Home » News »

Baaq kasoo baxay waxgarad ka tirsan beesha Sade oo lagu diidan yahay shirka ka dhacayo Columbus oo ay qabanayaan qeyb ka mid ah Ururkii kala jabay ee SDSI

Shir Teleefaneed ay maanta isugu yimaadeen waxgarad kasoo jeeda beesha Sade oo kala jooga dal iyo dibadba ayaa waxaa looga hadlay shir ay dhawaan ku baaqeen qeyb ka mid ah Ururkii SDSI ee waa hore kala jabay.

Kulanka oo socday muddo dhowr saacadood ah ayaa waxaa kasoo baxay bayaan si weyn loogu diidan yahay qabashada shirkaas aanay beesha Sade u dhameyn. 

Bayaankaan oo ku socda dhamaan siyaasiyiinta, xildhibaanada, ugaasyada, nabadoonada, aqoon-yahanada, dhalinyarada iyo haweenka beesha Sade meel ay joogaanba ayaa waxaa lala socodsiineynaa in shirkaas uu yahay mid aan loo dhameyn, keenina kara kala jab ku yimaada beesha Sade dhexdeeda.

Sidaas awgeed, wax garadka bayaankaan soo saaray waxay ku baaqayaan in la qabto shir weyne loo dhan yahay oo ay beesha Sade marka hore wixii khilaaf ah oo jira ku xalistaan, kaddibna ku sameystaan maamul guud oo loo dhan yahay.

Bayaankaan waxaa si wada jir ah usoo saaray dadka ay magacooda hoos ku qoran yihiin: 

 1. Cali Jaamac Maxamed, Guddoomiyaha beesha Maxamed Amaanreer (Wagardhac) ee Waqooyiga America.
 2. Suldaan Axmed Dirir Aden Gaas
 3. Cabdirashiid Cabdi Xasan (Cabdirashiid Hoolaa), Guddoomiyaha Guddiga Farsamada beesha Xasan Gaashireedle.
 4. Xasan Ugaas Daahir Ugaas Sh. Xuseen
 5. Libaan Aden Buule 
 6. Suldaan Cabdiwali Bishaar Aden 
 7. Cusmaan Maxamed Cali (Shuqaale)
 8. Eng. Maxamed Nuur Jirbriil
 9. Axmed Bashiir Cusmaan (Madoobe)
10. Kaafi Farey Yuusuf
11. Nuur Gaarane Dhubow (Duurow)
12. Maxamed Cali Aden (Deri)
13. Duraan Cali Bootaan
14. Cabdulahi Yuusuf Xasan (Alankey)
15. Xasan Muuse Idiris (Saanyare)

Bayaankaan waxaa lagala xariiri karaa:

 1. Cali Jaamac Maxamed, Guddoomiyaha beesha Maxamed Amaanreer (Wagardhac) ee Waqooyiga America, hashi614@hotmail.com, Tel. 614-209-8381.

 2. Cabdirashiid Cabdi Xasan (Cabdirashiid Hoolaa), Guddoomiyaha Guddiga Farsamada beesha Xasan Gaashireedle, hoolaa17@hotmail.com, Tel. 216-258-2700.

 3.  Libaan Aden Buule, lbule05@gmail.com, Tel. 614-962-0998.

————————

Qoraaladii horay looga qoray Ururkii horay u kala jabay ee SDSI hoos ka eeg: 

   Wareysi uu bixiyay Cabdiweli Bishaar oo ah G/xigeenka Ururka Eastado hlkaan ka dhageyso

Photo Ops in Columbus, Ohio will never put back SDSI in good shape to work for public and revive their image

Cabdiwali Bishaar Aden oo ahaa xubin ka mid ah Ururka Somali Diaspora Support Initiative (SDSI) ayaa ku dhawaaqay in uu isaga baxay Ururkaas

Xubno muhiim ah oo ku dhawaaqay in ay isaga baxeen Ururka Somali Diaspora Support Initiative (SDSI)

Madaxii waaxda Qurbajoogta ee Ururka Somali Diaspora Support Initiative(SDSI Aden A. Colujoog ayaa si buuxda uga baxay Ururkaas

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

10 Jawaabood " Baaq kasoo baxay waxgarad ka tirsan beesha Sade oo lagu diidan yahay shirka ka dhacayo Columbus oo ay qabanayaan qeyb ka mid ah Ururkii kala jabay ee SDSI "

  1. Asc marka hore anigoo ka mid ah dadka sida aadka ah ugu xiran wabseedka allgedo, mar kastana ka akhrista aqbaarta, kana soo jeeda beesha xasan gaashireedle, ayaa waxaan tageersanahay tashigaan iyo baaqaan kasoo baxay waxgaradka beesha Sade. Waxaan idiin rajeynayaa in aad midowdaan oo gacmaha isqabsataan aqoonyahano, dhalinyaro, rag iyo dumarba, isla markaana aad isku mowqif nototaan. Marka alle ha idinku guuleeyo tashigiina waana arin loo bahnaa in ay dhacdo mar hore waana idinku tageersanahay. Beesja Sade ha noolaato.

  2. bayoow says:

    as/c dhamaan beesha sade gaar ahan webka all gedo imisaan lahaa umadayahay aayahiina ka tashta oo caada qaatayaal yaysan ku qaraaban magac guud magacii beesha aya waxa laga dhigay suuqa bakaaraha iyo in maalin walbe habar lala hoos fariisto marka hada waxaad moodaa in ay soo baxayaan dadkii difaaci lahaa sharafta beesha waa soo dhawaynayaa baaqaan aniga shaqsiyan

  3. wadani says:

    sckm xili wax lamucaarada lama joogo ee nagadaaaya kala furfurka
    adinka naftigiina shirkiina looma dhamo go aankiinana waa mid wax duminaya hadaba ujeedadu waxaa weeye hadii urur ama guruub ay keenaa wax aan loodhameyn waqti iyo kharash uun baa ka dhamaan ma ogiye wax horu mra laga gaari maayo adinka baaqiina nana waa uun sidaa

  4. Reer gedo says:

    I am very disappointed and disgusted about the group game that have destroyed so much, and created drift between sub-clan divisions is: What still shines from the shoe prints of this SDSI meeting: I have not noticed one Single Gedo-indigenous member, or The executive Committee, Coz they are represented every where. These groups have no interest of uniting Mareehaan, but dividing is what they are so expert: I am kindly and politely encouraging All mareehaan, specially, Those who are From ” Gedo” Wake up, and member, there is a time when silence is betrayal.

  5. A.A.Xade says:

    Ku, Reer Gedo. Waxaan idin leeyahay Maxeeraan dusha is kama saarno oo wuxuu kala leeyahay deegaanno iyo dhaqamo kala duwan ee haddii aay urur iyo shirar qabsadaan kuwan deegaanadoodii Ceyr iyo Dir u soo hibeeyey, maxaa idinka galay oo aad uga daba qaaylineeysaan? maad ka soo qaadaan sidii umada kale oo shirar qabsaday?

    War kuwan kula lihi baa la yiraahdaa oo haddii aad isku dhajisaan sidii aay dhulkoodiiba u soo gacan geliyeen ayay Gedana ugu gacan gelinayaan Raxanweyn iyo Garre ee isaga hara wax la wadaagooda.

  6. faafaxdhuun says:

    A.A..XADE INA LIBAX SANKA TAABTE ISHA AYAAD KA RIDAY ALAYLAHE WAAD ASIIBTAY ABOWEY KUWAAN CID ISKU DHAJINAYSA MA JIRTEE ABOWEY WAXAA KALIYA O ANA KA DHICIN RABNA MAGACA AY BEENTA KU QARAABANAYAAN MARKA THANKS ABOWEY

  7. Hareed says:

    Ku, A.A. Xade,

    Afka ka leexi Beesha Sade ee Gedo.

    Iska xishood, midnimo muuji! Mareexaanka joogo Caabudwaaq iyo kan Baardheere joogo waa wiil iyo aabahi, kan Luuq joogo iyo kan Dhabad joogo waa wiil iyo aabahi.

    Mareexaan waa isku mid. Waa iin la isla tageera, oo goboleysiiga la joojiya.

    Waa run, Beesha Sade waa umad weyn oo meel kala foq degan. Qof walba deegaankiis haa hormariyo, laakiin waa qalad iin qof walba la diido oo la kala saaro. Mareexaanow iyo Facaayow, gacan wadajir bey wax ku qabataa.

  8. Asc dhaman Inta ka qeyb qaadatay anigu waxan oran lahaa War maxan u,arki la,nahay uguna nixi la,nahay maatadena Hoyooyinka Carurta u dhamaanaya Macna darada war yaa kahadlay Dilalka Macna la,aned oo loo geysto Aqoonyahanadena Wax garadkena kaso ay geysanayan Dad iyagu Neceb horumarka Besha Marexan

  9. ali yare says:

    aawey mareexaan ilaa iyo hada lama hayo sorry

  10. Wiil Sade says:

    ASC- Salaantaa ka dib waxa iila qumanaan laheyd in wixii isfahla’aan ah lagu dhameyo sidaan ka daaya iyo see layeelaa oo wixii beeshaan kala fogeynayo laga fiirsado inta ay meel ka xun arimaha garin oo aan lagu kala fagaan ayna Sababin is naceyb horleh. Waxan dhihi lahaa howshu ha ahaato maxaa dhiman?maxaan ku Dari karnaa?
    Aqliga halamideeyo , Umadda hala mideeyo, danta beeshaan ha ahaato MUQADIS.
    ILLAAH Tubta Toosan Hana Tuso .wabilaahi towfiiq.
    By Wiil Howrarsame