Home » Archive Daily October 9th, 2011

AMISOM iyo dowladda KMG oo maalintii labaad madaafiic ku garaacaya Degmooyinka Kaaraan iyo Huriwaa.

Oct 9, 2011
Wararka naga soo gaaraya degmooyinka Kaaraan iyo Huriwaa ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ay halkaasi maalintii labaad madaafiic culus ku garaacayaan, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac fara badan oo soo gaartay dad shacab ah. Xaafadaha Al-cadaala, Arjantiin, SOS, Ex Koontarool Balcad, Suuqa Xoolaha iyo goobo kale ayay ku dhacayaan madaafiicdaasi sida ay sheegayaan dadka... 

Abwaan Hadraawi oo baaq aan caadi ahayn u diray Ururka Al-shabaab.

Oct 9, 2011
Abwaan Maxamad Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ka mid ah Abwaanada Soomaaliyeed ayaa ugu horayn Cambaareeyey weerarkii 4-tii Bishan ka dhacay Xaruntii hore Hargaha iyo Saamaha ee Magaalada Muqdisho kaasoo sababay dhimashada in ka badan 100 ruux iyo dhaawaca tiro intaasi laba laabkeed ah. Abwaan Hadraawi oo la hadlay Idaacad ku hadasha codka dowladda KMG Soomaaliya ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in arrin... 

Ciidamada dowladda KMG oo gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Oct 9, 2011
Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya gobolka Hiiraan ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kasoo ku sii jeeda gobolada dhexe ee Soomaaliya. Sarkaal lagu magacaabo Isaaq Cali maxamad oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG ee jooga Isgoyska Kalabeyrka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kaasoo ka yimid Magaalada Balad-weyne ee... 

Banaanbax looga soo horjeedo Qaraxii Xaruntii Hargaha iyo Saamaha oo ka dhacay Muqdisho.

Oct 9, 2011
Maanta Garoonka kubadda cagta ee Stadium Konis oo ku yaal magaalda Muqdisho waxaa ka dhacay banaanbax balaaran oo ay ka soo qeyb galeen dadweyne fara badan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya. Banaanbaxaasi oo ahaa mid aad u xasaasi ahaa isla markaana looga soo horjeeday qaraxii Dhawaan Ardeyda Soomaaliyeed ku dhammaadeen ee ka dhacay Xarunta Hargaha iyo Saamaha, waxaana ka soo qeyb... 

Faahfaahin dheer oo ku saabsan dagaalo lagu riiqmay oo ka dhacay gobolka Gedo.

Oct 9, 2011
Ugu yaraan shan qof oo dhinacyadii dagaalamay ka mid ah ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal baqonimadii shalay ku dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda KMG iyo xoogagga Al-shabaab deegaan u dhexeeya degmooyinka Baladxaawo iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo. Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Tuulo Barwaaqo oo ku dhow degmada Baladxaawo, wuxuuna dagaalka oo ka... 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Jaamicadda Addis Ababa kula hadlay ardayda

Oct 9, 2011
Addis Ababa, Ethiopia (AOL) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo beryahan ku sugnaa Addis Ababa ayaa casuumaad ka helay Jaamicadda Addis Ababa (Addis Ababa University). Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa halkaas arday fara badan ku siiyey warbixin dhinacyo badan taabaneysey oo ay ka mid ahaayeen arrimaha amniga Somalia, Geeska Africa iyo Caalamkaba, sidoo kale... 

Wararkii ugu danbeeyey dagaaladii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Oct 9, 2011
Warar dheeraad ah  ayaa ka soo baxaya dagaaladii xooganaa maalintii shalay ka dhacay qeybo ka mid ah Degmooyinka Kaaraan iyo Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ka dhasheen qasaare kala duwan. Ugu yaraan 14-qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo shacab ayaa ku dhintay dagaal shalay degmada Kaaraan ku dhexmaray ciidamada dowladda KMG ah oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo xoogagga Xarakada...