Home » Archive Daily October 8th, 2011

Madaxweyne Shariif oo Xariga ka jaray dib u howlgalinta Suuqa Bakaaraha.

Oct 8, 2011
Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maantay markii ugu horaysay booqday suuqa weyn ee Bakaaraha oo waqtiyadii danbe noqday aag dagaal, isla markaana dowladdu la wareegtay guud ahaan gacan ku heynta Suuqaasi. Booqashada maantay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ku gaaray Suuqa Bakaaraha waxaa ku wehliyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Wasiiro, Xildhibaano,... 

Janaqow “Shabaabku diyaar uma ahan in ay wada hadal galaan…”

Oct 8, 2011
Xildhibaan Sheekh C/raxmaan Janaqow oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamanka KMG Soomaaliya ayaa sheegay in xarakada Alshabaab aysan diyaar u ahayn in ay wada hadal la gasho dowladda KMG Soomaaliya, isagoo dhinaca kale arrin laga xumaado ku tilmaamay weerarkii 4-ta Bishan ka dhacay Xarunta Hargaha iyo Saamaha. Janaqow waxa uu ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed in ay iska dhiciso Xarakada Alshabaab oo uu... 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo mas’uuliyiin kale (Sawiro)

Oct 8, 2011
Addis Ababa, Ethiopia (AOL) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa waxaa casho sharaf u sameeyey Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka Ethiopia, Xildhibaan ka tirsan Federaalka, Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Ethiopia, Ku xigeenkiisa, ganacsato soomaaliyeed iyo diplomaasiyiin.  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Abdiweli Mohamed Ali oo ka hadlayey... 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia

Oct 8, 2011
Addis Ababa, Ethiopia (AOL) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo jooga Addis Ababa ayaa kulan dheer la qaatay dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Melez Zenawi. Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia, arrimaha amniga, abaaraha iyo xaaladda dalka Soomaaliya. Ra’iisul... 

Wargelin muhiim ah: Bulshada Soomaaliyeed waxaa laga codsanayaa in ay maalinta Axadda soo socota kasoo qeyb galaan kulan Teleefan oo loogu baroor diiqayo ardadii lagu xasuuqay Muqdisho

Oct 8, 2011
Dhamaan umada somaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaa la ogaysiinayaa ina maalinta Axada ah oo ay tariikhu tahay October 10, 2011, saacadu markay tahay 2:00 pm waqtiga North America,  7:00 pm waqtiga UK inuu jiro shir looga hadlayo looguna baroor diiqayo xasuuqii axmaqnimo ee ka dhacay magalada Mogadishu ee lala beegsaday ardaydii, ubaxii, iftiinkii iyo dadkii rayidka ahaa ee aan waxba galabsan... 

Diyaarado duqeeyey saakay deegaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose.

Oct 8, 2011
Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in mar kale deegaano ka tirsan gobolkaasi sakaayto duqeyn xooganka fuliyeen diyaaradaha aan cidna wadin. Duqeyntani waxay ka fuliyeen diyaaradahaasi Deegaano ka tirsan degmada Afmadow ee gobolkaasi sida ay sheegayaan dad ku suga halkaasi, waxaana diyaaradahani lala bartilmaameesaday sida warku sheegayo Xarumo ciidan oo ay Alshabaab ku leeyihiin... 

Dagaal culus oo xiligan ka socda Deegaanka Tuulo Barwaaqo iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu dilay dagaalkaasi.

Oct 8, 2011
War goor dhow soo gaaraya Xafiiska Shabakada Allgedo.com Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xiligan dagaal xoogan ka socdo deegaanka Tuulo Barwaaq oo qiyaastii 15 KM u jira Degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo. Dagaalkaasi ayaa u dhaxeeya Ciidamada Xarakada Alshabaab iyo kuwa dowladda KMG soomaaliya oo garab ka helaya Ciidamo itoobiyaan ah oo dhawaan Saanado kala duwan oo sahay u badan soo gaarsiiyey... 

Taliska dowladda Degmada Dhoobley oo faahfaahin ka bixiyey howlgalo baaris ah ay ka sameeyeen Degmadaasi.

Oct 8, 2011
Taliska ciidamada dowladda KMG gobolada Jubooyinka ayaa ka warbixiyey howlgalo baaritaano ah oo ay degmada Dhoobley ka sameeyeen Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Raaskambooni ee wada jooga gobolkaasi. Afhayeenka Taliska Ciidamada dowladda KMG Degmada Dhoobley Maxamuud Faarax Daahir oo la halay Warbaahinta ayaa sheegay in ay sameeyeen howlgalo baaritaano ah oo ay ku sugayaan Amaanka Degmada... 

Dagaalo culus oo saakay ka dhacay Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Oct 8, 2011
Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya saakay halkaasi dagaalo xoogan ku dhex mareen Ciidamo kala taabacsan dowladda KMG, AMISOM iyo Alshabaab. Qof ka mid ah dadka deegaanka Degmada Kaaraan ayaa sheegay saakay halkaasi dhaqdhaqaaqyo ciidan ka bilaabeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG  Soomaaliya, kadibna dagaal culus halkaasi ku dhex maray Xarakada...