Home » News »

Wararkii ugu dambeeyay dagaalo xoogan oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Dagaalo xoogan ayaa waxay xalay ka dhaceen caasimada magaalada Muqdisho, iyadoo ay dagaaladu si toos ah uga  dhaceen SOS, Huriwaa halkaasi oo dagaalo culus maalin ka hor kula wareegtay dowladda KMG soomaaliya.

Dagaalada ayaa waxaa soo qaaday ciidamo ka tirsan Xarakada Alshabaab oo gurmad ahaan u soo gaaray magaalada, halka Ciidamadda Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ay dhankooda iska caabin sameeyeen.

Dagaalada oo aad u xoogan ayaa waxaa culeys  lagu soo saaray Ciidamadda dowladda KMG iyo kuwa AMISOM, kadib markii gurmad soo gaaray Xarakada Alshabaab ay xoojiyeen dagaalada ka dhacay xalay magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaaladu ay sababeen qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac culus oo soo kala gaaraaya dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah.

Si kastaba waxaa saakay dagan xaalada magaalada Muqdisho oo xalay xaalkeedu ahaa mid Allow Sahal ah, isla markaana waxaa weli la filan karaa in ay dib u bilowdaan dagaalo kale.

———
Daahir Guuleed, Muqdisho/Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.