Home » News »

Ciidamo kawada Tirsan dowladda oo isku Rasaaseeyay degmada Xamarweyne.

Iska hor imaad socday in ka badan 20 daqiiqo ayaa waxaa uu maantay ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya ku dhexmaray degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, iyadoo iska hor’imaadkaasi cabsi ku beeray dadka shacabka ah iyo kuwa ganacsatada Suuqa Degmada Xamarweyne.

Inta la ogyahay 4 ruux oo ay ka mid ahaayeen dadka shacabka ah ayaa ku geeriyooday Rasaasta maantay dhex martay ciidamada dowladda KMG soomaaliya iyo kooxo jidgooyo dhigtay nawaaxiga Afar irdoodka.

Sidoo kale tiro ku dhawaad 7 ruux kale oo isugu jira ciidamo iyo dad shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaaladii maantay dhex maray Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya gudaha degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayay ahayd amar ka soo baxay madaxweynaha dowladda KMG soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ku sheegay in aan la arki Karin ciidamo Jagboonti u yaala deegaanada dowladdu ay maamusho.

———
Daahir Guuleed, Muqdisho/Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.