Home » News »

Talihihii hore ee saldhiga Booliiska Caabudwaaq oo afka furtay, maxuuse qoonsaday? Dhageyso wareysi taliyaha lala yeeshay iyo waxa uu ka cabanayo.

Bishaar Gaab oo ah Talihihii hore ee saldhigga Booliiska Caabudwaaq ayaa maamulka cusub ee Ahlu sunna Wal-jameeca ee gobolada dhexe, gaar ahaan kan ka jira degmada Caabudwaaq ku tilmaamay in uu yahay mid aan cadaalad ku dhisneyn, balse lagu soo xulay nidaamka ay Soomaalida wax ku qeybsato oo ah Afar iyo Bar ama 4.5.

Taliyaha oo muddo dheer taliye ka ahaa Saldhigga booliiska Degmada Caabudwaaq, isla markaana uu ka mid ahaa maamulkii hore oo ka koobnaa 21 xubnood ayaa sheegay in dhamaan xubnihii hore ee ay maamulka ku wada jireen ay dhamaantood wada shaqeynayaan oo ay dib usoo galeen maamulka cusub, balse asaga oo kaliya uu yahay ninka shaqadiisa waayay sabab la’aan.

Taliye Bishaar Gaab oo u waramayay wariye Carafaad Adan oo ka mid ah wariye yaasha ka howlgala degmada Caabudwaaq ayaa dhanka kale sheegay in intii uu taliyaha ka ahaa saldhigga booliiska ee degmada Caabudwaaq uu wax badan oo la taaban karo soo qabtay oo ay ka mid ahaayeen bur-burintii dariiqyadii go’ naa ee magaalada si bilicdii magaalada dib loogu soo celiyo, iyo waliba in uu dhanka amniga magaalada wax weyn ka qabtay.

Mar kale, taliyihii hore ee saldhigga booliiska Caabudwaaq ayaa sheegay in sababta keentay asaga oo muddadaas dheer soo shaqeynayay in uu si gaar ah shaqadiisa ku waayo ay tahay inuusan ka tirsaneyn beelaha Sade ee u badan degmada Caabudwaaq, sidaas awgeedna uu maamulkii Ahlu suna ee degmada Caabudwaaq ee waagii hore ka hufnaa qabyaalad iyo eex uu hadda u xuub siibtay in uu noqdo mid maamulka qofka loogu dhiibo nidaamka Qabiilka ku dhisan ee ay Soomaalida wax ku qeybsato oo ah afar iyo bar ama 4.5.

Hoos ka dhageyso Taliye Bishaar Gaab oo afka furtay iyo waxa ay cabashadiisa ku saabsan tahay.

Allgedo News Desk, WM/USA.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

4 Jawaabood " Talihihii hore ee saldhiga Booliiska Caabudwaaq oo afka furtay, maxuuse qoonsaday? Dhageyso wareysi taliyaha lala yeeshay iyo waxa uu ka cabanayo. "

  1. kamaal says:

    Bashir gaabm
    waad ku mahadsan tahay waxaad qabatay lakiin u hambalyee walaalkaaga cusub ogowna in maamulka uusan aheen wax adiga kuwana kaa horeeyeen juwona kaa danbeenayaan BIshaar somalida marka maamul loo dhibo waxay jecel yihiin inay hayaan intay ka dhimanayaan adba waxaad u eg tahay inaad rabto inaad xilka hayso intaad ka dhimanayso..

    Qofka maamul ku dhaga ama maamul jecel maha qof wanagsan qofka fiican maamulka waa lala soo doorttaa lakiin qpf xukun doon ah waxaad noqonaysaa nin aan jirin marka iska daa xukun jaceelka mana doonayno nin xukun jecel waxaan doonaynaa in xukunka nin walba markiisa qabto BIshaar kuwo badan oo xukun u buka ayaa jira ee walaalow meel fariiso uu kuwa ooman ee xukunka u buka u daa….

    Bishaar saldhigu ma guurayo lakiin xukunku wuu is badalayaa ee la soco saldhiguna maha meel nin leeyahay marba qof ayaa imanaya sida aad adba u timi ha la imaan markii xukunkii lagaa qaday cadaalad daro ayaa jirta weliba adoo leh xukunkii ayaan rabaa waa wax qof damiir leh uu ka xishoodo Bishaar keligaa laguuma abuurin inaad degmada saldhigeeda xukunto ee u daa ninka cusub talo iyo waano wuxuu u bahan yahay la garab gal intaad dhaqan somali oran laheed xukunkii ayaan weli u bukaa….

  2. cabdi ali says:

    Nabe Bilaash Celi Umaysan Mucaradiin Laba garre iyo Maamulka u sameyay ninki kaliyah ee Rer Xasan ka jogay dagmada Cabudwaaq ayay Xilki ka riteen gunimo weye waxaas

  3. sade says:

    waxyaallaha uu kuguulaysat intuu hayey maamulka waxaa ugu waynaa in uu ilaa 5 masjid oo lagu tukan jiray iyo 9 dugsi quraan uu xiray oo ilaa hadda ay xiran yihiin.

    adigana alle kuguma soo celiyo suufiyo huuraalayaasha dugsiyadda iyo masaajida alle xirayna meelxun iyo jahanamo allaha ugu wada bishaareeyo hadaysan toobad keenin oo masaajidda alle aysan furin.

    aad ayaan ula yaabay nimankaas diin laawa yaashaa bal ayagaa magaaladda xaaraan iyo baad ku haystee may inta ayagu furaan masaajidda niman suufiyaa oo ka xatreeya udhiibaan. alle idinma waafajiyo ijaabo aduun iyo aakhiraba

  4. saanyar says:

    waxaa xaqiiq ah wuxuu sheegayo inay jiraan laakiin malawayday goormay suufiyo qabuura galeen maamul wax kuqaybsan jireen sootay ayagoo dhan ahaayeen qabiilo uu males sanawi isku keensaday iyo mooriyaantii galgaduud oo la aruushay,illaahay umadiisa idinka qabay xaaba tuur amxaaro..

    kan meesha ka qaylinaya oo leh dariiqyada furay,wuxuu ku faanaya inuu amxaar cagaf soo kiraystay magaalada keenay oo geedihii laharsanjiray uu qaar jaray gurya dad leeyihiin dumiyay,waxaas dhan waxay ahay qorsho amxaarku watay oo ah dadkaan in lacadibo dhirtay harsanayeen lanabaad guuriyo..

    suufigaan iyo qabuuragaleenada kale oo lasocday iyo kuwa hada joogaba waxay kasimanyihiin inay dugsida iyo masaajidaba xiraan.si dadka ayna wax ubarano oo ayaga qabuuraha caabudaya udaba socdaa..saad lasocotaan caabudwaaq dugsi quraanada waa laxiray ilaa dhawr ma’ahee.
    amarka lagu xirayna amxaaro soo bixisay,laakiin waxaa yaab ah in dadkii dugsiyadii ilmahooda laga xiray ilaa iyo hada ayna kadhiidhin oo wax ficil ayna sameen..illaahay qoom madooriya illaa ay naftooda dooriyaan..

    illlaahoow reer tolkay xaqa tus baadida iyo bidcaday daba socdaan kasoo reeb shaydaamadaas horboodayana kaleexi…amiiiiiiiiiin.