Related Articles
Maxamud Cali Shire oo ah sarkaal ay dawlada dhawaan u soo magacawday iskudubaridka arrimaha gargaarka iyo taakuleynta barakacayaasha gobolada Gedo, Baay iyo Jubbooyinka ayaa sheegay in xaalada kumanaan qoys oo horey ay waxyeelo uga soo gaartay abaartii ku dhufatay gobolada koonfureed ay haatan ku jiraan xaalad aad u liidato oo ka adag tii hore kaddibmarkii ay isugu darsoomeen macaluul, roobab iyo colaado.
Mudane Maxamuud Cali Shire oo socdaal ku soo maray degmooyinka Beledxaawo, Ceelwaaq, Garbahaarey, Diif, Dhoobleey iyo Xeryaha Dhadhaab ayaa yiri “Dadkii gargaarka ay ka xanibeen Alshabaab, xoogaagii yarka ahaa ee ay haysteena ay abaaruhu dhaafiyeen, cidii gacanta wax ku haysatana aysan helaynin wax ay iibsato, sicir bararna uu jira ayaanu soo aragnay.”
Isagoo sii hadlaya ayaa waxa sarkaalkaasi uu ka codsaday jaalliyadaha dibada, hay’addaha samaflka iyo ganacsatada in ay sii laba jibaaraan gargaarkooda maadaama uu sheegay in dhibaatooyinkii dhinaca nolosha ay wali taaganyihiin.
Maxamuud ayaa tilmaamay in Dowlada kmg ah ee soomaaliya ay hordhigi doonaan dhibaatada xanuunka badan oo ay ku soo arkeen dhulkii ay mareen.
Waa marki ugu horeysay oo ay dawladu u soo magacowdo sarkaal isku dubaridka howlaha samafalka ee gobolada Gedo iyo Jubbooyinka.
Halkaan ka dhageyso wareysiga oo dhamaystiran.
———
Warbixintaan waxaa AOL usoo gudbiyay Mohamed Garane, mgarane@gmail.com.

waxaa iga su aal ah ninkaan aan u jeda ma yahay maxamuud cali shire ninkii ka tirsanaa sarakiishii is bahaysiga dooxada juba hadii ay jawaabtu tahay haa yaa soo magacaabay ma dad aan aqoon ayaa soo magcaabay ninkaan waa danbiile waxaana uu galay danbi wyn umad masaakiin ah oo sooman ayuu ????? si bareer ah marka halaga fiirsda dadka loo magcaabaya masuuliyada gobalka yasan noqon dharwaa hilba ku rarara sheekada.
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Maxamuud ma hadda ayuu soo baraarugay, abaarihii wey dhamaadeen Maxamuud dadkii roob bey heleen beero tabcasho bey bilaabeen, waan ka xumahay in meel lagu kala tegay laguu soo magacaabo waxaana taa ka sii liita in aad horey isu xilqaami weyday oo niman Muqdisho deeqdii Ummada Soomaaliyeed oo dhan ku xareystay kana iibinayey iyadoo ay deeq aheyd dadkii masaakiinta ahaa ee nafta ey ku daba yareyd ee la joogay Muqdisho in aad maanta tiraahdo waxay ii soo magacaabeen isku dubaridka gobolladeydii iyo reeraheygii waana arin aad looga xumaado oo 20 kii sanno u dambeysay ay ka mid yihiin waxyaalaha la haray beesha iyo gobollada aad sheeganayso in aad matashid, qofkii wax garad ahna ay aad u dhibeyso, maxaa yeelay in beeshaada iyo gobolkaada in aadan cidna marti uga noqon weeye oo aad adigu u istaagtaa, ee in ragg kale ay ku soo magacaabaan ka dibna aad wargeysyada isku soo qortid iyadoo weliba waxa laguu magacaabay laga gudbay waa arin laga yaqyaqsado oo weliba aad u naxdin badan.
horta ninkaan maxamuud calishire waalid baan u ahay xaga hooyada ah
waxaan udirayaa fariin wiilkaan aan waalidka u ahay maxamuudow ilaahay utoobadkeen dadkii kismaayo aad ku laysay waxba maysan kaa galabsan , ilaahayna quranka waxuu ku yiri qofkii dilaa mumin ama naf muslim ah oo aanan waxba galabsan jahanama ayuu kuwaari war hooy waanku digi oo waanku digi intay goori goortahay waxaad samaysay ka qoomamee oo allah utoobadkeen allah toobadisa waa furantahaye
Asc marka hore waxan salaamayaa dhamaan shaqalaha allgedo dhaman tood
marka xigta
walalayaan ilaah ayaa kena abarta iyo arankaba ee maxamud cali shire waxna makena waxan maqado ee waxad ogaataan in hadii ad ilaah ku xirnaataan inaad abarta iyo colaadba kabaxey saan aadna tabcataan berihiina waxad radiney saan dhulka ayaay ku jiraan ee walalayaal gacan bani adan hafirinina ee gacan ilaahey firiya insha alahu tacalaa ok asc
soogalitaanka ciidamada safka hore ay soo galeensoomaaliya waxay keeneysaa cawaaqib xumo;
waxaan qabaa in uu soonoqday gumeystayaashii hore ooshaati kale xiran ayaa soo noqday waxaana sabay ismaqal la aan ee soomaali yeey toosoo isku tiirsada hadba kiina taagdaran taageera waligiinee byby