Home » News »

Prof. Xirsi Aw-Maxamuud Hilowle (Labagare) oo ah Guddoomiyaha Ahlusuna Waljameeca ee Gobolada dhexe oo galabta kasoo degay garoonka caalamiga ah ee Heathrow Airport

London, England (AOL) – Guddoomiha Ahlusuna ee Gobolada dhexe Prof. Xirsi Aw-maxamuud Hilloowle (laba gare) ayaa galabta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Heathrow Airport ee magaalada London ee dalka Ingiriiska, kaasoo ku yimid booqasho horey loo shaaciyey kaddib markuu casuumaad ka helay dawladda Ingariiska oo uu kulamo la yeelan doono qaar ka mid ah madaxda sare ee dalka Ingiriiska. 

Gudoomiyaha ayaa markuu kasoo dagey garoonka diyaaradaha abaare 9:00 pm saacada London ee dalka Ingiriiska, waxaa si diiran usoo dhaweeyay dadweyne Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya boqolaal, kuwaasoo lulayey calanka baluugga ah ee qaranka Soomaaliyeed, waxuuna halkaa wareysi ku siiyay qaar saxaafadda Soomaaliyeed ka mid ah oo ay ka mid yihiin Universal TV, Royal TV iyo Raasmedia. 

Gacan qaad iyo salaan mahad Celina oo uu la dhex qaadey dadweynihii Soomaaliyeed ee boqolaalka kor u dhaafayey kaddib, waxaa gudoomiyaha loosoo galbiyey Hotelkii loo diyaariyey inuu ku nasto oo ku yaal agagaarka garoonka weyn ee Heathrow Airport.  

Isla berito,  waxaa Prof. Labagare u bilaaban doona kulamo gooni-gooni ah oo uu la yeelan doono masuuliyiin sare oo ka mid ah dalka Ingariiska, waxaana intaa u dheer inuu ka qayb gali doono xaflado soo dhaweyn ah oo ay u sameysay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingariiska sida xaflad lagu qaban doono magaaladan London oo ay kasoo qayb gali doonaan jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladan London iyo sidoo kale culumada Ahlusuna Waljameeca. 

Sidoo kale, sida ay ii sheegeen ilo xogogaal ah oo iyagu qabanqaabada soo dhaweynta Guddoomiyaha ku jira, waxaa kale oo uu Guddoomiyaha ka qeyb gali doonaa xaflado kale oo ka dhici doona qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka Ingariiska, kuwaas oo ay ka mid yihiin leicester iyo Birmingham. 

Xiriiriyaha hoose (The link below) waxaad ka daawan kartaa wareysi gaaban oo ay Raasmedia la yeelatey Guddoomiyaha culumada Ahlusuna Waljameeca Prof. Xirsi Aw- maxamed Hiloowle (Laba gare), kaasoo  ka dhacay Hoteelka uu kusoo dagey ee magaalada London ee dalka Ingariiska.

http://youtu.be/tl_1gvWQ-rk

——                                              
Durraan Shirwac, London/UK.
Em-durta21@hotmail.com

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.