Home » Archive Daily October 26th, 2011
Golaha Wasiirada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo maanta ansixiyay qorshaha Xasilinta dalka (NSSP)
Muqdisho, Somalia (AOL) - Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaaladda ammaan ee dalka, Qorshaha Qaranka ee Amniga iyo Xasilinta, siyaasadda guud ee la dagaalanka musuqmaasuqa, xaaladda bani’aadannimo iyo arrimaha gargaarka.
Golaha ayaa ugu horreynti...
Wafdi ka socda maamulka Bartamaha Somalia oo gaaray Muqdisho, kulamana ku leh halkaas
Muqdisho, Somalia (AOL) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia waxaa socdaal rasmi ah ku tagay wafdi ka socda maamulka Bartamaha Somalia (SCS) oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka maamulkaas.
Wafdiga oo ka baxay Nairobi waxaa horkacayo madaxweyne ku xigeenka Somali Central State Maxamed Xayir Nuur, waxaana xubno ka ah Suldaan Beyle oo ah xubin sare oo maamulka ka tirsan, ujeedada tagitaankooda...
Odoyaasha dhaqanka Gobolka Gedo oo cambaareeyey soo gelitaanka Ciidamada Kenya ee gudaha Dalka Soomaaliya.
Odoyaasha dhaqanka iyo Waxgaradka Gobolka Gedo ayaa si kulul waxaa ay u cambaareeyeen soo Gelitaanka Ciidamada Kenya ee gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan Qeybo ka mkd ah Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, iyagoo sababta Kenya u soo gasheyna Goboladaasi ku tilmaamayna mid daandaansi ah, islamarkaana Colaado looga dhex abuurayo dadka soomaalida ah ee wada degan Goboladaasi.
Hadalkani ka soo baxay Odoyaasha...
Cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo soo galay gobolka Hiiraan.
Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya gudaha u soo galeen qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, iyadoona xaalad kacsanaan ah laga soo sheegayo goobihii ay soo galeen Ciidamadaasi.
Dadka arkay ciidamada Itoobiyaanka ayaa sheegay in ay wataan ilaa 5 gaari oo nooca Uuraalka ah iyo gaadiid kale oo dagaal, isla markaan ay wehliyaan ciidamo fara badan oo...
Dowladda Ugandha oo shaaca ka qaaday in ay diyaar u tahay in ay Ciidamo Dheeraad ah u soo dirto Soomaaliya.
Madaxweynaha dalka Ugandha Yuwuri Musaveni ayaa sheegay inuu diyar u yahay Ciidamo Dheeraad ah inuu u soo diro Soomaaliya, si uu u kordhiyo kuwa haatan ka jooga Caasimada magaalada Muqdisho.
Musaveni waxa uu sheegay in waqti kasta uu la xariiro Saraakiisha ciidamada AMISOM ee howlgalada ka wada Soomaaliya, kana dhagaysto sida uu yiri hadalada xaaladaha dagaal, diyaarna u yahay in uu kordhiyo waqti...
Xildhibaanada Baarlamanka KMG Soomaaliya oo ku kala aragti duwan soo gelitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya.
Iyadoo ay si aan gambad lahayn gudaha Soomaaliya u soo galeen Ciidamada Militariga dalka Kenya ayaa waxaa arrintaasi ka dhashay Guux iyo hadal heyn culus oo madaxda dowladda KMG Soomaaliya dhexdeeda ah iyo mudanayaasha Baarlamanka KMG Soomaaliya.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka KMG Soomaaliya waxay ugu baaqeen xildhibaanada Soomaaliya in ay arrinta ku aadan Ciidamada Kenyaka yeeshaan fadhi...
Dowladda Kenya oo cadeysay in ay heshiis kula gashay Xukuumadda KMG howlgalada ay ka wado gudaha Soomaaliya.
Dowladda Kenya ayaa markii ugu horaysay cadeysa in heshiis kula gashay Xukuumadda KMG soomaaliya howlgalada ciidamada Militariga dalkaasi ka wadaan qeybo ka mid ah gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
Wakiilka Qaramada Midoobey u fadhiya dalka Kenya Majariyo Kimawa ayaa sheegay in madax sare oo ka socda dowladda Kenya ay wadatashi kula yeesheen magaalada Muqdisho madaxda sare dowladda KMG soomaaliya, isla...
Ra’iisul Wasaaraha Dowladda KMG oo sheegay in Ciidamada Kenya ay u kaashanayaan la dagaalanka Alshabaab kana soo horjeestay hadalkii…
Ra’isul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali oo wareysi siiyay wargeyska The Star ee xaruntiisu tahay dalka Kanada ayaa sheegay inay ciidamada Kenya u kaashanayaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen Xarakada Al-shabaab.
“Inaga iyo Kenya waxaan si wadajir ah uga shaqeynaynaa arrimo dan noo wada ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin is-dhaafsiga wararka iyo qorshe wadajira ah oo aan kaga...
Maxaa ka dhalan kara faragalinta quwadaha shisheeye ee Soomaaliya ku sugan?
Kaddib markii ay ciidamada Kenya Todobaadkii lasoo dhaafay xoogga kusoo galeen dhulka Soomaaliya ayaa waxaa hal mar si weyn isu badalay jawigii siyaasadeed ee Soomaaliya.
Dadka Soomaaliyeed ee ku nool North Eastern Province of Kenya, Formerly known as the Northern Frontier District (NFD) oo ah gobol ka mid ah dhul ay muddo dheer Soomaalida sheegan jirtay iyo kuwa ku nool qaar ka mid ah gobolada...
