Home » News »

Odayaasha dhaqanka Iyo Wax Garadka Gobolka Gado ayaa Si wayn Uga Soo Horjeestay Heshiikii Dawlada Kenya ay Lagashay Dawlada Israaiil oo Aha Ka Taagerida Ladagaalamka Al-shabaab

Dhamaan odayaasha wax garadka cuqaash gobolka gado ayaa waxaa si wayn ay uga soo horjeteen dagaalada wayahaanba ka soconayay gobolada jubboyinka iyo gobolka gedo ayagoo intaa raciyay in aad uga soo horjedaan heshiiska dhawaantan ay wada saxiixdeen dawlada Kenya iyo waliba dawlada israil kaa oo ahaa in si wada jir ah loola dagaalamo xarakada alshabab iyo waliba in Kenya lagu saacido laguna garab istaago ilaalinta xuduudaha ay la leedahay dalka ay dariska yihiin ee soomalia waxayna arinkaa odayaasha waxagaradka cuqaasha gobolka gado ku tilmaameen mid loogu tala galay mijixaabinta shareecada ka hana qaaday gobolada ay shabab gacanta ku hayaan waa sida ay hadalka u dhigeena .

 Qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka gobolka gado haatan ku sugan ee hadalkaan uu ka soo yeray ayaa waxaa ay la hadleen warbaahinta caalamiga ah ee (AOL) ayagoona carabka ku dhuftay heshiiskaasi in uu yahay mid loo baahanyahay in ay ummada soo maliyeed ka soo horjestaan maadaama ayay yiraahdeen soomali ay siif iyo soo jireenba ay u leedahay naceebka yuhuuda ayna haatan dhamaan arinkaa islamarkaana ay dhamaani dooni.

 Sidoo kale waxay odayaasha iyo wax garadka gobolka gado baaq u direen dhamaan somalida meel walboo ay joogto waxayna sheegeen in dawlada Kenya waxa ay ka wado gobolada jubboyinka iyo gado ay ka soo horjestaan ayna arinkaa ka dhiidhiyaana waa sida ay hadalka u dhigeene.

 Arinkaan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ka gadaal markii inta badan shacabka soomaliyeed ay aad u xanuujisay heshiis ay wada saxiixdeen dawlada israiil iyo dawlada Kenya oo haatan gudaha ugu jirto qaar kamid ah gobolada goonfureed ee dalka soomaliya waxan la saadalin Karin yahuud naceebka ku jira somalida iyo heshiiskii ay wada galeen Kenya iyo israiil waxa uu ka badali karo taagerada ay haatan Kenya sheegto in ay ka ahysato qaar kamid ah shacabka soomaliyed ee ku dhaqan gobolada jubbouinka iyo waliba gado oo ay haatan qaarkoodba gacanta ku hayaan waa ciidamada kenyee.

C/qaadir Maxmed.

Gedo, Somalia

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

14 Jawaabood " Odayaasha dhaqanka Iyo Wax Garadka Gobolka Gado ayaa Si wayn Uga Soo Horjeestay Heshiikii Dawlada Kenya ay Lagashay Dawlada Israaiil oo Aha Ka Taagerida Ladagaalamka Al-shabaab "

  1. BINTI GADO says:

    Asc wrtllaahi wbrt dhamaan walaalaha islaamka ah qaas ahaan walaalaha web ka allagado,Allaahu akbar Allaahu akbar walilaahi xamd mahad allaah bay u sugnaatay mahad oo dhan nabad galyana nabiga maxamed scw.waxaan u mahad celinayaa waxgaradka mareexaan intooda kitaabka allaah rumaysan waxaana u sheegaayaa baaqaooda in aan qaadanay hadaan nahay dhalin yarada mareexaan waana idinku garab taaganahay baaqiina Allaah waxaan idiinka baryaayaa sidaad xaqa u garab istaagteen in uu janooyinkiisa idiinku soo dhaweeyo waxgaradkaygow.Allaah subxaana watacaala xaqa ha idinku irsaaqo aamiin anagana sidoo kale wabilaahi towfiiq

  2. Somali says:

    kkkkkkkkkkkkkkkk kuwaan warkooda cidna kuma jirto. Odayaal gedo magacood kuma hadlayaan ee magaca khawarijta ina Godane ayay ku hadlayaan. waana la soo qaban bi’idnilaahil kareem

  3. Halgamaa says:

    asalaamu calaykum, horta ma xuma hase yeeshee waxan u malaynayaa arintaa in aynaan waxba ka qaban karin ee miyaanay ka haboonayn in ay cambaarayaan heshiisyada ay la galeen Kenya kuwa dabadhilifka ah ee sheeganayaa madaxda Soomaalida, ee ay ugu xalaalaynayaan gaalada Kenyanka ah ku xad gudbka iyo boobka dhulkeena? iyo in ay Soomaalida ugu baaqaan in ay ku taageeraan shabaabka dagaalka ay ugu jiraan difaaca dalka iyo karaamadeena.

  4. November 18, 2011 at 4:51 pm

    waxaan taageeray baaqa odayaasha beesha sade
    ee taariikhda dheer kuleh geeska africa halganka adagna kula jirta
    qoomiyadaha amxaarada iyo tigreega iyo kuu kuuyada ku kibirtay daaqsinka somaliyeed ee mudaba iska doogsin dhabanaysay
    beesha sade sidaad ogtihiin waa beeshii bartay amxaarada hilibka cayriin
    ninwalba oo ku abtirsada beesha sade oo hadana soo raacaya guumaystaha somaliyeed ee soo jireenka ah waxuu kaleexday jidkii awoowyadiis waxaan tusaale usoo qaadan somalida xaalkeeda sida uuyahay maanta tix gabay ah gabaygaas waxuu matalayaa hal ama neefka geela ah waxaana fahmi doona raga geela dhaqi jiray ee geel yaqaanka ah

    hadaan hadalka heeryada karogo
    iyo hugaan saarka
    hasha waxa saa ugalay
    hadaan dhab uga haasowno
    nacabkii haleeyaa intuu heeray boqonteeda
    waxuu u hooyay jaabadii kalhore laga hayaan guuray
    waxuu u hadiyay kudkude hoosiyo diiran hilibkeede
    intuu laguha heeg kaga xidhuu xadhig ku heenteeyay
    horarkiyo waraabaha dibjira yuu u hadiyeeyay
    ayadoo haraadkii qabtuu howd isaga daayay
    markaasaa hareeraha gandigu haaruf ugu yeeleey
    hadaba soo halyeeyadan ukucay inay hantaan maaha
    iyageey heeshiis iyo kutahay harag maqaarkeede
    soo inuu horseeduhu ilmaha howd udhiga maaha
    hatacsiga intuu geed qabow halab kusoo luudsho
    halowgiyo habaaskii candhada hayba kaga duulay
    war soo inuu hargaatiga gacmaha kaga hufaa maaha
    warsoo inuu horaadada gufada kahuleeya maaha
    hanaankiyo horjoogsiga quray horin ku deeq,daaye
    habka godalka goortay indhaha hoos ulibiqsiiso
    soo inuu hambaysiga ilmaha ka hirqadaa maaha
    soo inaan haleelada irmaan habacsanaa maaha
    waxii horara soo inuu hubwacan ku hakiyaa maaha
    soo inuu had iyo goor niyada ku hayasaa maaha
    soo inay hawaasiyo kafiyo herar tagtaa maaha
    hakaale eeboow dhibyari soo kuhurud maaha

  5. Arc wrx matulaahi wbrktuhuu, salaan kadib. Dhalin somaaliyeed waa in ay qaataan tababar waayo waxaa muuqata in ubilaaban doono jihaadkii dhabta ahaa.

  6. ibnu xasan says:

    as.wr.wb. salaan kadib waxaan mahad idilkeed u qirayaa in ay u sugnaatay allaah sw . suubanahana scw . naxariis iyo nabadgalyo korkiisa alle hayeelo.alle sw waaba yeelayba intaa kadib waxaan salaan khaas ah u dirayaa dhammaan beelaha muslimiinta ah oo dega gobolka gedo waxgarad kooda oo dhan sida culimmada, odayaasha,haweenka oo iyaga aan si gaar ah ugu xusayo qoraalkeyga sababtoo ah markuu nagu dhacay dhibkaan faraha badan waxaa alle nagu kaalmeeyay naguna gargaaray gacaltooyada hooyada oo ah mid aan la i laawi doonin taariikhdana baaldahab ah ka galidoonta kana gashay waxaana ka codsanayaa in ay dadaalkooda sii laba jibaaraan intii ay allaah kala kulmayaan ka dhigaan camalkooda mid ay allaah dartii u sameynayaan uguna dhawaanayaan hana rajeeyaan janooyinkiisa dambi dhaafna ha weydiistaan waxaa kale oo aan salaamayaa dhalinyarada gobolka iyo dhammaan beelaha dega gobolka waxaan u sheegayaa in ay dhalinyarada tahay laf dhabarka ummada muslim ka ah ahaana jireen ee doorkiina waa in aad qaadataan allena tala saarataan intaa kadib waxaan aad ugu farxay una soo dhaweynayaa baaqa ka soo yeeray bulshada gobolka gedo waxaan ogahay in ay dadka gobolka leeyihiin taariikh lama i laawaan ah taas oo ah markii uu gumeysiga dalka qabsaday gedo lama gumeysan hadana waa rogaal celis gumeysi isaga oo maqaar madow ku gabanaya marka walaalayaal diida gumeysiga kaas oo raba in uu fasahaadiyo diintiina dadkiina iyo dalkiinaba waxaan idinku bishaareynayaa in aan idin garabtaaganahay meelkasta oo aan dunida ka joono walaalayaal dagaalama oo u dhinta diintiina dadkiina sharaftiina iyo dalkiina ugu dambeyn waxaan allaah weydiisanayaa in uu iimaanka nagu sugo oo uu nahoojinin allow gomodaheena sug oo cadawgeena jabi allow camalkeena ka dhig ikhlaas liwajhikal kariim wa salillaahuma calaa nabiyinaa muxamed. aamiiin aamiiin

  7. ciilqabe says:

    waan taageerayaa baaqa ay kudhawaaqeen bahda reer gedo waxaan sugnaa waa qalad israil oo ilaahay naqladay oo ah cadawgii ilaahay in ay maanta jareertaa noogu soo gabato oo jareer laguuhubeeyo tol beelnay

  8. maxamuud says:

    waad ku mahadsan tahahay walaal maadama aad qaldka saxday waana idinka rali gailnayaa qaladaadka nocas oo kale ah in aysan dib u dhicic, waayo waya ahayd (All prober nouns should begin with capital lette) marka wa qoraal gacan iga xaday 100% halaga rali noqdo.

  9. warsame says:

    asck wrl wbk
    waa hadal wanaagsan laakiin waxaa loo baahanyahay inaan loo kala hadhine ay odayaasha kale ee gobolada kalena ku biiriyaan beyaano kaasoo kale ah, mana jirto meel maanta ay soomaaliyi u kala qaybsantaa mar haddii ay mareyso yuhuud iyo nasaara oo quraanku inoo sheegay colaadooda.

  10. burcaawi says:

    asalaama calaykum wa raxmatullaahi wa barakaatuhu
    salaan ka dib walaalayaal ilaah haynooga dhigo colaadaadaa laynoo muujiyey ee ay yuhuud iyo kiristaan isku baaheysteen middii ay soomaalidu isku raaci lahayd jawaabteeda, waayo waxa ay soomaalidu isku khilaafsantahayba waa wax iska yar. mida kale weigeedba soomaalidu gaalo raac iyo daba dhilif waa ku jireene waxba ma sheegayaan haddii ay inta wadaniinta ahi isla jaan qaado.
    asck wrm wb

  11. kaalmooy says:

    wax badan baan sugay ciyaarta inay halkaan ka bilaabato; waxbadan baan kaligay lahaa war oohintu orgiga ka weyn maanta haday soo wada baxday,
    Bismilaah wacalaa barakati laah? jiahaadkii haduu ii dhadhami

  12. Ninka warkan daabacay waxan leeyahay odoyaasha dhamaantood ayaa tiri ee adigu ma xaad wareysatay odoyaasha Gedo oo dhan? mid kale Odoyaasha aad warka kasoo xigatay maxaad u qarineysaa mise warka adaa iska abuurtay? midaa iga jaahil bixi.

    Waad Mahadsantahy.

  13. runsheeg says:

    odayaasho gedo, ama waa fulayaal, ama dowladnimo diid, waxaana hubaa in arrintaas aaney u dhammeeyn odayaasha saaalixa ah ee mariixaan. Qarannimado, cal diid ma ah, xawaala qodid ma ah, dhulka soomaaliyeed islaam oo dhan kama dhexeeyo ee soomaa baa leh.haddii ay runtahay in aad odayaashi gedo tinn, fadlan soo raaca dareenka iyo himilada wqanaagsan ee shacabka soomaaliyeed leeyahay, oo ha marin haabina dadka masta ah. wa billahi towfiiq.

  14. runsheeg says:

    ragga sheegtay magaca odayaasha geedo, waa dowlad diid, nidaam diid(khayr & horuma dii, ma la rumeysan karo in shacabweynaha reer gedo iyo mareexaan in ay matalaan, markaas waxaan dhihi lahaa yaan lagu kaadsoomin, kuwani qudhooda ayaa shabaab ah, oo ah calan diid, qaran diid, qubuurro qdayaal. wabillaahi towfiiq.