Home » Suugaan »

Maanso: “Dalandool” By Caalamiin Sheikh Cilmi

Mansadaan  waxaa la yiraahdaa Dalandool  waxayna ka had laysaa colaadaha iyo abaaraha ragaadiyay Gobolka Gedo iyo cuna qabataynta saaran gobalka oo gargarkii bani aadanimo ka sokoow loodiiday ganacsigii taas oo aan u arko barakicin ladooonayo in dadka laga barakicyo deeganooda, maansado waa aragtidayda hadii aad hayso akhristoow fikir ka balan iisoo jawaab. 

Daaq maleh dalkii gedo
Abaar diirataa taal
Dabar go’e riyihi oo
Dayliyo lo,dii tage
Waa dulugle geelii
Hadaan daa im kay bixin
Dadku kama danbeeyaan
 
Gu,gi hore dun kamatagin
Dalagiina waa ba,ay
Soodaahday dartii
Kuwi diinka waday iyo
Deeq bixiya yaashina
Waanaga dagaaleen
 
Dowladeenu waa urur
Dagaankaan qabsaday iyo
Waxaan diiday ma,oyee
Daryeel iyo gar gaar maleh
 
Intaas waa dareen guud
Dadku waa usimanyahay
Ducda ceelka haareey
Dadka yaal hadaanahay
Diiftiyo abaaraha
Dulanbaaba noodheer
 
Daawiyo dagaan luuq
Doolow kulaytahay
Dadku nalama qayb sado
 
Dariiq yada dhan baaxiran
Dabar baa ku ala go,an
Loodiid wax soo daga
Dibad raashin ogayimid
Ilaa sooki dabadii
Lama saarin labo daan
Dumarkiyo caruurtii
Danyartii barbaa lumay
La,dayow yay gaajada
La,dabayla raacyoo
Quxu waa is daba joog
Daris daris ma weheshado
Dudadiyo balooshay
Daafigu ruxayaa
 
Kuwa duulayee yimid
Dayiciyo dhibaatada
Hadaysan daboolayn
Daraf nooma dhaafaan
 
Kuwadiinka sheegtana
Dariiq yadoo lagooyaa
Danbi ooma ahaystaan
 
Labo daran midoorada
Ma dadnoo heshiiyaa
Ma dunbaa isugu xiran
 
Kadacwoow mid kuudaran
Udansheego laayaan
Dalan doolka labadaas
Kala dooro ma oyee
Dawo kale mahaynoo
Danla caari baanahay
 
Dulan qabe hajoogoo
Dube baas ha haystoo
Ha dabaasho dhiigee
Nabad doonideedii
Goormaa ladaayoo
Duubkii cadaa lumay
 
Duqowdiyo culumadi
Doorkii maxaa helay
Ma duloobay dhaqankii
Dalku jeer lahaanjiray
Darowshu muxuu yahay
 
Midki duudsi hore qabay
Hadoogsado markiisee
Maxaa diiday qaylada
Dadka qaar inuu karo
 
Ma ogtahay darxumadiyo
Diiftiyo wakhtiga jira
Daalaa dhac ma,oyee
Deeq eebe wuu iman
Daruuruhu mar way curan
Mid la dilay hajiitee
Mid la deegay baa kici
 
Diiwaanadaan iyo
Waxaan daabacayniyo
Duugiyo qoraaladu
Dib unbay usoo bixi
 
Haba daaho qalinkuye
Ha dibjiro kan sugayee
Dowlad loodhan yahay iyo
Dastuur iyo sharcaa ima
 
Midki digan jirayee
Kudarnaa colaadaha
Dabin maalin buu gali
Danbi uu hilmaamiyo
Doog iyo sunbaa qaban
 
Duudsiga agoomaha
Laga diirtay xoolaha
Dumarkiyo caruuraha
Loodiiday daawada
Duqowdiyo habuushada
Laduuduuban gaajada
Dacwadooda eeboow
Duhur iyo alayl ba
Kaa duraamanaa yaan
 
Kola diidi may side
Ama deeq layaabiyo
Darajiyo barwaa qaad
Udayaafin doontaa
 
Ama duulka heeriyo
Duligiyo halaagaad
Ka dulqaadi doontaa
 
Anna qayb ka diimoon
Ku dahsoon ma shii,ada
Damiciyo rajada wayn
Kaa daahsan maayee
Dag dag baan ufilayaa.

———-
By: Caalamiin Sheikh Cilmi
c_elmi@hotmail.com

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.