Home » Archive Daily November 9th, 2011

Duuliye Cabdi Guuleed Maxamed oo ka Tacsiyeeyay geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Xildhibaan Aden Buule Maxamed

Nov 9, 2011
Inaa Lilaahi wa Ina Ilaahi raajicuun. Ma dhinte waa Eebe, waxaana xaqiiq ah in aanay nafina maalintii loogu tala galay dhaafeyn.  Aniga oo ku hadlaya magaceyga, kan qoyskeyga iyo kan reer Guuleed Maxamed meel ay joogaanba, si weyna uga naxay dilka arxan darada ah ee loo geystay Rabbi ha u naxariistee marxuum Xildhibaan Aden Buule Maxamed, ayaa waxaan halkaan Tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaa umadda... 

Qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka ee ku dhaqan Canada oo ka Tacsiyeeyay dilkii Xildhibaan Aden Buule Maxamed

Nov 9, 2011
Dhammaan Jaaliyadda Jubooyinka ee ku dhaqan wadanka Canada waxay tacsi u dirayaan dhammaan umadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka geeriyooday Xildhibaan Adam Buulle. Waxaanu cambaaraynaynaa gacan ku dhiiglayaasha iyo dhagarqabayaasha qatalay xildhibaanka. Waxaanu oogu baaqaynaa Xukuumadda ku meelgaarka ah iyo dhammaan mas’uuliyiinta gobalka banaadir in ay baaritaan ku sameeyaan falkan guracan... 

Qoysaskii Barakacayaasha ee deganaa duleedka Magaalada Baardheere oo Bilaabay in ay ka guuraan Xeryahii ay ku sugnaayeen mudooyinkii ugu dambeeyey.

Nov 9, 2011
Qoysaskii faraha badnaa ee Barakacayaasha ahaa,mudooyinkii ugu dambeeyeyna ku sugnaa ilaa labo Xero oo ku yaala duleedka Magaalada Baardheere ayaa bilaabay in ay dib ugu laabtaan deegaanadii markii hore ay ka yimaaadeen, ka dib markii shaley iyo maantaba la siiyey Raashin gargaar ah oo ku filan mudo Bil ah.   Arintani ayaa waxaa ay ka dambeysay ka dib markii Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka Gedo... 

Maamulka Allgedo Online oo ka tacsiyeeyay Allaha u naxariistee marxuum Xildhibaan Aden Buule Maxamed oo ay maanta dabley hubeysan ku dileen magaalada Muqdisho (Booqo buugga Tacsida marxuumka)

Nov 9, 2011
Rabbi ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ay dabely hubeysan ku dileen marxuum Xildhibaan Aden Buule Maxamed oo ka mid ahaa mudane-yaasha Baarlamaanka dowladda KMG ah ee Soomaaliya. Marxuumka ayaa asaga oo kasoo noqday Guri uu ku lahaa degmada Dharkeenley ee magalaada Muqdisho ayaa sida la sheegay waxaa dhexda u galay saddex nin oo hubeysan, kuwaasoo isku dayay in ay joojiyaan, balse meesha... 

Faahfaanin warar is qilaafsan oo naga soo gaaray dilka Xildhibaan Aden Buule Maxamed

Nov 9, 2011
Muqdisho, Somalia (AOL) – Wali waxaa AOL soo gaaraya warar is qilaafsan oo la xariira qaabka maanta degmada Dharkeenley oo ka tirsan degmooyinka Muqdisho loogu dilay Rabbi ha u naxariistee Xildhibaan Aden Buule Maxamed oo ka tirsanaa mudaneyaasha baarlamaanka Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.  Wararka qaar waxay sheegayaan in Xildhibaanka oo wata baabuur uuna la socday wiil dhalinyaro ah oo ay...