Home » Archive Daily October 15th, 2011

Shaqaalihii MSF Spain ee laga soo afduubtay Xeradda Dhadhabaab oo la badbaadiyey.

Oct 15, 2011
Wararka laga helayo Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in lasoo badbaadiyay Labadii Shaqaale ee dhawaan Koox hubaysan ay ka afduubatay Xerada Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya. Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa la sheegay in ay labadaan Shaqaale gacanta ku hayaan laguna wado in saacadaha soo socda ay ku wareejiyaan Ciidamada Kenya ee ku sugan Xadka labada Dal. Sarkaal... 

Ra’iisul Wasaare C/weli Cali Gaas oo sheegay in xukuumadiisu ay diyaarinayso wada hadal ay la gasho xubno ka tirsan Alshabaab.

Oct 15, 2011
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda KMG ee Soomaliya Dr. C/weli Maxamad Cali Gaas oo la hadlay Taleefishinka Al-jazeera qeybtiisa Afka Ingiriiskiga ku hadasha ayaa sheegay in Xukuumadiisu ay mar kale diyaarinayso wada hadalo ay la gasho Xubno sar sare oo ka tirsan Xarakada Alshabaab. Dr. C/weli Maxamad Cali Gaas waxa uu sheegay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay wada hadalo nabadeed ay la gasho Xarakada... 

Tacsi: Geeridii ku timid Marxuum Nabadoon Maxamed Muuse Faruur Dheer (akhri tacsida)

Oct 15, 2011
Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ku geeriyooday markii ay taariikhdu aheyd 13/10/2011 Allaha u naxariistee Marxuum Nabadoon Maxamed Muuse Faruurdheer oo ahaa oday dhaqameed nabadd ka shaqeyn jiray.   Geerida naxdinta leh ee ku timid Nabadoonka waxaa looga tacsiyeynayaa dhammaan reer Maxamed Muuse gaar ahaanna Malyuun, Iglan, Siciido , Cabdicasiis, Sahro Xirsi Muuse iyo reer Maxamed Muuse... 

Xarakada Al-Shabaab oo sheegtay inay dagaalamayaan inta uu ka dhimanayo askariga ugu dambeeya

Oct 15, 2011
Madaxa dacwadda ee Xarakada Al-shabaab Sheekh Fu’aad Maxamed Qalaf (Shongole) ayaa shaaca ka qaaday inay dagaalka wadayaan inta uu ka dhimanayo askariga  ugu dambeeya, wuxuuna gaashaanka ku dhuftay inay awoodoodu yaraatay ayna ka carareen  Magaalada Muqdisho. Sheekh Fu’aad ayaa hadalkan sheegay mar uu la hadlayey taageerayaashooda, isagoo sheegay qorshaha dagaal ee Xarkada Al-shabaab... 

Sheekh Axmed Madoobe oo shaaciyey in Al-shabaab dalka Soomaaliya oo dhan ka xoreynayaan

Oct 15, 2011
Guddoomiyaha Jabhadda Raaskaamboni Sheekh Axmed Maxamed Islaam Sheekh Axmed Madoobe ayaa ku hanjabay inay ka saari doonaan guud ahaan dalka Soomaaliya Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo gacanta ku haya inta badan koonfurta Soomaaliya. Sheekh Axmed Madoobe ayaa ka hadlay dagaaladii ka dhacay deegaanka Taabto ee gobolka Jubbada Hoose, waxana uu sheegey in dagaalkaasi ay guulo ka gaareen, isla markaana... 

Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa alshabaab oo dhaqdhaqaaq ciidan ka wada gobolka Gedo.

Oct 15, 2011
Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan ka wadaan ciidamada dowladda KMG soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Ahlusunna Waljamaaca iyo Ciidamada Xarakada Alshabaab. Dhaqdhaqaaqyadan ciidan iyo gulufda colaadeed ayaa laga soo sheegayaa Magaalada Baladxaawo deegaano ku dhow dhow, halkaasi oo ay saakay dhaqdhaqaaqo xoogan ka bilaabeen ciidamada... 

Magaalada Qardho oo xaalad Bandow ah lagu soo rogay kadib markii Shan ruux lagu dilay.

Oct 15, 2011
Wararka ka imaanaya magaalada Qardho gobolka Karkaar ee maamulka Puntland ayaa waxay sheegayaan in magaaladaasi lagu dilay  shalay 5-ruux, kuwaas oo sedex ka mid ah lagu dilay gudaha magaalada, wxaana dhaawac culus oo saaray gaaray mid kale, inkastoo markii dambe u uu dhintay dhaawicii soo gaaray, waxaana xiligaasi kadib xaalad Bandow ah lagu soo rogay magaalada. Sida ay noo xaqiijiyeen waxgaradka... 

Meydka ruux gowracan oo laga helay Gaalkacyo.

Oct 15, 2011
Kooxo hubaysan oo aan heebtooda la aqoon ayaa la sheegay in ay habeenimadii xalay si arxan daro ah u dileen Wiil dhalinyaro ah, markii ay dileen kadibna meydkiisa isagoo gowracan saakay lagu arkay bartamaha Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee Maamulka Puntland. Dadka deegaanka ayaa saakay waxay arkeen meydka Ninkaasi dhalinyarada ah oo si weyn looga yaqaanay magaalada, kaasoo qooriisa...