Home » Archive Daily November 29th, 2011

War deg deg ah:- Xarakada Al Shabaab oo sheegtay in galabta ay gacan ka goyn doonto nin dhalinyaro ah

Nov 29, 2011
Waxaa galabta lagu wadaa in deegaanka Calaamadda ee duleedka magaaladda Muqdisho ay Xarakada Al Shabaab gacan kaga goyso nin dhalinyaro ah, oo lagu soo eedeeyay falal xatooyo ah. Gawaari lagu soo xiray cod baahiya-yaal oo iminka dhex mareysa deegaanada loo-barakacay, ayaa waxay dadka deegaanada loo-barakacay ku dhaqan laga dalbaday, inay ka soo qeyb gallaan. “Baabuur lagu soo xiray mikrofoono ayaa... 

Ciidamo aad u tiro badan oo toobiyaan ah oo weli ku soo qulqulaya deegaano ka tirsan gobolada Soomaaliya

Nov 29, 2011
Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa lagu arkay bartamaha dalka Soomaaliya, kuwaas oo ka soo talaabay shalay oo Isniin aheyd iyo maalintii Axada soohdinta ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, xilli ay dowladda Itoobiya iyo Madaxweynaha dowladda KMg sheegeen in Itoobiya aysan Soomaaliya soo galeynin. Soo gelitaanka ciidamadan cusub ayaa waxay kusoo beegmaysaa maalmo yar kaddib markii... 

Dowladda Kenya oo Golaha Amaanka u gudbisay warqad cabasho ah oo ka dhan ah Eratariya

Nov 29, 2011
Dowlada dalkanKenya ayaa golaha amaanka ee QM u gudbisay dacwad ka dhan ah dalka Ereatariya oo ay ku codsanayso in baaritaan lagu sameeyo xiriirka ka dhaxeeya Eratariya iyo kooxda Alshabaab. Wakiil dalka Kenya u fadhiya Qaramada Midoobay Mashaariya Kamaaw ayaa kiiskan u gudbiyay golaha amaanka maalmo uun ka dib markii wasiirka arimaha dibada ee dalka Eratariya Cusman Saalax uu warqad uu kaga cabanayo... 

Qaramada Midoobay oo ka hadashay 16 hay’adood oo Xarakada Al-shabaab ka mamnuucday deegaanada ay gacanta ku hayaan

Nov 29, 2011
Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo ka talisa inta badan gobolada koofurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ayaa shalay ka joojisay shaqadii ay ka hayeen deegaanada ay ka taliso 16 hay’adood oo ah kuwa gargaarka. Warsaxaafeed ka soo baxay xafiiska la socodka haya’daha ajnabiga ah ee Xarakada Al-shabaab oo marka la soo gaabiyo loogu yeero {OSAFA} ayaa lagu sheegay in baaris hal sano socotay oo hay’adaha... 

Cidamada huwanta ah oo dhaq dhaqaaqyo militari kawada qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose.

Nov 29, 2011
Dhaq dhaqaaqyo xoogan ayaa waxay maanta ka soconayaan deegaanada hoose tagga degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo Ciidamadda Kenya weeraro ku qaaday deegaano looga shaki qabo Al Shabaab. Dhaq dhaqaaqyo isku-wada mid ah ayaa waxaa maanta deegaanada Qooqaani iyo Taabto inta u dhaxeysa ka wadaan Ciidamadda Dowladaha Somaliya, Kenya iyo Jabhadda Raaskambooni, waxaase maanta lagu wadaa inay... 

Askari xalay dhac iyo dil u geystay wiil dhalinyaro ah oo isaguna si xun loogu toogtay magaaladda Muqdisho

Nov 29, 2011
Askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa xalay si xun loogu dillay degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, kadib markii uu dhac iyo dilba u geystay wiil dhalinyaro ah. Askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya, ayaa wuxuu xalay wadada u gallay nin dhalinyaro ah oo sitay teleefanka gacanta, gudaha degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, wuxuuna ku amray in uu ku soo wareejiyo taleefonkisa... 

Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo si dheer uga hadlay soo gelitaanka Ciidamada Itoobiya iyo kenya ee gudaha Soomaaliya.

Nov 29, 2011
Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud {Siilaanyo} ayaa markiisii ugu horeysay waxa uu ka hadlay ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ee faragelinta qaawan ku haya dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Somaliland ay ugu baaqeyso dowladaha Kenya iyo Itoobiya inay ilaaliyaan madaxbanaanida Soomaaliya “Mowqifka Somaliland waxa weeye horta dee dal waliba madaxbanaanidiisa iyo xorriyadidisa... 

Xarakada Al Shabaab oo hanjabaado culus u jeedisay fanaaniinta Soomaaliyeed

Nov 29, 2011
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay hanjabaado xoogan ay u jeedisay fanaaniinta Somaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Markii ay soo shaac baxday in fanaaniinta ay dib uga soo dhex muuqdaan Golaha Murtida iyo Madadaalada “National Theatre”, ayaa waxay Xarakada Al Shabaab ka soo saartay hanjabaado xasaasi ah. Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ee Xarakada Al Shabaab...