Home » Archive Daily November 26th, 2011

Dowladda Itoobiya oo sheegtay inay ciidamo u soo direyso Soomaaliya, gaar ahaan magaalooyin ay tilmaameen

Nov 26, 2011
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay ciidamo u soo direyso gudaha dalka Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Xarakada Al-shabaab, isla markaasn ay gacan u siiyaan dowladda KMG Soomaaliya, waxayna intaasi ku dartay in magaalooyin gaar ah ay geyn doonto ciidamada ay geynayso Soomaaliya. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in saraakiil ka tirsan wasaaradaha Gaashaandhigga iyo arrimaha dibadda Itoobiya... 

Maamulka Xarakada Al-shabaab degmada Baardheer ee gobolka Gedo oo Howlo Qubuuro Burburin ah ka Fuliyay Degmadaasi.

Nov 26, 2011
Maamulka Xarakada Al-shbaaab ee degmada Baardheere ayaa waxaymaanta howlgallo lagu burburinayo abriayda waxa ay ka sameyeen gudaha degmada Bardheere ee gobolka Gedo. Qaaburaha maanta  la burburiyay ayaa tiradoodu gaareysaa ilaa 40 qabriyood islamarkaana ay ku aasnaayeen culumo caan ka ah gobolka Gedo, ayaa laga burburiyay xaafadda Waaberi ee ee magaalada Baardheere. Sheekh Aadan Nuux oo ah madaxa... 

IGAD oo ciidamada Itoobiya Kenya u qoondeysay inay galaan magaalooyin gaar ah oo ku yaala Soomaaliya

Nov 26, 2011
Kulan ay sigaar ah ugu yeesheen Madaxweynayaasha dowladaha Kenya, Soomaaliya, Jabuuti iyo Ra’isul wasaaraha Itoobiya magaalada Addis ababa, ka dib markii uu kalfadhigii 19-aad ee dowladaha IGAD soo gabagaboobay ayaa lagu soo bandhigay shax la doonayo in lagu weeraro gobolada ay ka taliyaan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo saldhigyada sida gaarka ah ay dowladaha IGAD doonayaan inay uga howlgalaan. Shirka... 

Ciidamada Yugandha ee jooga magaalada Muqdisho oo dalbaday in dalkooda dib loogu celiyo ka dib markii…

Nov 26, 2011
Qaar ka mid ah ciidamada dowladda Yugandha ee ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa dalbaday in dalkooda dib loogu celiyo, iyagoo sheegay inay muddo dheer ku sugnaayeen Soomaaliya aysanna arkin qoysaskooda iyo caruurtooda, dhib badanna ay kala kulmeen Soomaaliya. Wargeys lagu magacaabo Africa Report ayaa sheegay in dowladda Yugandha iyo Midowga Afrika ay ka dalbadeen qaar... 

Farmaajo oo sheegay in Al Shabaab ay helli doonto kalsooni iyo awood xoogan, oo ay dagaalada ku sii wado

Nov 26, 2011
Maxamed C/Laahi Maxamed “Farmaajo” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Ciidamadda Dowladda Itoobiya oo soo galla gudaha dalka Soomaaliya ay ka imaan doonto, cawaaqib ku aadan in dagaaladu ay sii socdaan. Raa’isal Wasaarihii hore ee Soomaliya Mudane Maxamed C/Laahi Maxamed “Farmaajo”, oo maanta la-hadlay Idaacada VOA-da, ayaa wuxuu daaha ka qaaday inaanan loo-baahneyn in Ciidamadda Dowaldda Itoobiya... 

Ciidamadda Amisom oo maanta dhaq dhaqaaqyo balaaran ka wada degmada Dayniile iyo dagaalo laga cabsi qabo

Nov 26, 2011
Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom oo kaabaaya Ciidamadda Dowladda Soomaaliya, ayaa waxay maanta dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir. Ciidamadda Amisom oo dagaalo xoogan kala horjeeda Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, ayaa waxay maanta dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan degmada Dayniile, gaar ahaan duleedka degmada Dayniile. Qorshaha Ciidamadda Amisom ayaa wuxuu salka... 

Magaalada Galkacyo oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhaceen falal amaan daro

Nov 26, 2011
Magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ee ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa kakala dhacay labada dhinac ee Waqooyiga iyo koonfurta falal amaa daro, Waqooyiga Magaalada Galkacyo ayaa si kala gooni ah loogu dilay laba Nin, iyadoyna wararku sheegayan in ciidamada Booliska magaalada Galakacyo ee dawlada Punntland ay gacanta ku soo dhigeen mid kamid dadkii dilkaasi gaystay, Dhanka Kale Koonfurta... 

Xaalada Degmada Dhuusa Mareeb oo degen saaka.

Nov 26, 2011
Degmada Dhuusa Mareeb ee gobolka Galguduud ayaa lagu soo waramayaa in ay degen tahay caawa kadib markii maqribnimadii uu dagaal ku dhex maray degmadaas ciidamo taabacsan Xarakada Alshabaab iyo ciidamada Ahlu suna. Dagaal xoog leh oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay degmada Dhuusa Mareeb iyadoo halkaas uu dagaalku ku dhex maray ciidamada xarakada ALshabaab iyo ciidamada...