Home » News »

Dugsiga Hoose Dhexe iyo Madraska Suufle ee Degmada Balanbale (Masawiro)

Hordhac

Dugsiga hoose dhexe Suufle wuxuu ku yaala xaafadda Suufle e Degmada Balanballe ee gobolka Galguduud. Dugsiga waxaa la furay 2006-kii wuxuuna ku bilaabay adeeggiisa Dugsi Quaraan ahaan, waxaana markii la furay dugsiga iska diiwaan geliyey 112 arday oo wiilal iyo gabdho ah kuwaas oo aan waxbarasho haysan furitaanka dugsiga Suufle ka hor. Tirada ardeydu hadda waxay mareysaa 200 oo ardey sanadkii. Maa shaa Allaah.

Dugsiga Suufle waxaa furay haddana masuuliyaddiisa dhaqaale gacanta ku haya muwaadin ka mid ah qurbajoogta deegaanka Balanballe, kadib markuu siyaaro ku tagay degmadda Balanballe 2006 arkayna baahida ubadka iyo waalidiinta reer Balanbale, gaar ahaan xaafadda Suufle, u qabeen adeeg waxbarasho lacag la’aan ah. Muwaadinkaas is xilqaamay oo ah nin xoogsade ah, dhaqaalihiisuna uusan ka badneyn baahida qoyskiisa ayaa ku adkeystay in uu dugsiga u joogteeyo mushaarka macalimiinta iyo dayactirka dugsiga. Waxaa xusid mudan in qurbajoogta deegaanku ay si teel teel ah (aan joogto ahayn) maamulka iskoolka Suufle u taageeraan.

Hadaf-ka Dugsiga

Ulajeedka loo furay Dugsiga Soofle waxaa weeye in caruurta deegaanku helaan adeega waxbarashada aasaasiga ah: Quraan kariim ka ah iyo waxbarashada khasabka oo ay xaq u leeyihiin caruurta adduunka ku nool oo dhan. Sida caadiga ah, waxbarashadu waa adeegyada muhiimka ah ee dowladaha waajibka ku ah in ay ka baahi tiraan bulshada. Dawlad la mahayo, marka waa in dadku isku tashado.

Horumarka Dugsiga Suufle

Ilaa iyo markii la furay in ka badan 500 oo arday ayaa ku bartay Quraan-ka, akhriska iyo qoraalka af Soomaliga, Carabiga iyo Ingiriiska, sayniska iyo xisaabta. Dugsiga Suufle hadda waxaa u dhisan oo uu ku hawlgalaa barnaamij waxbarasho (manhaj) oo ka dhameystiran maadooyinka aas aasiga ah. Ardaydu markii ay dhameeyaan dugsiga hoose dhexe waxay aadaan iskuulada kale ee gobolka, ama gobolada kale si ay usii wataan waxbarashadooda secondary iskoolka.

Baahida Dugsiga

Sanadihii u dambeeyey  waxaa soo badaneyey tirada ardeyda Dugsiga hoose dhexe Suufle, taasina waxay sababtey in fasal-kii (classrooms-kii) uu  qaadi waayo ardeyda, macalimintii waa yar yihiin ama looma awoodo in saacado badan la siiyo si ay iskoolka uga shaqeeyaan subuxii, galabkii iyo fiidkii.

Sidaas darteed baahida ugu weyn oo hadda taagan waa in la ballaariyo classrooms-ka (dhismaha hadda jira waa ramaali (dhis/laamo) iyo fuustooyin, kuleyl iyo boor ayey ardeydu ka sheegtaan, marka haddii aan awood dhaqaale u helno waxaan dhismaha ka dhigeynaa inshallaah dhagax. Qalabkii fasalka, sida miisas iyo kuraas, sabuurado (hadda ardaydu waxay ku fariistaan sijaayado aad ugu haboon quraan akhriska iyo subciska, laakiin marka ardeydu ku mashquulsan yihiin qoraal iyo leyliyo xisaabeed, waxaa ku haboon miis iyo kursi si aan laf dhabartu u qaloocan).

Baahida kale oo jirtaa waa in macalimiinta la badiyo ama kuwa jooga loo helo mushaar ay saacado dheeraad ah ku shaqeeyaan.

Codsi tabarucaad

Waxaa laga codsanayaa dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee qurbajoogta inay ka qaybqaataan mashruuca balaarinta dhismaha iyo xoojinta adeega waxbarasho ee Dugsiga Hoose dhexe Suufle ee Degmada Balanballe ee gobolka Galguduud.

Wixii faah-faahin intaas dheer ama qofkii raba in uu hor Ilaah mashruucaan uga qeyb qaato, waxuu la xariiri karaa: 

Fadlan la xiriir maamulaha Dugsiga Hoose dhexe Suufle ee Degmada Balanballe,
Xuseen Aar Maxamed Telephone +252615314911

Xubnaha gudiga Dugsiga Hoose dhexe Suufle ee Degmada Balanballe,
 Mudane Axmed Dirir Adan Gas, Telephone +1-614-588-6668, email Dirir62@yaho.com

Maxamed Deeq Aadan Muumin +1-614-323-7530.

Hoos ka eeg Masawirada Dugsiga Hoose Dhexe Suufle oo ku yaal Degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud:



Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

19 Jawaabood " Dugsiga Hoose Dhexe iyo Madraska Suufle ee Degmada Balanbale (Masawiro) "

  1. Mahdigii says:

    Mareexaanka halkee la yihiin? Qabiiladii kale Jaamacado, Dugsiyo Sare, Dugsiyo Hoose/Dhexe Hospitalalo garoomo diyaaradeed iyo nooc walba oo adeegyo bulsho waysamaysteen.

  2. cali says:

    mansha allah ilahey halaa garab galo hawshaa fican eywadaan dadkeygaa waxanaa filayaa ilaa herjamacaad insha allha

  3. Jama gaas says:

    Masha allah waa arin wanaagsan lkn waxan dhaliilayaa qurba joogta beesha sade war sida isku dhaama cidi idinkama tiro iyo tacabadanee anigoo kamid ah dhalinta beesha sade waxan usoo jeedinayaa dadka ku abtirsada deegaanada north-galgadud,gedo lawer-jubba and middle-jubba inay boorka iska jafaan oo ay ka qayb qaataan horumarinta dadkooda iyo deegaanadoda sida bulshoyinka kale ee walalehen ah ay had iyo jeerba ugu taagan yihiin wax uqabashada dadkoda iyo dalkoda degmada balanbal waa dagmo istaraatiji ah waana laga hagraday waxqabad run ah

  4. WIILSADDE says:

    ASC

    WAXAA FIICNAANLAHAY IN NINKA LABAXAY MAHDIGA UU KALA DHEX BAXO XAMIYADDA IYO QABIILYADDA DADKA MUSLIMIINTAA EE CADOWGU HAREEYEY!!.
    WIILSADDE

  5. cilmi says:

    Maashaa.alaah bolsho waxay dad ku tahay tacliimta
    balanbale waa magaalo qadiimi ah waxaa lugu qiyaasaa
    iminka dadka kunool
    gudaheeda kaliya 100.000 ilaa boqol iyo labaatan kun
    saas oo ay tahay waa la hagraday
    bifadli laah dugsi sare hada way leedahay u baahan baxnaanin iyo
    horu marin
    isbitaalkii waynaana reer sedaw alaah ka sokaw adinku ayuu
    idin sugayaa
    sidoo kale airaportiga
    khaasatan beelwaynta reer balanbal waxaa layiri geeljire geela waa wada jirtaa waana kala jirtaa inagoo guud ahaan wax uwada qabsanayna
    hadana si gaar ah wax loo kala qabsado xikmad ayaa ku jirta
    waad mahad santihiin

  6. runsheeg says:

    meeyay qoladii dhihi jirtay gedo, galgaduud iyo jubba oo lacagaha ka guri jiray mareykanka iyo yurub? Somali Development Foundation (SDF) ? ???????????????????????????????????????
    gedo iyo jubba kuma aanan arage balanballana ma sidaasaa?

  7. jamac says:

    hal rooti ah ayaa ka wanaagsan rooti la aan guleysta sidaan ayaa horumar lagu garaa nabadana ku dadaala wax walba ayagaa tartiib tartiib ku bilaabane

  8. Mahdigii,ninka la labaxay sxb waad xanuunsantahy ee get well soon tankakele balanbale wacay ahayd magaalo colaadeed 34 Sano ee u danbeesay waana taas mida dib u dhaca keentay beeshuna wacay ku madhquulsanayd xaga difaaca & iyo danta Somali wayn, marka waxaan kuu ool haku mashquuli igu danbayn Hadii aadan ka mid ahayn Saskatoon kala hadlayo maxaa Naga soo doontay,somalidu waxay ku maahmaah daa ceesaantii arigooda ka baxsata orgi baadi ah ayaa cidla ???. Marka be carefull

  9. guled says:

    war heedhe sidan maxay aheedd iyo ceebtan mareexaan caqli ma hayo 21sano ayuu dowlada hor boodayay marki la qixiyay meel ay ku laabtan ayay waayeen maanta soo mali markay tashatay nin walbana gurigiisi dhistay weli waa xaxootigedo waan aragnay baahi ayaa u baabaeen galgaduud hawiye aya ka ibsaday kismayana waagi ay joogen maamul iska daaye dakada aya qaad laga siin jiray hawiye aya maamulan jiray dhuxushana waa laga dhoofin jiray dhulkiina way nabad guuriyeen car yaa isheega nin caqli leh oo marexaan kkkk afweyne aya ugu dhowa isna xamar ayuu dhisay markuu qaxay uu gado yimid guri uu ku hoydo ayuu waayay iyo wado uu maro mana uusan dhisan wuuna u qaxay markay somali qabiil iyo degan loo kala baxay nin walba gurigisi ayu dhistay dadbaa karestay kacaanki duliga ahaaa sida somaliland iyo puqland maanta daya sidaad utaalaan waxa siada ugalay marexan waa layaqan waa kuwi hoganka u hayay duli fooqal duli

  10. ninka guuled sheeganaya af caytamay ninkiisuu ku yaalaa adigu maxaa xaalada ka badali kartaa adigii ayaa melahaa ku dhacnadhacaya waayo waxaad u egtahay ama u hadlaysaa sida ciyaal shawaari waa ciyaalka ku nool dariiqa in laguu jawaabana ma istahishid, adeer mareexaan waa dad wadaniyiina haday dhiseen xamarna waxay la ahayd in ay dhiseen dalkoodii hadii ay dhisin dalkoodana waa wax kitaabul laah ku qoraa oo calf ayaa la cunaa ,inshaa allaah anagu hadaan nahay beesha sade illaah na qadin maayo deegaankayagana malin ayaan ka dhigi karnaa new york oo kale lakiin jahilyahow duruufta somaliya khasatan koofurta somaliya ayaa noo samixayn in aan horumarino inshaa alaahna waxaan ku hanwaynahay in aan somalida dad iyo dagaanba miyirkoodii u soo celino oo aan noqono hogaan wanaagsan horena waan u ahayn mantana wxaana nahay qabiilka kaliyan ee somaliya u bahantahay sama tabixin karana lakin marka hore noocaaga oo kale waa in aduunka laga waayo oo burushka xaarka leh la wareegaya kkkkk

  11. muure says:

    GULED……..INA adeeroow dagaalka intaa la’eg muxuu yahay.in aad somaliland aad siduu ahaa uqortay puntlandna aad puqland uqortid.xaqiraada intaas ahi maxay tahay.my brother’s cadowgiisu is my friend. Baan waa hore maqli jiray………

  12. d/a says:

    Asalaamu calaykum, waan idinsalaamay dhamaantiin. Anigu shaqsiyan waxaan kasoojeedaa deegaanka balanbal ee gobalka galguduud. Waanan ku farax sanahay mashruucyada wax ku oolka ah ee ka socod deegaankaas. Waxaad moodaa dadka deegaanka reer balanballe, in ayhada usoo jeesteen siday waxkhabsanlahaayeen. Sodoo kale waxaa kahadal mudan sidi wanaagsan ee ay amaankood iyo kala dambeytooda u adkeysteen. Maansha allah. Inkastoo aad waxfiican qabateen, waxaan aaminsanahay in aan samaykarno waxtaas kasii badan ayna mudantahay in aan kudayano deegaanadakale ee dariska ah oo run ahaantii ayagu siweyn nooga horeeya, waxaan aaminsanahay dadyowga deegaanadaas in aysan naga caqli. Iyo cood badnay, laakiin aynaga talo roonyihiin. Ugu dambey aan isku tashano oo wada tashano iskuna duubnaano, dadkeena iyo deegaankeenana aan wax uqanano….wabilaahi towfiiq. Waadnamahadsantihiin.

  13. Jama gaas says:

    Dadka halkan wax kuqoray qaarkod aad iyo aad ayay uxanunsanyihiin markay leyihiin mareexaan muu dhisto dhulkiisa yaanu somali kuhalaynaa waa beesha kaliya oo kafakaraysa mustaqbalka dadka iyo dalka somaliyed say gacanta ugaga dhigi lahaayeed cadowyada kala goostay noocuu rabo ha ahaadee mar ayay gacantayada dalku kabaxday talada beesha sade waana loo boholyoobay dad iyo dalba wana beel qaran ee qabiil usun ucuntamin follow this informatioy and be carefully

  14. asc sade salaan ka dib dhalinta isku howshay arintaan waa wangasan tahay mar hore ayaa la rabay balanballe waa la iloobay dadkii ka soo jeedayna wax ma aysan qabsan sida cw inteey gooni isku taagan waad ogtahin cw urur ayaa ka jirah lacago badan qaatay dhaha deegankaas wax ka qabaneeynaa waxna kama qabtaan waxii imaada cw ma dhaafan hadii ay dhabad iyo bangeele gaarto ayaa na siib la leeyahay marka waxaan leeyahay reer balanballe hurdada ha ka kacaan ayadoo 25sano dagaal ku soo jirtay balanballe hadana hada maasha allaah tahay waana meesha c/waaq magalaada in ay tahay la sheego iyo deeganada sade laga dicaayay anyway shaqadaad wadaan allah idinla garab garo ogaadana cid idiin maqan in aysan jirin qurbah joogta sade ee ka soo jeeda Balanballe wabailaahi towiiq

  15. SOMALIJECEL says:

    ACWW:Wiilsade,Wiil cabudwaaq ,Jaamac gaas,Inta halkaan ku qoran waa kuwa marexan halka uu yaal dhigay.Ninka la baxay GUULED wax xun miyuu sheegay anigaa marexan ah ogna xaqiiqda jirta umadihii kale dhulkooda wey camireen dhiseen waxna u qabteen inagana waan duminaa bal fiiriya puntland majeerteen marexan ayaa dunida kaga badan dhul qarax ah ayay wax ka dhigeen.Bal majeerteen iyo isaq oo gedo degan siday ka dhigi lahaayeen war umadi waxaa ay wax noqotaa marka ay runta isu sheegto siyad bare xamar isagaa dhisay ma been baa?Hal mashruuc miyuu ka sameeyay deganda marexan?simply waa maya.Maxaa ku dhacay marexan marka?Waxaa wali hogaaminaayo raggii kacaankii lugooyo ee marexan ligooyay bal dib u fiiriya hadalkayga.Majeerteen iyaguu wax u qabtay waxayna lee yihin kacaankii lugoyo sababtoo ah puntland oo aan lahayn dekedda iyo wadooyinkii uu dhisay siyad bare bal sawir yaa iga siin kara?Gedo ayu nin yiri waa qaxooti bari waa la is cuni lahaa dhagax aan biyo lahayn.Ninka qoray in gedo qaxooti yihiin saaxiib xaqiiqda soo baar dadka abaartu saamaysay waa dadkii reer baadiyaha ahaa ee magaaloyinka ma saamayn abaarna waxaa ay saamaysaa ninkii reer guuraa leh.Marka marexan runta inta uu abaarayo waligiis horumar ma gaarayo haddii wiilku yiri kismayo lacagta waa lagu qayili jiray illahay been uma uusan sheegin qabiil somali ah oo dekad iyo4 kastam heli karaayo somali oo dhan marexan ayaa ka jira,anigu reer gedo ayaan ahay waana idinka badiyaa dhulka kastamada waa sidan(Gariley,c/waaq,b/xaawo iyo dolow)iyo dekadda kismayo qaad iyo dhili ayaa looga baxay kuwii ayaa wali idin hor ordaaya aaway aqoonyankiinii,meeye kuwiina saliimka ah,meeye intii waxgaradka ahaa?waxaad ka hormariseen askari aan waxba qorin waxbana akhrin ka gura marka wakaase.Puntland askari ayaa dhisay wanakaa QURUNQURIN KIIS IDINKAA UGU HOREEYA INTA XUN ee ka hara tuugada wajigan dadka iyo deganka u yeelay

  16. A.M. says:

    Maashaa allaah, ilaahay ajar & xasanaad ah ka siiyo inta soo agaasintay Mashruucaan qaaliga ah, waana arin runtii mudan taageero deg deg ah, waxaana markale leeyahay guuleysta barbaarta reer Balanbaloow. waxaad helidoontaan khayrbadan inshaa allaah !!!!!, wabiilaahi towfiiq.

    A.M UK

  17. Walaalyaal meesha fadhi ku dirir ha ka dhigina ee si macquul ah comments u bixiya. Marka aad mawduuc amo topic laga doodayo, yaan qabiil la eedeyn ee deegaan ahaan wax u naqdiya. Qabiil dowlad ma noqdee waxne ma badali karee deegaanka iyo dadka ku nool ayaa wax badali karo. Fadlan dhalinyaradaay anshaxa ilaaliya oo sidii dad xor ah oo aan qabyaalad lahayn u dooda.

  18. Sida uu sheegay walaalkeen Maxamud Sh. Xasan, waxaa fiican in madashaan oo kale wax khayr ah lagu darsado oo aad Ajar kaheleysid, waxaa runtii si gaar ah ii soo jiitey Muhiimada uu Mashruucaanu u leeyhay bulshoweynta reer Balanbal ama dhalinta ka faa’iideysatey ama ka faa’iideysandoonta. marka waxaa iga codsi ah in aan arintaan gurmadkeeda ka qaybqaadano anagoo ah walaalaha Soomaliweyn, waana in si guud ahaaneed looga qaybqaato dhammaan adeegyada horumarineed ee lamidka ah midkaan hada codsigiisu taaganyahay, taas baana noowada fiican aduun & akhiraba !!!! wabillaahi towfiiq.

  19. Asc marka hore waan idin salaamay marka xigta ani waxan joga degmada balanbale schoolka la sheegayo waa mid eber ah lacagta ayaa masakiinta looga aruursada halki ilmo waxaa laga qaada 100 shilin soomali ah dadka qaarkod ma awodan boqol kun marka waxan ka codsanayaa in lasoo arko meesha la sheegayo