Home » Archive Daily November 23rd, 2011

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta ka qeybgalay Kulan Dood wadaag ah, su’aalaha shacabkana ka jawaabayey (Sawiro)

Nov 23, 2011
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta ka qeybgalay kulan ay soo abaabushay hay’ada CRD oo ah kulan noocii ugu horreeyey ee uu Ra’iisul Wasaare Soomaaliyeed ka qeybgalo isagoo ka jawaabayey su’aalihii ay weydiinayeen ka soo qeybgalayaashii kulanka iyo weliba Qurbo joogta Soomaaliyeed oo si toos ah internet ka ula socda barnaamijka.  Kulankan... 

Shirkii jaraa’id ee kulankii dhex maray Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Radhika Coomarswamy (Sawiro+Maqal)

Nov 23, 2011
Muqdisho, Somalia (AOL) – Waxaa maanta kulan qado ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FKMG ah Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wefdi sare oo ka socday UN-ka oo ay hogaamineysay Radhika Coomaraswamy oo ah kuxigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha difaaca Caruurta, waxayna kulanka kadib wadaqabteen shir jaraa’id oo ay ku faah faahinayeen waxyaabaha ay... 

Maxamed Cumar Xabeeb: Waan Soo dhaweeynayaa Ciidamada Ethiopia Ee Soo Galay Soomaaliya

Nov 23, 2011
Maxamed cumar Xabeeb maxamed Dheere oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Mqudisho ayaa waxa u Sheegay in ay soo dhaweenayaan soo galitaanka ciidamada wadanka Ethiopia isagoona tilmaamay in ay sabab u yihiin soo galitaanka ciidamada Ethiopia Xarakadda Al-Shabab Waxa uuna sidoo kale xusay in dhibaatada kajirta Soomaaliya ay gaartay heer Caalami loo baahan yahay in dowlad kasta ay ka qeyb qaadato... 

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya duqeyn dhinaca cirka ah oo loo geystay deegaano ka tirsan gobolka Gedo

Nov 23, 2011
Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee xarunta gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in shalay duqeyn dhinaca cirka ah ay ciidamada Kenay ka geysteen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Gedo, waxayna si gaar ah shalay u duqeeyeen deegaanka Yaqle oo ku dhow Baardheere. Sida warku sheegayo duqeynta ayaa lala bartilmaameedsaday fariisimo lagu tuhmayey inay ku suganyihiin saraakiil iyo ciidamo ka... 

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika oo ka hadlay xaaladda Soomaalida ku nool dalkiisa, sheegayna

Nov 23, 2011
Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika ayaa Jacob Suma ayaa si weyn u ammaanay ganacsatada Soomaalida ee ku ganacsada dalka K/afrika, waxaana uu sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay ka qeybqaateen hormarka ganacsiga ee dalka K/afrika sida uu yiri, wuxuuna ugu baaqay inay sii wadaan howlahooda ganacsiga, meelna laga saari doono kooxaha dhibka ku haya. Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaalidu ay yihiin dad... 

Magaaladda Galkacyo oo aad loogaga cabsi qabo inay ka qarxaan dagaalo u dhaxeeya Galmudug iyo Puntland

Nov 23, 2011
Xaalad cakiran ayaa waxay ka taagan tahay labada qeybood ee magaaladda Galkacyo ee Gobolka Mudug, waxaana laga cabsi qabaa in magaaladdu ay ka qarxaan dagaalo lagu hoobto oo dhex mara Maamulada Galmudug States iyo Puntland States.  Kooxo hubeysan oo ka soo jeeda deegaanada Koonfurta Magaaladda Galkacyo, ayaa waxay hakad gelliyeen hawlihii duulimaadyo ee Garoonka Diyuuradaha ee Magaaladda Galkacyo,... 

Xarakda Al-shabaab oo ku goodisay in ay weerari doonaan 11 dal oo Bariga Afrika ka tirsan

Nov 23, 2011
Al-Shabaab ayaa ku hanjabay in ay weeraro aargoosi ah ka gaysan doonaan Wadamo badan oo Bariga Afrika kuyaal kuwaas oo Ciidamadooda ay joogan Gudaha Soomaalia. Gudoomiyaha Al-Shabaab ee gobolka Shabeelada Dhexe Sh. Yuusuf Kaba-kudukade ayaa waxaa uu sheegay in ay la dagaalami doonaan Wadamada Ciidamada keenay Soomaalia iyo kuwa taageersan. “Ma cafin doono askari gaal ah oo dhulkena jooga dadkeenana...