Kaddib markii ay dhawaan xubnihii ku fashilmay maamulka Ururkii SDSI ee uu waqtigiisu dhacay ku dhawaaqeen in ay shirweyne uu Ururkaas leeyahay ku qabanayaan magaalada Columbus, Ohio ee dalka Mareykanka ayaa waxaa isa soo tarayaya warar sheegaya in Prof. Xersi Aw-maxamud Hilowle (Laba gare) oo ah guddoomiyaha Ahlu sunna Waljameeca ee gobolada dhexe uu olole ugu jiro sidii uu uga soo qeyb gali lahaa shirkaas.
Wararka ayaa waxaa kale oo ay sheegayaan in uu jiro xiriir hoose oo ay Labagare horay ula sameeyeen xubno isugu jira SDSI iyo taageere-yaashooda, kuwaas oo ka codsaday in uu kasoo qeyb galo shirka ay ku qabanayaan Columbus, ayaga oo walib u balan qaaday in ay u dirayaan VISA casuumadeed uu dalka Mareykanka kusoo gali karo.
Haddaba, mas’uul sare oo ka tirsan Ururka Ahlu Sunna Wal Jameeca ee gobolada dhexe oo ka gaabsaday in uu sheego magaciisa, lana soo xariiray maanta AOL ayaa waxuu wal-wal ka muujiyay ololaha uu Prof. Laba gare ugu jiro in uu uga qeyb galo shirka ay xubnaha SDSI iyo taageere-yaashooda ku qabsanayaan magaalada Columbus November 25-26.
“Maamulka Ahlu Sunna Wal-jameeca marnaba raali kama noqon karo in mas’uul ka tirsan Ururkooda uu ka qeyb galo shirweyne aanan ujeedadiisa la ogeyn ama umadda Soomaaliyeed lagu kala qeybinaayo, taasaana keentay in aan wal-wal weyn ka muujino natiijada ka dhalan karta in uu Prof. Labagare ka qeyb galo shirweyne noocaas ah oo aan ognahay in ay shaqsiyaad gaar ah soo qaban-qaabiyeen, isla markaasna uu buuq weyn ka taagan yahay qabsoomidiisa”, ayuu yiri mas’uulka.
Dhanka kale, waxaa jira tuhun aad u weyn oo la xariira qaban-qaabada iyo qabsoomidda Shirka ay iclaamiyeen xubnaha SDSI ka tirsan oo sheegaya in ay wataan shaqsiyaad dano gaar ah leh oo aan dooneyn in ay u adeegaan danta guud ee deegaanada ay kasoo jeedaan qurbajoogtii horay u dooratay.
Ururka SDSI oo Columbus lagu soo dhisay May 28, 2009 ayay aheyd in ay doorashadiisa dhacdo laba sano kaddib oo ku beegneyd May 28, 2011, balse maamul xumo, xukun jaceyl, damaaci, iyo isqab-qabsi aan qarsooneyn oo u dhaxeeyay mas’uuliyiinta Ururkaas awgeed, ma jirto ilaa iyo hadda wax la taaban karo oo uu Ururkaas qabtay iyo ifafaale rajo fiican leh oo kasoo muuqda qabsoomidda shirweynaha ay iminka ku baaqeen.
——–
Mohamed Suju, Nairobi/Kenya.

Juhalada, iimaan laawayaasha ,cilmiyaraha waxaan ka codsanaynaa innay taageeraan aqoon yahanka Allah u soo diray Xirsi 2garre
MAXAA UU KA QEYB GALAYAA NIMAN SDSI WAA TUUGA KU QARAABTA MAGACA GOBALADA AY ABAARTA IYO DHIBAATADA DILOOTAY LACAGTANA LAMA YAQAAN HALKAY GEEYAAN WAA TUUGA LAKIN IN SH LAAHU MAR DHAW AYAA LA SOO AFJARAYA OO RAG AYAA U SOO BAXAY KA DHICI DONA SHACABKA AY MAGACOODA KU QARAABTAAN IN SH ALAAHU
To Mahdigii
Mahdi iyo walaadaan ahaynmaahir diineede
Nin maqaar nasaaraad wataad moodi ehelkaaye
Miskiin jaahilaad atahay asaan miimba garanayne
Malas iyo xertiisaad rabtaa magac u yeelkeede
Makhaaniid wayaandu wadaad saari maro wayne
Magacaa ba,yee gaal nimay maxabadiid hayso
Oo magan ibliisaad rabtaa kana maqsuudaaye
Waa wada majuus iyo ishraak gaal makookibaye
Masaajiidi way wada xireen magaaca diimeede
Madiix iyo fisqiyo hees ayey moodi diinteene
Nin amxaarku maamulo Ilaah miiso muusiine
Masi iyo shirkay uga bexeen magici diineede
Hablahay martii uga fureen maxajabaadkiiye
Maryihiyo xijaab kii kadhige mawle laasimine
Marquray kharaab yeelayaan maamulkoo idile
Subag miida malab daawaliyo mirihi doocaanba
Marduuf jaada iyo qiiqu waa uga macaanaaye
Meeyey aqoontuu watiyo maamulkiyo diintu
Ma amxaarka magantiisabaa maamulkiyo diintu
Mamaryaha kadhiga dumarkabaa maamuliyo diina
Muslimkiyo shareecada kadurug weeye magacoode
as,wr,wb,marka hore allaah sw ayaan u mahad celinayaa kadibna waxaan ku salinayaa nabigeena muxamed ah scw intaa kadib waxaan u mahad celinayaa mujaahidiinta meelkasta oo ay joogaanba waxaan leeyahay ku jihaada jidka alle oo allaahna talo saarta oo sabra innallaaha maca saabiriin ugu dambeyntii waxaan u mahad celinayaa walaalka ibnu yuusuf oo gabaygiisa siwanaagsan ugu cabiray waxa ay maleegayaan gaalada iyo gaalkalkaalada waxaan leeyahay guuleyso ibnu yuusuf mahadsanid
Akhriste, waxaan filayaa inkasta oo aad isku dayday in aad isku qariso SHAASHADDA DHABARKEEDA, haddana in lagu garan karo qofka aad tahay. Inta aanan lagaa sameyn sidii Video-gii aad garan karto armay fiican tahay in aad iska nasato!
Tartiibso saaxiib waxaad u egtahay qof aad u dhibane, lana soco in aanad feker dad kale leeyahay ku badali karin in aad caytanto adiga oo si fuleynimo leh raba in aad ugu dhuumato DAAHA GADAASHIISA!.
Iminkana waa kan akhbaartaada, lana soco in odaygii aad sida fiican u taqiinay uu Alexdria kugu soo booqan doono haddii uu Rabbi idmo:
ISP: Verizon Internet Services
Organization: Verizon Internet Services
Type: Broadband
Country: United States
State/Region: Virginia
City: Alexandria