Home » Archive Daily November 19th, 2011
Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya oo maanta u kuur galay xaaladda nololeed ee barakacayaasha Xerada Badbaadona (Sawiro)
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqday Xerada Barakacayaasha ee Badbaado oo ay ku jiraan kumanaan qoysas ah oo ka soo barakacay gobolada dalka ee ay abaaruhu ku
dhufteen isagoo ka qeyb galay bixinta gargaar raashin ah oo la siinayay qoysaska ku jira xerada.
Gargaarkan oo ay soo dhiibtay dowladda...
Prof. Xersi Aw-maxamud Hilowle (Laba gare) oo olole ugu jira sidii uu uga soo qeyb gali lahaa shirka SDSI ee Columbus iyo maamulka Ahlu Sunna Wal-jameeca ee Gobolada dhexe oo arrintaas wal-wal ka muujiyay
Kaddib markii ay dhawaan xubnihii ku fashilmay maamulka Ururkii SDSI ee uu waqtigiisu dhacay ku dhawaaqeen in ay shirweyne uu Ururkaas leeyahay ku qabanayaan magaalada Columbus, Ohio ee dalka Mareykanka ayaa waxaa isa soo tarayaya warar sheegaya in Prof. Xersi Aw-maxamud Hilowle (Laba gare) oo ah guddoomiyaha Ahlu sunna Waljameeca ee gobolada dhexe uu olole ugu jiro sidii uu uga soo qeyb gali lahaa...
Taliska ciidamada DKMG Somalia ee degmada Luug oo fashiliyay falal ka dhan ah amaanka
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka qaaday inay kahor tagtay falal amni daro ah oo ay geysan rabtay Xarakada Al Shabaab, iyadoo dhinaca kalana eedeymo xoogan u jeedisay Xoogaga Shabaab.
Diyaad Cabdi Kaliil oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aagga Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay kahor taggeen falal qaraxyo ah.
Kaliil ayaa wuxuu sheegay...
Dhaqdhaqaaq Ciidan Oo ka soconaya Muqdisho & dagaalo xalay ka dhacay halkaasi
Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa waxay maanta ka soconayaan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile oo ay isu hor-fadhiyaan dhinacyada isu haaya gacan ku heynta caasimadda.
Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxay maanta dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, iyadoo ay degmada Dayniile hareereeyeen dagaalo culus.
Ciidamadda Dowladda Soomaaliya...
Madaweyne Musiveni Oo soo dhaweeyay soo galitaanka Ciidamada Ethiopia ee Somalia
Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa soo dhaweeyay in ciidamo Ethiopian ah soo galaan gudaha Soomaaliya isla markaana ay ku biiraan dagaalka lagula jiro Al-Shabab sida uu yiri.
War xafiiskiisa laga soo saaray oo ay baahiyeen warbaahinta dawlada Uganda ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne musaveni uu si gaar ah u soo dhaweynayo in ciidamada Ethiopia ay Soomaaliya dib ugu soo laabtaan oo ay...
Askari ka tirsan ciidanka dowlada FKMG ee Soomaaliya ayaa saakay ku dilay gudaha degmada Wardhiigleey Askari kale.
Muxyadin Cabdullahi oo ka mid ahaa dad goob joog ah ayaa AGO Media u sheegay in muran yar kadib oo labadooda dhexmaray uu mid ka mid ah askarta rasaas ku furay kan kale oo xiligaasi aanan fileyn in muranka uusan u qalmin in uu xabad isu badalo.
Askariga la dilay ayaa istaaf u ahaa gudoomiyaha degmada Wardhiigleey, halka kan wax dilay ee gacan ku dhiiglaha ah uu ka mid ahaa ilaalada gudoomiye ku xigeenka...
Kenya oo gacanta ku dhigtay 10 dagaal-yahano oo Shabaab ka dhinac dagaalamaayay oo Tanzania u dhashay
Kadib markii Ciidamadda Dowladda Kenya ay gudaha u soo galleen dalka Soomaaliya, ayaa waxay ku guuleysteen inay siyaabooyin kala duwan gacanta ugu soo dhigaan dagaal-yahanada ka dhinac dagaalanta Xarakada Al Shabaab.
Ciidamadda Dowladda Kenya ayaa waxay xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya ay ku qabteen, 10 nin oo u dhashay dalka Tanzania, balse sida ay Dowladaha Kenya iyo Tanzania sheegeen ay ka dhinac...