Kulan ay isugu yimaadeen xubnnaha guddiga fulinta ururka Somali Diaspora Support Initiative (SDSI) ayaa waxaa si rasmi ah loogu go’aamiyey xilliga iyo meesha lagu qabanayo kalfadhiga koowaad ee ururka.
Ka dib markii arrimo badan la tixgelieyey , ayuu guddiga fulinta ee ururku go’aamiyey in kalfadhiga 1aad ee uruka lagu qabto magaalada
Columbus ee gobolka Ohio, bisha November 25 & 26, 2011.
Ururuku wuxuu cudurdaar ka bixinayaan dib u dhaca dhowrka jeer ku yimid qabashda kalfadhigii ururka oo ay ahyd in uu qabsoomo bishii May, 2011. Qabashada kalfadhiga ururku wuxuu dhowr jeer dib ugu dhacay sababa la xiriira xagga farsamda iyo qabanqaabada.
Ururku wuxuu mar kale u mahadcelinayaa odayaasha, waxgaradka, dhallinyarada, iyo gabdhaha gobolka Minnesota oo horay u aqbalay martigelinta shirka iyadoo markii dambana qiimeyn iyo daraasad ka dib waafaqay in kalfadhiga ururka xilligaan lagu qabto Columbus, Ohio.
Waxaa haddii alla idmo waqti habboon la soo sheegi doona goobta shirweynaha iyo jadwalkiisaba.
Wixii xog dheeraad ah waxaa laga xiriiri karaa:
Dr. Mohamed A. Nur
Phone: (816) 853-9887
monur@comcast.com
Abdiqani Sh. Ali Dini
Phone: (614) 286-4790
aabdiqani@hotmail.com
Wabbillaahi Towfiiq.
Guddoonka Ururka SDSI.

iska soo wareejiya ha la war wareegina siddii shariifyada oo kalee. waxaad la haydeen amaan laakiin waxaa xaabsaday ceebe, sanadkaana waxaa maamula iska leh xujo la ‘aan waa uurmidig ayagaana shirka furaya maadaama ay awoowe yihiin, hadana aan ugaas rasmiya uusan jirin,