Home » Archive Daily November 20th, 2011
Ra’iisl Wasaaraha Soomaaliya oo maanta u dukaameysi tegay Suuqa Bakaaraha (Sawiro)
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u dukaameysi tegay Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn suuqyada dalka isla markaana ay dowladdu dib u howlgelisay kadib markii waqti kooban uu hakat galay howlihiisii ganacsi.
Ra’iisul Wasaaraha oo ay safarkiisa ku wehlinayeen saraakiisha Booliska iyo kuwo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha...
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday Guddiga Wadajirka ah ee Roadmap-ka (Dhageyso Qorshaha Road Map-ka oo maqal ah)
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta ku dhawaaqay guddiga Wadajirka ah ee habraaca marxaladda kala guurka ah “Rodmap” 2011/2012. Dhaqangelintii Roadmap ka ayaa u socda si habsami ah iyadoo lagu guuleystay in wax badan laga qabtay howlahii uu tilmaamayey habraaca marxaladda kala guurka “roadmap” 2011/2012.
Ra’iisal Wasaaraha Somalia ayaa...
Ogeysiis muhiim ah: Qurbajoogta Beesha Cali Ibraahiim (Reer Biciidyahan) waxaa lagu wargelinayaa in ay kasoo qeyb galaan shirkii Sanadlaha ahaa oo lagu qaban doono magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka
Minneapolis, MN (AOL) – Dhamaan waxaa lagu wargalinayaa Beesha Cali Ibraahiim (Reer-Biciidyahan), gaar ahaan jaaliyadaha ku dhaqan wadamada Reer Yurub, Austaralia, New Zealand iyo North America in uu dhacayo shiirkii Sanadlaha ahaa oo Sanadkasata Beeshu isugu imaan jirtey, shirkaas oo ka dhacaya
magaalada Minneapoli ee dalka Mareykanka.
Hadaba, dhamaan waxaa lagu wargalinayaa wufuudda ka kala...
Markab dagaal ay leeyihiin ciidamada kenya oo ku gubanayo jasiirada Kudhaa maxay tahay sobobta
Warar si hoose la isula dhaxmarayo ayaa sheegayo in xarakada Alshabaab ay u suurta gashay in aya gantaal la helaan markab daqgaal oo ay leeyihiin ciidamda mariiniska ee dalka Kenya xili uu ku sugnaa meel aan sidaa uga fogen deegaanka kudhaa .
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in markabka dagaal lagu gubey biyaha dalka Somaliya meel aan ka fogeyn xeebta deegaanka Jaziirada kudhaa
Markabka oo ku sugnaa...
60 qof oo looga shakisan yahay Shabaab oo lagu qabtay garoonka Jomo kenyaata ee Nairobi
Ciidamada Ammaanka Dowladda Kenya ayaa howgalo ay ka sameeyeen garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyaata ee magaalada Nairbo ee Dalka Kenya, waxa ay ku qabqabteen 60 qof oo ka yimid dalalka yurub islamarkaana looga shakiyey in ay Shabaab ka tirsan yihiin.
Xoghayaha Amniga Gudaha Kenya Francis Kimemia ayaa sheegay in dadkaani badan kooda ay ka yimaadeen qaarada Yurub islamarkaana ay ku sii socdeen Soomaaliya...
Cidamada Xarakada Al-shabaab oo duqeeyey degaanka Buusaar iyo Xiisad saaka jirta
Wararka naga soo gaaraya degaanka Buusaar ee degmada Ceel-Waaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka xiisad dagaal ay ka jirto degaankaasi iyadoona xalay madaafiic lagu garaacay.
Xiisad ayaa ka dambeeysay ka dib markii xalay hoobiyayaal dhowr xabo ah Shabaabku ay ku duqeeyeen bartamaha degaanka gaar ahaan saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Dowladda Kenya iyo kuwa Dowladda KMG Soomaaliya.
Lama...
Ciidamada Itoobiyaan ah oo ku sii wajahan Degmada Guriceel
Wararka saaka naga soo gaaraya Degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamoa Itoobiyaan ah ay soo gudbeen Balanbale iyagoo ku sii socda Degmada Guriceel.
Waxa ay leeyihiin dadka degaanka ciidmadaani waa ku aad u hubeeysan oo wata gaadiid dagaal oo gaaraya 15 gaari oo ah kuwa dagaal oo noocyo kala duwan leh.
Mid ka mid ah dadka ku nool degmada Balanbale oo saaka la hadlay warbaahinta...
Kenya oo sheegtay in ay disahay 25 dagaalyahano oo ka tirsan kooxda Al Shabaab
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay disahay dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ka dib howgalo todobaadkii ugu dambeeyey ka socday gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
Afhayeenka ciidamada Meleteriga Dowladda Kenya Cyrus Oguna o warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay dileen 25 dagaalyahano oo ka tirsan koxoxda Al Shabaab.
Waxaa kale uu sheegay Afhayeenka in ciidamada Kenya iyo shacabka ku nool...
Dugsiga Hoose dhexe iyo Sare ee Guulwade ee Magaalada Kismaayo oo ka mid noqday Dugsiyada ku jira kaalimaha Koowaad (Sawiro)
Tan iyo intii ay burburtay dawladii dhaxe ee dalka ka shidnayd waxaa dalka uu yeeshay goobo wax barasho oo gaar loo leyahay iyo waliba kuwa kale oo caan ah iskoolaadkaa ka jira dalka oo badankood hoos yimaada hay’ ado ahli ah sida hay adaha (SEF) iyo waliba hay’ada (FBNS) kuwaa oo dhamaanba ka jira degaanada iyo waliba dagmooyinka dalka soomaliya waxan ay wax ka barta arday aad u faro badan...