Home » News, Sports »

Ciyaartoyeda xulka kubadda Itoobiya oo galabta 5-0 uga badiyay xulka kubadda Somaaliya (Daawo ciyaarta)

Addis Ababa, Ethiopia (AOL) – Ciyaar kulul oo galabta dhex martay ciyaartoyda xulka kubadda cagta ee Soomaaliya iyo ciyaartoyda xulka Itoobiya ayaa waxay 90-kii daqiiqo ee ciyaarta kusoo gebo-gebowday 5-0 ay ciyaartoyda Itoobiya ugu xoog sheegatay xulka Qaranka kubadda cagta ee Soomaaliya.

Kooxda xulka kubadda cagta Itoobiya ayaa galabta soo bandhigay ciyaar wanaag halka ay kooxda kubadda cagta Soomaaliya u muuqatay in ay aheyd mid aan si weyn ugu soo diyaar garoobin ciyaar noocaan ah oo ay kaga qeyb galayaan isreeb-reebka wareegga 1aad ee Africa ee koobka adduunka oo dhici doona 2014.

Xulka Kubadda cagta ee Itoobiya ayaa galabta usoo baxay wareegga 2aad ee tartanka kubadda cagta ee ay marti galisay FIFA, ayada oo sidaasna uga mid noqotay kooxihii horay ugu soo baxay wareegga 2aad oo ay ka mid yihiin: Botswana, South Africa iyo Republic of Central Africa oo ku wada jiraan Group A.

Goal-kii 1aad ee ay galabta heshay ciyaartoyda kooxda kubadda Itoobiya ayaa waxaa markii ay ciyaartu socotay 5 daqiiqo oo kaliya u dhaliyay Oumed Oukri, taasoo keentay in qeybtii 1aad ee ciyaarta lagu kala nasto 1 Goal oo ay Itooiya leedahay iyo Soomaaliya oo aanan waxba dhalin (1-0).

Qeybtii 2aad ee ciyaarta markii la’iskugu soo laabtay ayay, ayeey xulka loo yaqaan “Walias” waxay dhaliyeen 2 Goal oo deg-deg ah oo uu u dhaliyay ciyaaryahanka la yiraahdo Shimeles Bekele, halka uu Goal-kii 4aad & 5aadna  dhaliyay Getaneh Kebede, taasoo keentay in ay ciyaartii galabta kusoo gebo-gebowdo 5-0 ay guushii ku raacday “Walias) oo ah xulkii kubadda cagta ee dalka Itoobiya.

Waa markii 4aad ee taariikhda xulka Qaranka Soomaaliya uu usoo baxo isreeb-reebka kubadda cagta ee Qaaradda Africa, ayada oo qiimeynta aduunka ee FIFA-na ay Soomaaliya uga jirto kaalin aad u hooseyso.  

Labada kooxood ee ay galabta ciyaarta dhex martay ayaa waxay horay bishaan November 12-keedii ugu ciyaareen magaalada Jabuuti, ciyaartaas oo ku dhamaatay 0-0.

Halkaan ka daawo Ciyaartii galabta dhex martay Ocean Stars oo ah xulka kubadda Cagta Soomaaliya iyo Walias oo ah xulka kubadda cagta Itoobiya.

———
Mohamed Suju, Nairobi/Kenya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Ciyaartoyeda xulka kubadda Itoobiya oo galabta 5-0 uga badiyay xulka kubadda Somaaliya (Daawo ciyaarta) "

  1. faafaxdhuun says:

    MOORYAANTII ISBAARADA XAMAR DHIGAN JIRTAY AYAA LA DHIGI RABA CAYAARTOOY RER BA.AW YAA KU LEH QOLADAAN MEESHA LA KEENAY WAA QOLADII ISBAARADA MARKA MAXAY KA YAQAANANA SPORTS