Home » Archive Daily October 12th, 2011
Talihihii hore ee saldhiga Booliiska Caabudwaaq oo afka furtay, maxuuse qoonsaday? Dhageyso wareysi taliyaha lala yeeshay iyo waxa uu ka cabanayo.
Bishaar Gaab oo ah Talihihii hore ee saldhigga Booliiska Caabudwaaq ayaa maamulka cusub ee Ahlu sunna Wal-jameeca ee gobolada dhexe, gaar ahaan kan ka jira degmada Caabudwaaq ku tilmaamay in uu yahay mid aan cadaalad ku dhisneyn, balse lagu soo xulay nidaamka ay Soomaalida wax ku qeybsato oo ah Afar iyo Bar ama 4.5.
Taliyaha oo muddo dheer taliye ka ahaa Saldhigga booliiska Degmada Caabudwaaq, isla...
Iska horimaad ciidamo ka wada tirsan DKMG ah ku dhex maray Muqdisho iyo barakacayaal lagu furay rasaas
Muqdisho, Somalia (AOL) - Inta la ogsoonyahay hal askari ayaa ku dhintay laba qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal ciidamada DKMG ah ku dhexmaray degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, iyadoo dagaalku uu ka dhacay agagaarka bacadlihii hore ee degmada Xamarweyne. Ciidamada dowladda ayaa waxay qaarkood ahaayeen kuwo doonayay inay ka hortagaan ciidammo gaadiidka uga qaada halkaas lacago baad ah,...
Ciidamo kawada Tirsan dowladda oo isku Rasaaseeyay degmada Xamarweyne.
Iska hor imaad socday in ka badan 20 daqiiqo ayaa waxaa uu maantay ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya ku dhexmaray degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, iyadoo iska hor’imaadkaasi cabsi ku beeray dadka shacabka ah iyo kuwa ganacsatada Suuqa Degmada Xamarweyne.
Inta la ogyahay 4 ruux oo ay ka mid ahaayeen dadka shacabka ah ayaa ku geeriyooday Rasaasta maantay dhex martay ciidamada...
C/llaahi Axmed Cadow “Dowladdu waa in ay wada hadal la furataa Alshabaab waayo..”.
Siyaasiga C/llaahi Axmed Cadow isla markaana horay u soo noqday Safiirka Soomaaliya ee dalka maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in madaxda dowladda KMG soomaaliya laga doonayo wada hadal in ay la furtaan Xarakada Alshabaab.
Safiirkii hore Soomaaliya ee dalka Maraykanka C/llaahi Axmed Cadow waxa uu ka dhawaajiyey in xiligan ay tahay waqtigii madaxda dowladda KMG soomaaliya laga doonayay in ay wada hadal...
Roobab lagu diirsaday oo xalay ka da’ay magaalada Muqdisho iyo deegaanka Ceelasha Biyaha.
Roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa xalay ka da’ay caasimada magaalada Muqdisho iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxa ay sheegayaan in xalay deegaanadaasi ay ka da’een roobab ay ku diirsadeen dadkii iyo duunyadii halkaasi ku noolaa.
Roobabka ayaa la sheegay inay si fiican uga da’een...
Wararkii ugu dambeeyay dagaalo xoogan oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Dagaalo xoogan ayaa waxay xalay ka dhaceen caasimada magaalada Muqdisho, iyadoo ay dagaaladu si toos ah uga dhaceen SOS, Huriwaa halkaasi oo dagaalo culus maalin ka hor kula wareegtay dowladda KMG soomaaliya.
Dagaalada ayaa waxaa soo qaaday ciidamo ka tirsan Xarakada Alshabaab oo gurmad ahaan u soo gaaray magaalada, halka Ciidamadda Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ay dhankooda iska caabin sameeyeen.
Dagaalada...
