Home » News »

Qaar ka mid ah wadooyinka halbowlaha u ah Magaalada Muqdisho oo saakay xiran.

Wararka ka imaanaya casimada magaalada muqdisho ayaa sheegaya in ay xirmaan qaar ka mid ah wadooyinka halbowlaha u ah isku socodka degmooyinka gobolka Banaadir sida uu ku soo waramayo Wariyaha Shabakada Allgedo.com.

Waxaa saakay xiran wadada isku xirta Xarunta Madaxtooyada villaSomaliailaa Isgoyska KM 4, iyadoo aan la ogayn ujeedka rasmiga ah ee ka danbeysa in la xiro wadadaasi.

Ciidamo aad u fara badan ayaa lagu arkay maantay wadadaasi kuwaasi oo diiday in gaadiidka hakaasi isticmaalaan, sidoo kale waxaa la xiray goobaha ganacsiga oo aan wali albaabada loo furin.

Inta badan marka wafdi ku socda dowladda KMG soomaaliya oo Caalami ah soo gaaraan magaalada ayaa la xiraa wadaasi sida bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Muqdisho ay horay u barteen, lamana oga in wafdi soo dagayo iyo in kale.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dadku ay maqleen qarax kadibna ay arkeen uuro dhanka wadada Maka al-Mukaramaha ah laakiin aan la ogayn qaraxaasi iyo qiiqa dadku ay arkayaan in ay sabab u tahay xirnaashiyaha wadadaasi.

———
AOL News Desk.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.