Home » News »

Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo si dheer uga hadlay soo gelitaanka Ciidamada Itoobiya iyo kenya ee gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud {Siilaanyo} ayaa markiisii ugu horeysay waxa uu ka hadlay ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ee faragelinta qaawan ku haya dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Somaliland ay ugu baaqeyso dowladaha Kenya iyo Itoobiya inay ilaaliyaan madaxbanaanida Soomaaliya

“Mowqifka Somaliland waxa weeye horta dee dal waliba madaxbanaanidiisa iyo xorriyadidisa ayuu leeyahay, marka annagu mar walba madaxbanaanida Soomaaliya lafteeda waanu taageeraynaa, in dadkeeda iyo ummaddeeda aan dhibaato loo geysan oo dalkeeda aan la qabsanna waanu taageeraynaa oo way noogu muuqataa inay xaq u leedahay, balse kolay dhibaatooyinka ka taagan Soomaaliya oo la xalin kari waayey, dhibaatooyinkaas oo gaaray dunidii kale iyo dadkii kale nabadgelyadoodii iyo xasiloonidoodii waxyeelay, dee dunida kale way ka gaashaamaneysaa, markaa arrintaas waxaanu u aragnaa si aan iyagana madaxbanaanidooda wax loo yeelin, dunida kalena inay xaq u leedahay inay ilaaliso dhibaatooyinka ka soo gaaraya, argagixisada ka imaneysa iyo faragelinta lagu sameynayo intaba in xalkii loo baahnaa dunidu ka tashato oo la wada helo ayaanu annagu u aragnaa” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

Sidoo kale Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in loo baahanyahay in la ilaaliyo xornimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay dowladaha Kenya iyo Itoobiya inay ilaaliyaan madaxbanaanida Soomaaliya, ayna ka war sugaan dowladda KMG ee haatan ka jirta Soomaaliya, wax ay iyadu diidantahayna aysan sameyn.

C/qaadir Maxamed (Cagmadhige), AOL Updating News

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

7 Jawaabood " Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo si dheer uga hadlay soo gelitaanka Ciidamada Itoobiya iyo kenya ee gudaha Soomaaliya. "

  1. adam says:

    Aniga waxay iila muuqataa Silaanyo in uu somalia ogyahaya in uusan ka maarmin uusana go,i karin lkn shacabkaa yaa been un loosheegaa oo lagadhaadhicyaa in go, ayaan

    marka waa mashruuc , anagu se hadii aanhaay somalida koonfureed waxan u aqoonsanahay dowlad gobaleed

  2. abdirahman says:

    waxay ilatahey in siilaanyo muujiyey soomalinimo waa iney kudaydaan ismaamulada kalana sidaa uhadla hadaad runsheegaeysaan ood madaxbanaantihiin

  3. bulaale says:

    alleylehe siilaanyo waa wadani soomaaliyeed……………
    riyaalihii ka horeeyeyna wuxuu yidhi waanu u sacabeynaynaa xabashida soomaalida gumaadeysa………………………………….
    markaa somaliland lafteeda ayaa wax is bedeleen……………..

  4. waxaan qabaa in madaxweyne axmed maxamud siiraanyo uu wax badan og yahay waxana ka qaban karin,laakiin uu muujiyay in uu ka damqaday
    xaalada adag ee ay somalia maanta ku sugan tahay,isagoo hoosta ka xariiqay shaki ah in somalia la qabsan doono.sidaasi daraadeed waxaa wanaagsan in aan lagu soo meeraysan somaaliland ayuu ka noqday ee aad laabta galisaan somaliyeey waxaad isu haysaan wax ka wayn ayaa idinku soo socda ee taas niyada ku haya idinkoo aamin san qabyaalad iyo reer hebel oo aad u argto cadawga koowaad in uu kaas yahay.Runtiina xaalku sidaas maahee rag kale ayaa kuu qayilayee la socda musalsalkaas ,haddi uu idin dhaafayna dib ka daawada oo indhahiina fura.
    By a farah .UK

  5. Ali says:

    Siilaanuo wadani ma aha ee nafbaa haysa oo waxuu isleeyahay markii hawiye hubka laga dhigo Isaaq baa ku xiga marka qayluu afka ku shubtay. Riyaalana warkiisa haba soo qaadin waa ninka kali ah ee madaxtooyadiisa gabar sooomaaliyeed isaga iyo wasiiradiisu ku kufsadeen, Waad la socotaan oo gabadhii waa nooshahay oo UNka aya soo dhoofshay. Marka riyaale shaqsi jira isaga iyo tolkii midna ma aha, marka siilaanyo ha barbardhigin.

    Ali

  6. runsheeg says:

    hala yaabinina siilaanyo hadalkiisa qoladiinan ku qoslaya
    siilaanyo waa oday soomaaliyeed waana siyaasi soo jireena
    dalkana wax ka xakumi jiray wuxuu garanayaa . somalilana waa ka
    jeeb wayn yahay ee hada danta ayaa ku qasbaysa
    haddii helayo wa isku darsanlahaa labadaba dadkuna way ogol yihiin
    waxaanse idin waydiinayaa reer koonfureedaw ninka aan rabin ;;;;;;;;;;;
    farta ha taaaaaaaaaaaago
    nin walibana gobolka uu wakiilka ka yahay ha sheegto

    sida ;gedo ;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;yes or no;;;;;;;;;;;;;;;;;;
    banadir;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;’yes or no;;;;;;;;;;;;;;;;;;
    kismayo yes or no;;;;;;;;;;;;;;;;;;
    marka yes or no;;;;;;;;;;;;;;;;;;
    baydhabo yes or no;;;;;;;;;;;;;;;;;
    bu aale yes or no;;;;;;;;;;;;;;;;
    balad wayn yes or no;;;;;;;;;;;;;;;
    dhusa mreeb yes or no
    i w m
    ok

  7. farah says:

    waxaa la yidhi maxay ku nuugtaa, maxayse ka nuugtaa,waxaa is waydiintu tahay halkee madaxwayne siiraanyo uu u soo socdaa.Jawaabtu waa meelna,sidaasi daraadeed hays caashaqina Reer koonfureedoow meel laydinku yimaado ma haysaane,sababtoo ah intii hambada ahayd ee ay dagaaladu iyo abaaruhu baabiyeen waxaa u soo cumaamatay dawlado shisheeye idinka ayaana u sabab ah,ee niman yahow RUNTA iyo xaqaa,iqa wajaha,waxaanad iila muuqataan in ay idinqabanayso maahmaahdii ahayd DOQONTU LABA IYO TOBAN INDHOOD AYAY LEEDAHAY,KOB IYO TOBAN waxay ku eegtaa gacalkeeda,.Waxaan uga socdaa waxa idin horyaala eega madaxweyne axmedna waa idiin jiidh damqadaye ogsoonaada