Home » Archive Daily October 17th, 2011
Deeq lacageed oo ka timid Jaaliyada Soomaalida ee Masar oo Raashin gargaar loogu iibiyey Qoysas ku dhibaateysan xeryaha Barakacayaasha ee degmada Baardheere (Sawiro)
Iyadoo ay isa soo tarayaan Deeqaha lacageed ee soo gaaray deegaanka iyo weliba howlaha loogu gurmanayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartey dhibaatooyinka Abaaraha ee ka taagan Gobolka ayaa maalmahii ugu dambeeyey Deeq lacageed oo ka timid Jaaliyada Soomaalida ee Dalka Masar, gaar ahaan kuwooda degan Magaalada Qaahira ayaa waxaa Raashin Gargaar ah loogu iibiyey Qoysas ku dhibaateysan Kaamamka Barakacayaasha...
Tanks and jets: Kenyan military moves into Somalia
MOGADISHU, Somalia (AP) — Kenyan tanks, artillery and hundreds of fighters are moving through militant territory in Somalia, residents said Monday.
Fighter jets and helicopters have been flying overhead since Kenyan forces moved en masse into Somalia on Sunday. The invasion came one day after Kenyan defense officials said the country has the right to defend itself against al-Shabab militants after...
Xiisado iyo Dhaqdhaqaaq Ciidan oo laga dareemayo degmada Ceel-waaq (Warbixin).
Wararka naga soo gaaraya degmada Afmadow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jirto Xiisado iyo Dhaqdhaqaaqyo ciidan, kadib markii habeenimadii xalay halkaasi soo gaareen Ciidamo Kenyaati ah sida warku sheegayo.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay gudaha degmada Ceel-waaq ka wadaan dhaqdhaqaaq aad u xoogan, iyadoo warar hordhac ah oo aan ka helnay saraakiisha...
Faahfaahino ka soo baxaya xaaladda degmada Afmadow iyo dhaqdhaqaaq ay Xarakada Al-shabaab ka waddo
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya xaaladda degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ay ka soo baxayeen warar is khilaafsan ayaa hadda waxay sheegayaan wararka halkaasi ka imaanaya in Xarakada Al-shabaab ay weli ku sugan tahay degmadaas oo ay dowladda KMG sheegtay in ay isaga baxday Xarakada Al-shabaab iyagana ay la wareegeen gacan ku heynta magaaladaasi.
Warar laga...
Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Saraakiil Itoobiyaan ah oo wadahadlo qarsoodi ah ku yeshay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya
Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa sheegaya wadahalo qarsoodi ah in ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa dowladda Itoobiya iyo saraakiisha ugu sareysa maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada dhexe, kaas oo looga hadlay arrimo lagu sheegay dhinaca amniga iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen labada dhinac.
Sida warku sheegayo mas’uuliyiinta ugu sareysa...
Sheekh Xasan Turki oo ka hadlay soo gelitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya.
Xarakada Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay waxay ka hadashay ciidamada Kenya ee gudaha u soo galay dalka Soomaaliya, waxayna hanjabaad culus u dirtay dowladda Kenya oo ay ugu hanjabtay inay cawaaqib xumo kala kulmi doonto ciidamadeeda soo galay gudaha dalka Soomaaliya.
Sheekh Xasan Cabdulahi Xirsi (Xasan Turki) oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Xarakada Al-shabaab oo shir jaraa’id ku qabtay degmada...
Taliyaha Ciidamada Militariga dowladda KMG oo ka hadlay socdaal uu dhawaan ku tagay qaar ka mid ah gobolada…
Taliyaha ciidamada Mileteriga dowladda KMG Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay socdaal uu dhawaan ku tagay qaar ka mid ah gobolada Mudug, Nugaal iyo Galgaduud iyo dagaaladii ka dhacay magaalada iyo sidoo kale dagaalada haatan ka socda gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya iyo soo gelitaanka ciidamada Kenya ee dalka Soomaaliya.
Taliyaha...
Mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka Kenya oo lagu soo riday deegaanka Libooye
Wararka naga soo gaaraya magaalada Libooye ee dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan in diyaarad nooca Helokabtar-ka ah oo ay leeyihiin ciidamada Kenya ay xalay ku bur-burtay deegaanadk Libooye ee xadka Soomaaliya iyo dalka Kenya.
Sida warku sheegayo burburka diyaaradda ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in diyaaradda uu qabsaday dab xoogan, taasina ay keentay inay...
Warar kala duwan oo ka soo baxaya ciidamada Kenya ee gudaha u soo galay Soomaaliya…
Iyadoo ciidamada Kenya ay habeen hore ka soo talaabeen xuduudda Soomaaliya ay la leedahay Kenya ayaa wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ciidamadaasi oo si aad ah u hubeysan ay fariisin ka dhigteen deegaanka Taabta ee gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamadan oo ay taageerayaan diyaarado dagaal oo ay leedahay Kenya ayaa waxaa horkacaya ciidamo Soomaali ah, gaar ahaan ciidamada dowladda KMG ee ku sugan...
