Dhoolotuska malatari ee shalay galankii danbe ka dhacay dagmada afmadow ee gobolka jubbada hoose islamar ahaantana ka mid goobaha sida wayn ay iskugu hor fadhiyaan xarakada mujahidiinta alshabab iyo waliba ciidamada dawlada kmg oo gacan xoogan ka helaya ciidamada dawlada Kenya
Ayaa waxaa ay ciidamada xarakada shabab ay ku soo ban dhigeen cudud malatari oo aad u xoogan ayagoona soo bandhigay gawari aad u badan kuwaa oo xabaarsan hubka noocyadiisa kala duwan waxana ka mid ahaa gawaaridaa noocyada soomaliada ay u yaqaanan cabi billeha suuga iyo waliba gawari kale oo ah kuwa hubka noocyadiisa kala duwan xanbaara waxaana gawaridaa wehelinayay boqolal ciidamo ah oo aad u diyaarsanaa islamrkaana u muuqanayay kuwa loo wado furanta hore ee ay dagaalada ka socdan.
Dhoolo tuskaan malaria ayaa waxaa uu qayb ka ayahay dholotuyo mudooyinkaan Ay ciidmada xarakada shabab ay ka samaynayeen dagmooyinka gobolada jubooyinka waxan inta badan ciidamadaan loo daabulayaa furumaha hore ee dagaalka qaasatan dagmada afmadow agagaarkeeda aydoona dhamaan laga dareemayo gobolada jubboyinka waxaana la filan karaa waqti walba in ay dagaalo ka dhacaan gabi ahaanba goobaha la isku hor fadhiyo qaasatan dagmada afmadow deeganada hoos yimaada oo ay ka mid tahay qooqani taabto iyo haaunaa.
Dhanka kalana waa cidamada dawlada kmg iyo kuwa Kenya ayaa iyagana waxaa ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoog leh taa oo ay ku doonayaan in ay kula wareegaan gabi ahaanba gobolka jubbada hoose iyo waliba gobolka jubbada dhexe oo la isku yiraahdo ,,jubboyinka,,
Dagaal ka dhaca deegaanada u dhaw dagmada afmadow ayaa waxaa la saadalinayaan in uu ka dhasho qasaaro xoogan uuna ku daato dhiig aad u faro badan islamarkana aan la mid aheen dagalada ka dhaca deeganada kale maxaa yeelay deeganada u dhaw dagmadda afmadow ay labada dhinacba aad iskugu gurayaan ayna iskugu geyeen wixii ay xoog iyo xayladba hayeen ayana fududeen in uu koox u harto degaanadaas waxaana haatan ay tahay degaandaas deeganada ugu cabsida badan marka loo eego goobaha ay dagaalda ka socdaan ee dhamaan dalkeena soomaliya hasa ahaatee hadaanu nahay bahda OALwaxaan diyaar u nahay in aan xaqiida idiin soo gudbino xili walba.
Ceynte Cabdi
kismayo, Somalie
alshabaab waa laga xoreneyaa jubooyinka iyo gedo oboreeshanka waa ku sucdaa waana la soo qabqabanayaa iyaga oo nool tuugada dadka shacabka somalia u ditay in ay noolaadaan dhulkooda.
cajib waxa ah ma waxaan li jiranaya waax ayuun baa la xorayn! walahi hadii ay maqli lahyeen dadki wadankan u soo halgamay in ay maanta dadi sheg shegayan oo ku fanayaan in ay keenya waax u xoraynayso waxaan u malaynaya in ay kuwaas ku hor bilaabi lahayeen oo ay dib u dhigi lahayeen la dagalanaka keenya. aniga shaqsiyan waaan hubaa in aysan keenya wadanka u qabaneeyen qof ama qabiil ama koox ee daanteda ayay wadata, lakiin suaashu waxay tahay maaxaa dhacay oo daba dhiilif yadu ay u faraaxan keeyna iyaga oo og danta ay keeyna raabo, mid kale ee ah yaa badini, taas allah aya og lakiin mid ogaada in mar kasta ay ciidhibta danbe ay iska leeyihiin inta diinta u gar garta
kaagan meesha qooqaani ku soo qortay horta waan ka xumahay oo waxaa tahay sujuyu ama kenyaati maxaa yeelay waxa aad meesha ku qortay ma,ahan afsoomaali sax ah marka sidaa daraadeed kuuma jawaabi karo laakiin waxaan u maleynayaa in aad u baahantahay ama aad u baratay fara xumeynta addoonta laakiin waxaad ogaataa in lagaa xoreyn doono oo lagu baridoono dhaqanka wanaagsan oo islam ka iyo kan soomaalida
Asc.
Shabaabku dhibka soo gaara, waxay ka aargudan doonaan shacabka, ileen iyaga ubmay ka adagyihiib e. Haday run sheegayaan Itoobiya ay iska celin lahaayeen tuugadu. Soomaali inay dilaan umbay barteen, dulmiga ugu wayn ee ay ku jiraan waa inay xalaashadeen dhiiga Islaamka.
Allaha naga qabto. Kenyaati, Ugandhiis iyo Itoobiyaan muusan noo iman lahayn, iyagaa wax walba noogu yeeray, hadana Isreal baa la shegayay. Ilaahhow dhulkaaga barakee oo cidii aan gayin oo dhan naga hor-joogso. Aamiin.
asc
war jooga war mahaysaan idinkoo dhamiye waxaa meesha ku hardamaya waa laba dhuldoone qoladan al shabab lagu sheegayo waxaa
ay u shaqeeyaan soomaliland waayo labada nin ee isaga sarayeeya meesha labaduba waa reer waqooyi wixii horay ugu dhacay ayey ka
aar sanayaan idinkuna ma fahmin waxaana soo dirsaday somaliland
si ay dagaal uga sii wadaan konfur ayaguna ictiraaf u raad sadaan.
caalimkana u sheegaan konfuri way degi la dahee ayaanu la hadalaa.
kiinyana waxay doonaysaa aar goosi oo ay dariiq u heshay waa nagu soo
duuleen ayey ku andacootaywana dhab dhulka ayey ku aar goosan
markaad waxaga raadinayso wax ka badan ayaa la raadshaa saas waxaaga u hesho ayey somalidu tiraahaa..
a s c
ceebta waxaa iska leh laba beelood ayaan qabaa anigu waana ,
kablalax iyo sade daarood inkasta oo walaalaha la dagana ceebta
la wadaagaan.sababta hadaan sheego dhulkan ilaahay ka sokow
iyaga ayaa hormood ka ah ma waxay garaan waayeen in ay
maamul u sameeyaan sida gobolada dalka intiisa kale ka jirta
dabeetana ay iska kiciyaan ba,an iyo balaayadan ku habsatay
ee aan u arxamayn . dadkani miyaysaan tala lahayn
war kursiga nin ayaa ku fariista inta kalena hareeraha ayey iska taagaan
haduu wax xumeeyana waa laga qabtaa oo lala taliyaa
ama laga dejiyaa walaalayaal waxaa iga tala ah
maamul samaysta idinka iyo walaalaha kale ee deegaanka juboyinka
iyo gedo .wiil yar oo gobolkale ka yimi waa wixii gubay dalkeena
ee tashada ayaan idin leeyahay somalidu waxay tiraaha
wax wax kusiiya wax badan ayaad aragtaa,wax kula taliyana wax yar.
talada meesha ay ku jirto ka doona .
wa billaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaahi towfiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiq.
oo lala taliyaa
To qooqaani
Inaad tahay nin qawsaar ahoo qiime dhacay maanta
Qaansiir dameeriyo kufraad qiil u xogaysaaye
Qabaan baad u tahay gaaladaad moodi qoladaaye
Qalaafiyo Godey buu ku tagay qayl yaanaahe
Qabri dahare waa kaa kufuray hoy qandhicileeye
Qashin yohow dagaa gaa adaan qaadan taladaye
Dhiigaaga cadaw qubahayaad qiilki daaficine
Haduu qaato ciidaa adaa noqon qabaankiise
Qaran kaaga kii dumiyey baad quud kadoon taaye
Inaad qaafil tahay laabti ayan qaadin shay qayra
Sawaaxili qamaamahaya baad moodi qoladaaye
Shabaab waa qiyaadad dalkiyo qaranka soomaale
Adiguse qabaan baad u tahay gaalka qurun kaahe
Qiimaha wadaniyeed qaayib doqoneede
Qababaali baan waxan lahaa qaranka tuudheene
Adigiyo qandhiciley marnaba qiime malahayne
Qashinkiyo nijaas too dhan waan xaaqi qurun koode
Qabaan yohow gumaysiga watee qooryo xeero beelay
Qaansiir amxaariyo tigree qaaday ciidaaye
Qadaad foolxun kuukuuyadaad daba qayblayso
Dhulkayaga qashaabiiradaas qadankarimayne
Qay malaxa daacdaye adigu quuso waa kaasee
Shabaabow isku daya in shacabka soomaaliyeed aad kasbataan ad adeega iyo anaa iri iska daaya sunada nabiga ku dhaqma waan idin aragnaa waxa jabka iyo rajo la aanta idinkeenay waa sunada ood khilaafteen ilaah ku tiirsanaada shacabkana cafis waydiista waad dulmisene iyaga la aantood waxbo ma noqoneysaan waa suno rabaani ah hadaadan shacab haysan in aadan guleysaneyn waxaa iga talo ah nimanka AMNIYAADKA aad u bixisen danbiyada ay galaan in ay sabab u noqon doonto burburkiina hadaad taloyinka qaadataan waad gulesaneysaan insha alaah waayo dalkan wax idinka idin dhamo ma aragno idinkana dadkii idiin taageeri lahaa waa wada shakiyeen please alshabaab is xisaabiya inagana aan mooryaan iyo isbaaro yaanan kulaabane