Home » News, Suugaan »

Barnaamij Gaar ah oo ku saabsan “Saarka” oo ah mid ka mid ah ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliya (Halkaan ka dhageyso)

Related Articles

    Halkaan waxaan kusoo gudbinayaa Barnaamij gaar ah oo ku Saabsan mid ka mid ah Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka ee loogu jecel yahay Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Ciyaarta Saarka oo si weyn looga Qadariyo Gobolka Gedo.
     
    Dadka u kuurgala arimaha Saarka ayaa waxaa ay sheegeen in ciyaartaasi saarka ah in dhaqan ahaan ay soo shaac baxdey taariikhda marka laga eego horaantii Qarnigii 19aad xilligii dalka Soomaliya ay maamulayeen Gumaystayashii Ingiriiska iyo Talyaaniga, inkastoo aan si rasmi ah loo ogayn waqtiga dhabta .
     
    Haddaba, iyadoo soo shaac bixida Ciyaarta Saarkana nuxurka ugu weyna ay tahay Guubaabo iyo amaan, taasoo inta badana ay isu jiibayaan Haween, kana kooban Geeraaro, Subcis, Alalaas iyo wax la mid ahayaa waxaan ku dhageysan doonaa mid ka mid ah Ciyaaraha saarka ah oo ilaa iyo hadda laga dhageysto Gobolka Gedo iyo Wareysi gaar ah oo aan la yeeshay Axmed Maxamuud Cali oo ka mid ah dadka wax ka qora arimaha dhaqanka Soomalida, gaar ahaan Ciyaarta Saarka ee laga tunto Gobolka Gedo.

       Halkaan ka dhageyso Barnaamijkaan gaarka ah oo ah mid maqal ah

     ——–
    Axmed Cumar Saalixi, Baardheere/Gedo.

    Allgedo News Media Network
    allgedo@allgedo.com

    Bookmark and Share

    25 Jawaabood " Barnaamij Gaar ah oo ku saabsan “Saarka” oo ah mid ka mid ah ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliya (Halkaan ka dhageyso) "

    1. suudaani says:

      bismilaahi,,,,,,,,,,,,, salaamulaahi caleykum
      waa ii caawa mareexaan saar tumaayo saar anaga ayaa iska leh waliba hadaan idiin sheego waxaan ahay gaaljecel marka walaalaayaay caawa waxaan layaabay markaan maqlaya gabadha saarka tirineysa waa sideenoo kala lkn waxeynu ku kala duwanahay saarka anaga xageena ragaa tiriyaa siduu sheegay ninka odayga lkn waxaan halkaan kacadeeynayaa inuusan saarka uusan soo caan bixin qarnigii 19aad ee uu jiray ilaa dadka hiiraan dagan waliba dhanka galbeed inteey jiraan ayuu jiraa

    2. fadumo says:

      ahmed omar thanks aad ayan u jeclahay saarka ano kamid ah dhalinta rer gedo oo ku nool qurbaha

    3. abdishukri says:

      kkkkkk ma shaa allah aad ayaan ku jeclahay anoo ka mid ah qurba joogta reer gedo, si gaar ah waxaad u soo qaadeen magaalada aan ku dhashay buusaar, kk aad ayaad u mahadsantihiin.

    4. xiish sh ibrahim says:

      aad ayad u mahad santaahy walaal saalixi waa barnaamij qiimo wayn aadna nooso jitay hadaan nahay dadka rer Gedo aad ayaan ujeclahay saarka Gaalaysada mashallah thnks walal

    5. Osman says:

      Aad ayaad u mahadsantihiin Allgedo.
      Marki aan maqlay saarkaan qosol ayaan la dhiman gaarey.Qiso yaraanteydi igu dhacday ayaan soo xasuustey.
      Aniga oo ka mid ah ardaydii Ololihi afka Somaliga loo direy miyiga oo markaas aad u ayraa 13 sano ayaan jirey.
      waxaan habeen maqlay gurigi aan degganaa mel u dhow oo qalo badan iyo gurbaan iyo sacab is qabsaday. Nin rerka ka mid ah oo aan saaxiib ahayn ayaan weydiiyey cayaarta meesha ka socota wuxuuna ii sheegay waa saar inuu aaad u jecelyahay oo aadayo ayuu ii sheegay anna waxan ka codsaday inaan raaco, wuuna iga aqbalay.Marki aan meesha tagnayna wuu marqaamay oo iska kay halmaamay cayartina safka dhinaca ka galay.
      Meeshi marki aan tegey ayaan arkay dadki oo goobo afka hore ka furan u taagan oo hablihina gadaal ka safanyihiin, ragguna hareeraha ka taaganyihiin afka horena bannanyahay marka laga reebo dhawr qof oo marna israacaya oo dhexda ku cayaaraya marna qof keliya dhexda loo daynayo.
      aad ayaan u farxay mar haddii dadki cayaarayay gadaashooda bannantahay, oo si fiican aan uga fiirsan karey.
      Meeshi ayaan aniga oo keligay ah iska taagay.oo si fiican uga helay daawashada cayaarata codka iyo jaanta iyo sacabka aad ku marqaamayso marka laga reebo boor jugta lugta ka kacayay.
      muddo kooban kaddib ayaa nin keliya kusoo harey goobti dhexda ahayd hablihina codka kor u qaadeen asagina mar keliya huux xoog badan iyo cayaar aan kala go’lahayn la kacay.daqiiqado kaddib ayuu hal mar gadaal usoo jeestey oo asaga oo aad mooddo dibigi spain marada cas loo taagi jirey isoo galay gurxan iyo neef inta igu asqeeyey vhal mar ila booday oo i xambaartey ilana orday oo meel 4 mitir u jirta goobti geedka raxanreebka ama qaranqarbo loo yaqan oo ah geed dhulka daadsan oo qodco dhaadheer oo mubaar lamaber toban oo kale ah leh bartankiisa igu tuurey.
      Intaas wixi ka dambeeyey waxan ku jirey samata bixin iyo dabiibid.
      Marki lai keenay gurigi ayaan ku calaacalay war ninku muxuu igu maagay maba aqaane, waxa la iigu jawaabay meeshaas waxa looga cararey waa ninka burbursan inuusan ku jiirin ama toorey ku gelin.
      Ilaah ayaan uga mahdiyey inuusan toorey i gelin oo qodax iigu ekeyd arrinta.maalinkaas ka bacdi magaalada ciida ma ahee cayaar dambe oo dad gaar u sameeyey ma arag.

    6. Suudaan aniga maanta ayaa iigu horaysa Gaaljecel sheeganaysa Saar. Waxaasi dhici karta aqoon dari dhankayga ah. Mida kalana ogow cidi wax aysan asal u lahayn ma sheeganayso. Run ahaantii Saarka waxaa iigu horaysay xiligii lasoo qaxay, mar aanu joognay Dhoobley. Wixii intaas ka horaysay waan uun maqli jiray, balse meel lagu ciyaarayo ma arag. Sidaan barigaa u fahmay in Saarka laga ciyaaro Waamo dhulka loo yaqaan. Balse markii dambe ayaa waxaan ogaaday, in Saarka laga ciyaaro Waamo iyo Gedo oo dhan. Inta badan Saarka waxaa tiriya amase ku luuqeeya dumarka, raguna way ciyaaraan. Balse raga qudhoodu way ku luuqayn karaan, waliba isaga oon ciyaar lahayn. Tusaale ahaan waxaa Saarka caan ku ahaa Allaha Naxariistiisa ka waraabiyee Al-wadani mudane Carays Ciise Kaarshe oo degaan ahaan kasoo jeeda, Joore iyo Banka Jiiro oo ah Deegaanada Waamo loo yaqaano.

      Si kastaba ha noqotee, ciyaarta Saarku sida ay aniga ila tahay waa ciyaarta ugu xiisaha iyo xamaasada badan marka la ciyaarayo. Anigu shaqsi ahaan Dhaantada ayaan aad u aqaanaa, balse waxaa igala xamaasad badan Saarka, waa hadii la helo gabdho cod iyo aftahanimo isku darsaday iyo barbaar si fiican u tumi Taqaana. Balse waxaanan kala garan karin, Saar Gedoodka iyo midka Waamo inay isku qaab u dhacaan ama loo ciyaaro.

      Mahadsanidin akhyaarta soo diyaarisay barnaamijkan fanka iyo suugaantaba ah.

    7. wiil gedo says:

      ciyaaraha aan aadka u xiiseeyo ayay ka mid tahay ciyaartan waxay halboowle u tahay ciyaaraha soomalida ku faanto xaga dhaqanka aad baana ugu farxay arintaasi waliba waxaan jeclaan lahaa hadii ay suuro gal tahay in taxane la inooga dhigo please si uusan meesha ugu bixin hidihii iyo dhaqankii soomli lahayd

    8. siihaam says:

      kkkkkkkkk cajiib waaye saarka anoo ka soo jeeda gedo waan soo dhaweynaa dhaqankanaga in la xuso aadbaana u xiseeynaa

    9. Liinyarey says:

      Ahmed Omar salaxi ,waan ku slamayaa ina adeer ,aad badna u mahdanstahy in aad soo badhigto barnaamijkan aadka u qimoha badan wxaan ahay gabar rer Gedo ah qaas ahaan rer bardhere aadbna u xisiyaa hidaha iyo dhaqanka siiba Saarka .

    10. Liin yarey says:

      Ahmed Omar aad baan kuu salmya ina adeer ,waxana ahay gabar rer bardhere ah aad badna ugu mahdsntahay barnamijkn qiimaha badan ee aad soo bandhigtay aad bana u jeclahay saar Gedodka mansha allah gabdhaheena caadi ma ahn .

    11. Allgedo waadu mahadsantihiin barnaamijkan. Saarku waa ciyaarta gedo oo waa caan.

    12. waaxaan salaan guud udirayaa dhamaan maamulka allgedo iyo wariyaheena qaaliga ah axmed cumar salixi salaan kadib waad kumahad santihiin bar naamijka saarka ee aad soo diyaariseen waloow uusan ku filayn ciyaar ta saarka oo ah ciyaar si weyn looga ciyaaro inta badan gobolada hiiraan ,bay ,bokool jubooyinka gedo,ilaa kenya soomalida degto ilaa ethopia waxaan maqlay soomalidu maal mahaan 4.5 bey wax ku qaybsadaan hadaba 2.5 wey ciyaaraan ama wey daawadaan ama siweyn bey ula socdaan si kale hadaan udhiga waa ciyaar lagaciyaaro soomaliya ,kenya iyo ethopia laakiin saxaafada iyo dadka ciyaara toona masoo bandhigaan saarka oo waa ciyaarta ugu xayeey siis ka yar ama ugu war gaaban marka waxaan oran lahaa sii wada hawsha sheekoo yin badan oo cajiiba waad ka maqli doontaan dad weynaha dhac doo yinka saarka uu leeyahay!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

    13. Waa wareey waad igaburursiiseen oo caawa oodhanbaa kaligay faaganaayay.Waxaan ahay Nin reer Diirara ah waxaana joogaa dalka maraykanka waxaana kurajo waynahay inaan saar ku ciyaaro dhulka diirharo iyo garbo.Aadbaadna umahadsantihiin maamulyaasha allgedo sidaas noogu siiwada hawsha qiimaha badan ee aad qaranka soomaaliyeed uhaysaan.

    14. maxamed says:

      aad ayaad u mahad santahay waraye axmed omar mashaa alaah gedo hanoolaato

    15. Hassan says:

      waaan idinsalaamay dhamaantiin Allgedo wariyaa sha wankufaraxsanahay inaan dhagaysto saarkaad noosoodirteen waana icajabiyey aad baan ukululaaday oowaxaan mooday inaan ciyaartii tumanaayo xageejoogaan gabdhii reergedo ee saarka qaadi jiray sideen kuhelikarnaa asagooduuban saarka misna manoo soodoobikartaan asagoocaadilootumaayo jaawaab ayaan idiinkasugaayaa. waan idinsalaamay dhamaantiin norway

    16. wan idin salaam dhaman xiriirka all gedo ,marka xigta wad ku mahad santihiin ciyaarta saarka ah ee noosoo gudbiseen

    17. Farax says:

      Asc Walala salixi masha allah wa muhim hidaha iyo dhaqanka mesha kawad axmad cumar salixi haa kacajisin

    18. safi says:

      ASC WR WBR WAXAN UGAMAHED CELINAYA ALLGEDO.COM

      IYO MUDANAHA LAWAREYSANAYA IYO KAN WARAYSANAYA

      WAXAN FADLAN KACODSANAYA ALLGEDO IN AY YOUTUBE KA NOOSOGALIYAN SAARKII GADOOD OODHAN FADLAN CAYARAHA KALABA WAKUJIRAN SIDA DHAN TADA IYO JANDHERTA NOSOGALIYA WALASAQADA IYO SARKA GEDO IYO KAN HIRAN LAGA CAYARA PLZ MAHADSANIDIIN ASC WR WBR

    19. Mohamed says:

      Saar war mudo laga joogo 15 sano saar ma maqal laakiinse markaan dhageystay saarkaan waan bururay oo waliba waxaan ku sigtay in aan toorey isla dhaco waxaan mahad u celinayaa Bahweynta allgedo online gaar ahaan mdane Aden Ahmed cayaarta xiisaha badan oo uu inoo soo geliyey meesha. aadanow fadlan saar badan soo geli meesha reerkii Reer gedo ahaa waxii meeshaan joogay cayaartoodii waan u xiisa qabnayey mahadsanidiin.

    20. Ahmed Cali Gedo says:

      Saar waa wareey gedo gedo Hirhara baardheera ceelwaaqo, saar war fadlan waad mahadsantihiin dhamaantiin allgedo online waxay noo soo gudbisay cayaar ciiso leh.

    21. darwiish says:

      kkkk waa ciyaar xiisa badan marka labururo ee bilaaha lasila dhaco laakiin isagoo video ah maad noo soo gudbisaan video ayaa ka macaan cod keliya
      saarka ilaa nfd waa laga ciyaaraa laakiin kan mareexaan uun fahmayaa

      kkk daauud waa aabaheey hooyaday waa daahireey ilma axmedey waad naga qosliseen

    22. Waxan salamaya dhaman bahda allgedo iyo aqristayasheena qiimaha badan, saarku waa dhaqanka iyo hidaha somaliyed. Somaliduna waa is ku dhaqan iyo isku hido, waana wax aan ugu faano dadyowga aduunk kale in aa nahay bulsho is ku af ah, is ku dhaqan ah, is kuna diin ah. Hadaba ma jirto qolo gooni u sheegan karta saarka, sawabtoo ah saarku waa hidaha iyo dhaqanka somaliya, anigoo beel ahan ka soo jeedo beesha gaaljecel ayaa saarka uu yahay cayaar aad u xiiseeno, waxana si wada jir u cayaara ragga iyo dumarka, iyagoo dumarka tixda gabayga qaadan raguna lugaha iyo gacmaha ka cayaran, ugu danbeentii gabadh ayay cayaarta ku goyaan oo gudaha goobta cayaarta soo gashtaan, waxa dhacda mararka qaar in ragga torrey is la dhacaan, oo gacmaha is ka jarjaraan ka dib markii ay bururan, aniga yaraantey waan daawan jiray. Kkkk hidaha iyo dhaqan wacnaa, hadaba yaan la is ku jiid jiidin saarka anagaa dhaqan u leh iyo annagaa dhaqan u leh, waxan qaban hadii reer gedo iyo gaaljecel saarka dhaqan u yahay waa walaalo somalida kale is kaga sokeeye ee ha isa soo dhaweyan, mahadsinidin, wariye madax banaan ahmed shaakir 0780844707 south africa

    23. Sahra says:

      Asc dhaman anigo rer gedo ha ku nol qurbaha waxan idin ka mahad celinaya siida ad inogu so sarten sarkan walahi mar dhawo kuma maqal dhagaheyga wana waxan ogu jacelahay ciyarta sararka wan xiseyaa aniga markale naguso socesha wan idin ka sugeynaaa mar labad insha allaha markale asc wr wb dhamantiin

    24. safi says:

      AXMED CUMAR IYO ALLGEDO FADLAN SAAR GEDOOD MANOOSOGALISAN FADLAN FADLAN FADLAN. WAAD MAHADSANTIHIIN WALAALAHAY

    25. waxan salaamayaa dhamaan maamulka allgedo iyo wariya yaasha waxaan si qaas ah u salaamayaa abwaan axmed maxamud cali oo runti aad oogu taqaqusay ciyaarta saar gadoodka waxaa kaloo aad umahadsan wariyaha axmed cumar saalixi waxaan indinka cod sanayaa in aad ciyaarta saarka aad soobadisaan waadna mahad santihiin

    Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

    Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.