Home » Archive Daily November 24th, 2011

Prof. Xirsi Aw-Maxamuud Hilowle (Labagare) oo ah Guddoomiyaha Ahlusuna Waljameeca ee Gobolada dhexe oo galabta kasoo degay garoonka caalamiga ah ee Heathrow Airport

Nov 24, 2011
London, England (AOL) – Guddoomiha Ahlusuna ee Gobolada dhexe Prof. Xirsi Aw-maxamuud Hilloowle (laba gare) ayaa galabta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Heathrow Airport ee magaalada London ee dalka Ingiriiska, kaasoo ku yimid booqasho horey loo shaaciyey kaddib markuu casuumaad ka helay dawladda Ingariiska oo uu kulamo la yeelan doono qaar ka mid ah madaxda sare ee dalka Ingiriiska.  Gudoomiyaha ayaa... 

Baaq kasoo baxay waxgarad ka tirsan beesha Sade oo lagu diidan yahay shirka ka dhacayo Columbus oo ay qabanayaan qeyb ka mid ah Ururkii kala jabay ee SDSI

Nov 24, 2011
Shir Teleefaneed ay maanta isugu yimaadeen waxgarad kasoo jeeda beesha Sade oo kala jooga dal iyo dibadba ayaa waxaa looga hadlay shir ay dhawaan ku baaqeen qeyb ka mid ah Ururkii SDSI ee waa hore kala jabay. Kulanka oo socday muddo dhowr saacadood ah ayaa waxaa kasoo baxay bayaan si weyn loogu diidan yahay qabashada shirkaas aanay beesha Sade u dhameyn.  Bayaankaan oo ku socda dhamaan siyaasiyiinta,... 

Barakacii ugu balaarnaa oo ka dilaacay Gobolka Jubbada Hoose iyo Al Shabaab oo Kenya markale u hanjabtay

Nov 24, 2011
Barakac xoogan ayaa wuxuu maanta ka soconayaan qeybo ka mid ah Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo shacabka ku dhaqan Gobolkaasi ay soo wajahday cabsi xoogan, oo ku aadan dhinacyada isku haaya. Barakac balaaran ayaa waxay maanta ka soconayaan gudaha iyo duleedka ee degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo barakac kalana ay ka jiraan deegaano hoos tagga deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada Hoose. Shacabka... 

Madaxweyne Dowladda kmg Shariif Shekh Axmed oo gaaray magaaladda Addis Ababa iyo shir deg deg ah oo ka dhici doona Addis Ababa.

Nov 24, 2011
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu maanta gaaray magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya uu ka qeyb gelli doono shir deg deg ah oo ka dhici doona. Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminaayo, ayaa waxay goor dhaw ay ka daggeen magaaladda Addis Abba ee dalka Itoobiya. Sababaha uu Madaxweyne Shariif... 

Qarax xoogan oo Kenya ka dhacay iyo Kenya oo maanta askar badan laga dillay

Nov 24, 2011
Qarax xoogan ayaa wuxuu saakay ka dhacay magaaladda Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya, iyadoo qaxaasi si weyn looga maqlay magaaladda Mandheera oo ay Soomaali badan deggan tahay. Qaraxaan ayaa wuxuu ka dhacay meel ku dhaw Madrasatul Nuurul Islaam oo ku yaalla Xaafadda Laska ee Magaaladda Mandheera, isla-markaana qaraxaani ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay saarnaayeen Ciidamadda Dowladda... 

Xarakada Al Shabaab oo afduub ku heysata dadka Soomaaliyeed iyo caalamka oo taasi ka dhiidhiyay.

Nov 24, 2011
Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa waxay shaaca ka qaadeen in Xarakada Al Shabaab ay afduub xoogan ku heysato dadka Soomaaliyeed, taasina ay keentay in Ciidamadda Kenya iyo Itoobiya ay gudaha u soo gallaan dalka Soomaaliya. Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Muqdisho, ayaa wuxuu si qoto dheer uu uga hadlay, Ciidamadda... 

Midowga Afrika oo sheegay in rag fara-badan oo ka tirsan Al Shabaab ay doonayaan in wada-hadalo lala gallo?

Nov 24, 2011
Ururka Midowga Afrika ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in loo-baahan yahay in xaaladda dalka Soomaaliya lagu soo dabaalo amni iyo kala dambeen, iyadoo uu ka digay in dagaalo hor leh ay ka sii socdaan dalka Soomaaliya. Ururka Midowga Afrika ayaa wuxuuu daaha ka rogay in xalka dalka Somaliya uu ku jiro, in labada dhinac ee isu haaya dalka Soomaaliya ay wada hadleen, iyadoo aanu markaasi waxba lagu soo kordhin... 

Qarax xoogan oo gil gillay Waqooyiga Magaaladda Galkacyo iyo argagax laga muujiyay

Nov 24, 2011
Qarax xoogan oo si weyn looga maqlay Waqooyiga Magaaladda Galkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa wuxuu xalay gil gillay Waqooyiga Magaaladda Galkacyo, iyadoo ay ka dhasheen khasaarooyin. Qaraxaan oo si weyn u ruxay Waqooyiga Magaaladda Galkacyo, ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Israac oo ay gacanta ku heyso Maamul Goboleedka Puntland, waxaana laga muujiyay argagax xoogan. Qaraxa ayaa waxaa lala eegtay Ciidamadda... 

Allaha u naxariistee waxaa galabta degmada Baardheere ku geeriyooday marxuum Cabdullaahi Saalax Cali

Nov 24, 2011
Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileehi Raajicuun.  Geeridu waa xaq, qof kastana wuu dhiman.  Waxaa galabta degmada Baardheere ee gobolka Gedo ku geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Saalax Cali oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee sida weyn looga qadariyo gobolka. Marxuumka ayaa in-dhawaalaba ku xanuunsanayey gudaha magaalada, iyadoo uu ahaa nin da’ah. Waxaa tacsidaan diraayo: 1.  Reer...