Home » Archive Daily October 30th, 2011
Faah faahin ka soo Baxeysa Duqeyntii Jilib ka Dhacday.
Wararka ka imaanaya Degmada Jilib ee Gobolka J/dhexe ayaa waxay sheegayaan in qasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac ka Dhasheen duqeyn maanta ay ka geysreen Diyaarado laga lahaa Dalka kenya.
Duqeynta maanta degmada Jilib ka dhacday ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 10 ruux oo rayid iyadoona Dhaawucu uu intaasi ka badan yahay sida ay inoo xaqiijinayaan dadka deegaanka Degmada Jilib ee Gobolka...
Degmada Jilib ee Gobolka J/dhexe oo Maanta la Duqeyay.
Wararka sida tooska ah nooga imaanaya Degmada Jilib ee Gobolka J/dhexe ayaa waxay ku waramayaan in Maanta Duqeyn loo geystay Xero ay ku lahaayeen Degmadaasi Ciidamada xakarakada al shabaab isla markaan ay dad shacab ah ku waxyeeloobeen.
Wararka ayaa intaa waxay ku darayaan in duqeyntaasi ay geysteen Diyaaradaha nuuca aan duuliyaha wadin waloow aanan la ogeyn wadamada ay ka so jeedaan diyaaraadahaasi...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la filayo in maantay barqadii u dhoofo Magaalada Neyroobi ee Dalka Kenya.
Wararka naga soo gaaraya caasimada Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la filayo goor dhow Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ka duulo wafdi uu horkacayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamad Cali Gaas.
Wafdiga Ra’iisul Wasaraha oo ay ka mid yihiin qaar ka mid ah Golaha Wasiirada xukuumaddiisa ayaa waxay ku sii jeedaan magaalada Neyroobi ee Dalka Kenya kadib casuumaad kaga yimid dalkaasi.
Ilaa...
Prof. Gaandi “Waxaan dooneynaa inaan shidaal ka soo saarno gobolada Jubbooyinka..”
Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo madax ka ah maamulka Azaniya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar todobaadyadii tagay soo baxayyey oo sheegayey in maamulka Azaniya ay dabada ka riixayaan dowladaha Faransiiska iyoNorwaysi ay ula soo baxaan shidaalka ku jira gobolada Jubbooyinka.
“Hadalka ay dadka isla dhexmarayaan waa waxbakamajiraan, laakiin waxaan idiin sheegayaa in marka la nabadeeyo dhulka...
Afhayeenka Beelaha Hawiye oo arrin laga xumaado ku tilmaamay soo gelitaanka Ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya.
Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin soo gelitaanka Ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya, isagoo ugu baaqay Dowladda Kenya in ay gudaha Soomaaliya kala baxdo ciidankeeda.
Nabadoon Axmed Diiriye Cali waxa uu sheegay in aysan haboonayn soo gelitaankaKenyaee gudaha Soomaaliya, isagoo dhaliilay arrinkaasi faragelinta...
Warar kala duwan oo dheeraad ah oo ka soo baxya Dagaal iyo Weeraro Ismiidaamin ah oo shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal iyo weerar ismiidaamin oo wada socday oo shalay lagu qaaday fariisin ay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin xeradii hore Jarmalka ee jidka Warshadaha, kaas oo sida la sheegay ay gudaha u galeen ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab, halkaas oo markii ay gudaha u galeen uu ka dhex dhacay dagaal qaraar iyo qaraxyo kala duwan oo ismiidaamin ah.
Afhayeenka...
