Home » News »

Roobab lagu diirsaday oo xalay ka da’ay magaalada Muqdisho iyo deegaanka Ceelasha Biyaha.

Roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa xalay ka da’ay caasimada magaalada Muqdisho iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxa ay sheegayaan in xalay deegaanadaasi ay ka da’een roobab ay ku diirsadeen dadkii iyo duunyadii halkaasi ku noolaa.

Roobabka ayaa la sheegay inay si fiican   uga da’een  Magaalada Muqdisho iyo deegaanka Ceelasha Biyaha oo ay ka ku nool yihiin dad barakacayaal ah.

Ugu dambeyn Qaar ka mid ah dadka ku sugan magaalada Muqdisho iyo deegaanada loo barakacay waxa ay sheegeen in Roobabka ka da’ay halkaasi lagu diirsaday islamarkaana ay si fiican u soo dhaweeyeen.

———–
Daahir Guuleed, Muqdisho/Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Roobab lagu diirsaday oo xalay ka da’ay magaalada Muqdisho iyo deegaanka Ceelasha Biyaha. "

  1. ckaarıım says:

    anıgoo ah dhagaysta ku xıraan webkan kuna nool dalkaa dıbadıısa gar ahaan dalka turkıga gaar ahaan magaalada Istanbul waxaan soo dhaweyn lahaa ın wada hadal lala galo xarakada Al shabaaab