Home » Archive Daily November 28th, 2011

Dowladda Kenya oo sheegtay in saldhig boolis lagala wareegay

Nov 28, 2011
Dowladda Kenya ayaa ka hadashay weerar ay ciidamo ka tirsan kuwa Xarakada Al-shabaab ku qaadeen tuulo lagu magacaabo Arabia oo 45-km koonfur ka xigta magaalada Madheera, halkaas oo ay ku gubeen saldhigii ciidamada Booliska, kaddib markii ay tuuladaasi gacan ku heynteeda ay la wareegen. Afhayeenka ciidamada Kenya oo ka hadlayey dagaalka ka dhacay tuulada Arabia iyo gubitaanka loo geystay saldhigga booliskia... 

Shir magaalada Muqdisho uga socday Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo fashil ku dhamaaday

Nov 28, 2011
Shir uga socday magaalada Muqdisho qeybaha kala duwan ee Odayaasha dhaqanka beelaha iyo Odayaal kale oo looga soo horjeeday shirka wadatashiga ee ka furmay Sabtidii la soo dhaafay xarunta Xalane ee magalaada Muqdisho ee ay garwadeenka ka tahay Qaramada Midoobay ayaa fashil iyo gacan ka hadal ku soo gabagaboobay shalay. Sida warku sheegayo fashilka ku yimid shirka uga socday Muqdisho Odayaasha dhaqanka... 

Madaxweyne Sheekh Shariif Shekh Amed: Itoobiya ma soo gelayso gudaha Soomaaliya, Kenya waxay ogolaatay

Nov 28, 2011
Madaweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay diiday inay ciidamo u soo dirto Soomaaliya, sidoo kalena ay diiday inay ka mid noqoto ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho arrimo iyada u gaar ah awgeed, laakiin ay ogolaatay inay ka taageerto ciidamada dowladda KMG tababarka iyo dhinaca saadka. Madaxweyne Shariif oo la weydiiyey su’aal... 

Qaraxyo geystay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay gudaha Isbitaalka Banaadir

Nov 28, 2011
Qarax khasaare kala duwan geystay ayaa xalay ka dhacay gudaha Isbitaalka weyn ee Banaadir, kaas oo la sheegay inuu geystay khasaarooyin kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur soo gaaray dhismihii qeybo ka mid ah Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho. Sida warku sheegayo qaraxa ayaa ka dhacay qeybta 26-aad ee Isbitaalka, kaas oo aan la ogeyn waxa keenay inuu qaraxa dhaco, xiriiro...