku hada ninakan meeshaan wax ku qoray waxa uu ka dhigayo rayi bal arka
    waa jaahil wax magarte ah gudoomiyaha guud ee maamulka culumada shiikh alaha xifdiyee prof shiikh labaggare maxaa uu ku maagay lamayaan sabab uu shiikha ku aflagaadeeyay
    haduu runsheegayo kuwa africa wato oo waliba dagaalka ba an wado waa yaqaan shiikh labaggare badagaal ayuu wadaa
    waxaa laga yaabaa in uu shiikha qabiil ku colaadinayo
    waa wax aad looga naxo in nin dalkiisa dadkiisa diintiisa o shaqeynayo oo in uu caawiyo dibadaha uga yimid la aflagaadeeyo kan cadowga wax uu ku sheegay watana aan laga hadlin madoo nayo in aan waqti badan ku baxsho qofkaas iska neef saday ama iska hadaaqay

    shiikh hirsi awmaxamed labagare kanaxoow nafta waa
    kanaxoow nafta waa
    cadowga umada soomaliyeedna waa jabayaa

  3. c/qani says:

    Arintu xirsi iyo qofkale midna Maha ee waa Mabda’ iyo Diin iyo Qaranimo iyo Umadnimo, Subxaanalaah Maxaa ka Xun Ninka Maajida Allaah iyo Malcaamadah ama Dugsiyada Quraanka ka xiray CAABUDWAAQ, Gabdhahana Xijaabka udiiday, Aqoonyahanadiina kacayriyay Deegaanka, AXMAARO iyo Kufaartalena Mudo Bil kabadan Xoolaha oogu qalayay CAABUDWAAQ..

  4. huseen says:

    war iimaanka ala kaa qaadyee maxaa ka rabtaa shuukh ma waxaad u hiilinaysaa jaahilkii joogi jiray meesh

  5. abu sacad says:

    saaxib doqonimada iyo dulinimada aad ku jirto ka soo bax waayo soomaalida waxey ukala baxdey laba qeybood qeyb waa mida raacdey soomaalida muslimiinta ee dagaalka kula jira gaalada iyo gaalo raaciyada qeybna waa mida mida raacdey jawaasiista laga soo dirsadey wadamada gaalada sida austarelia iyo ameerika marka saaxib waxaan ku leeyahay ninka aad uheeseyso ee ah laba gare waa nin jaasuus ah khatarna ku ah jiritaanka magaca soomaaliyeed cid diidi kartona malahan arintaasna waa xaqiiqo soomaalida oodhan ay wada ogyihiin oo marag madoonto ah marka mr ma cabsade waxaan kugula telineyaa in aad ka waan toobtid kana noqotid taageerida raga lagu tuhmeyo jaasuusnimo iyo dabadhilifnimo hadii kale waxaad noqoneysaa jaasuus 1one kale

  6. Koshin says:

    War maxaa dhacay Dhuuusamareeb lala wareegyay……..Cabsi Cabsi eheheheheheheheheheheheheheh jecliyaa jecliyaa

  7. abu sacad says:

    aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaawey ninkii lahaa shabaab wey jabeen laba gare ciilkaaga iyo caradaada udhimo dhuusmareeb waa lala wereegey