Home » News »

Qarax xoogan oo gil gillay Waqooyiga Magaaladda Galkacyo iyo argagax laga muujiyay

Qarax xoogan oo si weyn looga maqlay Waqooyiga Magaaladda Galkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa wuxuu xalay gil gillay Waqooyiga Magaaladda Galkacyo, iyadoo ay ka dhasheen khasaarooyin.

Qaraxaan oo si weyn u ruxay Waqooyiga Magaaladda Galkacyo, ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Israac oo ay gacanta ku heyso Maamul Goboleedka Puntland, waxaana laga muujiyay argagax xoogan.

Qaraxa ayaa waxaa lala eegtay Ciidamadda Madaniga ee Xaafadaha Waqooyiga Magaaladda Galkacyo, isla-markaana qaraxa oo ah miinada gacanta laga haggo ayaa waxaa lala eegtay ciidamadaasi, xilli ay xalay qaarkood ka soo baxeyn Masaajid ku yaalla Xaafadda Israac.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in goobta uu qaraxu ka dhacay laga qaaday dhaawacyada seddex ruux, oo laba ka mid ah ay yihiin Ciidamadda Madaniga ee Xaafadaha Waqooyiga Magaaladda Galkacyo, halka ruuxa seddexaadna uu yahay mid rayid ah.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in goobta uu qaraxu ka dhacay ay soo gaareen ciidamo aad u xoogan, oo ka mid ah Ciidamadda Ammaanka ee Waqooyiga Magaaladda Galkacyo, kuwaa oo goobtaasi ka wada dhaq dhaqaaqyo kala duwan.

Ruux ku sugan goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa wuxuu Shabakadda Warbaahinta ee AOL uu u sheegay, inaysan marnaba islaheyn hugunka uu sameeyay qaraxaasi iyo sida ay uga bad-baadeen dadka.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamul Goboleedka Puntland, oo ka arrmiya deegaanada Waqooyi ee Magaaladda Galkacyo, iyadoo dhinaca kalana aysan jirin cid weli qaraxaasi loo-soo qab-qabtay.

 

C/qaadir Maxamed (Cagmadhige), AOL Updating News

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Qarax xoogan oo gil gillay Waqooyiga Magaaladda Galkacyo iyo argagax laga muujiyay "

  1. waa wax loo bahanyahay in murtadinta mel walbo lagu qarxiyo murtadka masajidka asagoo kasoo baxay ayaa madaxa laga jaraa waayo musliminta ayay dhiben galada ayay ugacan galiyan waaa cidamadan PISTA galada xitaa ayagaa kaxun