Home » Archive Daily October 19th, 2011
Al-shabaab oo dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabay Degmada Afmadow ee Jubada Hoose.
Ciidamo fara badan oo ka tirsan Xarakada alshabaab ayaa waxay buux dhaafiyeen 24 saac ugu danbeysay Degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, iyadoo dadkii ku noolaa degmadaasina ay bilaabeen in ay cabsi uga guuraan halkaasi.
Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la soo xariiray Shabakada Allgedo.com isagoo ku sugan degmada Afmadow ayaa sheega in Ciidamo fara badan oo ka mid ah kuwa Alshabaab ay soo galeen...
Dowladaha Kenya, Tanzania iyo Seychelles oo Qaramada Midoobay ka dalbaday inay faragelin ku sameeyaan arrimaha Soomaaliya.
Dowladaha Kenya,Tanzania iyo Seychelles oo ka mid ah wadamada ay marto badweynta Hindiya ayaa ka codsaday Qaramada Midoobay inay faragelin ku sameyso arrimaha amaanka dalka Soomaaliya oo ay sheegeen in xaaladeeda amaan ay sii xumaaneyso.
Wasiirada dalxiiska wadamada Kenya, Tanzania iyo Seychelles Isekiyeel Mayige, Najib Balaala iyo Calayn Stange ayaa sheegay in amaan xumida ka jirta dalka Soomaaliya...
Xiisado dagaal oo ka jira Duleedka Magaalada Ceel-waaq ee gobolka Gedo.
War hadda naga soo gaaraya gobolka Gedo gaar ahaan Magaalada Ceel-waaq ee gobolkaasi ayaa sheegaya in xiisado dagaal ka jiraan duleedka magaaladaasi, kadib markii Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya u ruqaansadeen dhanka Buusaar iyo deegaano kale oo ay joogaan xoogaga Alshabaab.
Dadka deegaanka ayaa sheegay Dagaal yahano ka tirsan Xarakada alshabaab ay dhankooda buuxiyeen deegaanka Buusaar...
