Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileehi Raajicuun. Geeridu waa xaq, qof kastana wuu dhiman. Waxaa galabta degmada Baardheere ee gobolka Gedo ku geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Saalax Cali oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee sida weyn looga qadariyo gobolka.
Marxuumka ayaa in-dhawaalaba ku xanuunsanayey gudaha magaalada, iyadoo uu ahaa nin da’ah.
Waxaa tacsidaan diraayo:
1. Reer Xaaji Xuseen oo ay kamid yihiin
2. Hooyo Mumino Xaaji Xuseen
3. Nuur Xaaji Xuseen
4. Aadan Xaaji Xuseen iyo
5. Reer Tawakal Colaad
Dadkaan ayaa waxay tacsi gaar ah u dirayaan carruurtii uu ka geeriyooday iyo reer Saalax Cali, waxayna leeyihiin “Alle ha u naxariisto Marxuumka, intii uu ka baxayna samir iyo Iimaan Eebe haka siiyo.”
Aamin, Aamin, Aamin.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.