Home » Archive Daily October 13th, 2011
Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray.
Waxaa maantay barqadii caasimada magaalada Muqdisho soo gaaray Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya Mr. Jerry John Rawlings oo ah madaxweynihii hore ee dalka Ghana, iyadoo lagu wado in uu kulamo la yeesho saraakiisha ciidamada midowga Afrika ee AMISOM iyo madaxda dowladda KMG Soomaaliya.
Wararka ayaa tibaaxaya in Jerry Rawlings uu tagayo xarunta madaxtooyada ee Soomaaliya, si uu ula kulmo...
Dagaal aad u xoogan oo goor dhow ka qarxay deegaanka Taabta ee gobolka Jubada Hoose.
War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in dagaal aad u xoogan oo madaafiicda garbaha laga tuuro iyo hub kale oo cul culus la isku adeegsanayo uu ka qarxay deegaanka Taabta oo ku dhow Degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.
Dagaalkan oo ah mid aan noociisa muddooyinkan ka dhicin gobolka Jubada Hoose ayaa waxa uu u dhaxeeyaa Ciidamada dowladda KMG soomaaliya iyo Raaskambooniyiinta oo is garabsanaya...
Koox burcad Koonfur Afrikaan ah oo Ganacsato Soomaali ah ku dishay Dalkaasi.
Koox burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa habeenimadii xalay waxay ganacsato Soomaali ah dil iyo dhac ugu geysteen duleedka Magaalada Cape Town ee dalkaasi, kagadaal markii ay weerareen dukaan ay ku sugnaayeen Ganacsatadaasi.
Waxaa la sheegay in Kooxdaasi burcada ahayd ay toogasho ku dileen afar ka mid ah ganacsatada Soomaalida, isla markaana ay qaateen badecooyin kala duwan iyo lacago yiilay dukaamadaasi.
Goobta...
Dhaqdhaqaaq ciidan iska soo horjeeda oo ka jira deegaanada gobolka Jubada Hoose.
Wararka ka imaanaya deegaanada gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi maantay ka jiraan xaalad kacsanaan ah, kadib markii dhaqdhaqaayqo ciidan iska soo horjeeda ay bilaabeen ciidamada Xoogaga Alshabaab iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya.
Arrintani ayaa timid kadib markii xalay saqdii dhexe ciidamo taabacsan kuwa Dowladda KMG Soomaaliya dhowr madaafiic hoobiyayaal ah ku gaaraaceen deegaanka Tubta...
Dagaalo sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay mar kale magaalada Muqdisho ku dhex maray….
Muqdisho, Somalia (AOL) – Wararka naga soo gaaraya saakay qaar ka mid ah Degmooyinka caasimada Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaalo xoogan oo sababay dhimasho iyo dhaawac uu ku dhex maray Ciidamada Xarakada Alshabaab iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidamada AMISOM.
Dagaaladaasi waxaa ku dhintay 6 ruux tiro intaasi ka badana way ku dhaawacmeen kuwaasi oo dhammaan ah dhinacyadii...
Xaafadaha Suuqa Xoolaha iyo Deyniile oo muuqda kuwo dagaalo la foolanaya.
Muqdisho, Somalia (AOL) – Wararka ka imaanaya xaafadaha degmooyinka Deyniile iyo Suuqa Xoolaha oo ay kaabiga ku hayaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxay u muuqdaan kuwo dagaalo la foolanaya.
Dadka shacabka ah ee ku nool xaafadahaasi waxay tan iyo shalay ilaa iyo xalay ay samaynayaan barakac aad u xoogan si aysan saamayn ugu yeelan dagaalada ay foolanayaan xaafadahaasi.
Dowladda...
