Home » News, Waraysi »

Nabadoon Maxamed Axmed Faarax (Indho yare) oo mar kale ka warbixiyay duqeyntii Degmada Ceelcade iyo Maxamed Cabdi Kaliil oo borobogaan raqiis ah ku tilmaamay warar ay qaar warbaahinta Soomaalida ka qoreen (Dhageyso)

Related Articles

    Kaddib markii diyaarado aanan la aqoon cidda iska leh ay maalintii shalay duqeyn arxan daro ah ka geysteen xaro Qaxooti oo ku taala duleedka Degmada Ceelcade ayay qaar Shabakadaha ay maamulaan Soomaalida arrintaas siyaabo kala duwan wax uga qoreen.

    Qaar baa dhacdadaas usoo tabiyay si ay mas’uuliyadi ku jirto, isla markaana waafaqsan nidaamka warbaahinta, kuwaasoo baaritaan ay sameeyeen kusoo ogaaday in diyaaradaha wax duqeeyay ay bartilmaameedsadeen xaro Qaxooti oo ay dad shacab ah ku sugan yihiin, halka shabakadaha qaarna ayaga oo aanan waxba hubsan ay duqeyntaasi ku tilmaameen in ay aheyd mid lala beegsaday saldhigyo ay Al-shabaab ku leeyihiin duleedka Ceelcade.

    Waxaa kale oo jirta in qaar saxaafadda Soomaaliyeed ka mid ah ay arrintaan si weyn uga been abuurteen Maxamed Cabdi Kaliil oo ah Guddoomiyaha gobolka Gedo, ayaga oo sheegay in uu yiri “Diyaaradaha wax duqeeyay waxay bartilmaameedsadeen xarumo ay Alshabaab ku leeyihiin Degmada Ceelcade.”

    Haddaba, mar ay maanta shabakadda AOL qad Teleefan kula xariirtay ayaa waxuu arrimaha laga sheegay ku tilmaamay borobogaan raqiis ah oo aan sal iyo raad toona laheyn.  “Anigu waxaan sheegay in diyaaradaha duqeynta geystay ay si qalad ah u weerareen dad masaakiin ah oo ku jira xaro Qaxooti oo Degmada Ceeccade ku yaala, weerarkaasna ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawacba leh kasoo gaartay dad shacab ah oo aanan waxba geysan, waana ka xumahay dhibaatada halkaas ka dhacday” ayuu yiri Kaliil.

    Gudoomiyaha Gobolka Gedo oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa kale oo uu yiri “Wax qarsoon ma ahan in aan dagaal qaraar kula jirno kooxaha nabad-diidka ah ee Al-shabaab, laakiin ma ogolin raalina kama nihin in deegaanada ay degan yihiin dadka shacabka ah la weeraro dhibaatana loo geysto.”

    Dib waxaan kasoo gudbin doonaa wareysiga Maxamed Cabdi Kaliil oo maqal ah.


    Masawirkani waa Nabadoon Maxamed Axmed Faarax (Indhayare) oo ka mid ah Nabadoonada beesha Sade ee gobolka Gedo oo ah goob-jooge ka war-bixinaya qaabkii ay diyaaradaha u duqeeyeen xarada Qaxootiga ee Degmada Ceelcade.

        Halkaan ka dhageyso wareysi cusub oo laga qaaday Nabadoon Maxamed Axmed Faarax (Indhayare) oo goob joog ka ahaa markii ay diyaaradaha duqeynayeen xarada Qaxootiga ee ku taal Degmada Ceelcade.

       Halkaan ka dhageyso wareysigii hore ee Nabadoon Maxamed Axmed Faarax (Indho yare)

    ————-
    Mohamed Sujuu, Nairobi/Kenya.

    Allgedo News Media Network
    allgedo@allgedo.com

    Bookmark and Share

    4 Jawaabood " Nabadoon Maxamed Axmed Faarax (Indho yare) oo mar kale ka warbixiyay duqeyntii Degmada Ceelcade iyo Maxamed Cabdi Kaliil oo borobogaan raqiis ah ku tilmaamay warar ay qaar warbaahinta Soomaalida ka qoreen (Dhageyso) "

    1. Ibraahim says:

      Mash’allah ALLGEDO aad baad ugu mahadsantihiin sidaad xilka isaga saarteen, ugana damqateen dhibaatada la gaarsiiyay shacabkeena, waan idiin hambalyeynayaa in badan.

      Meesha ka wada dadaalkiina.

    2. Aadanasad says:

      Shabakadaha benlow yasha ah waxan kula talinayaa in ay xiran shabakadahoda maadama shacbika ay ogaden inay yihin kuwo aan larumaykarin waxa ay so gudbiyan waxana oku horeeyo shabeele, banadir,warqaad, kismayo24,gedoonlin iyo kuwo kale

    3. Waan idin kuku hanbalyaynaya ree allgadow sida aad oka damqaten walalihin kunol degmada celcade iyo sida aad runta usheektan wana mahadsantihin inbadan

    4. INAA LIHAAhI Wa INA iLEYHI RAAJIJICUun
      aad baan uga xumahay dhibaatada ku dhacday
      dadkaa masaakinta ah ee waxba galabsan
      waxaana leeyahay intii dhimatay ilaahay ha
      naxariisto inta dhaawac ahna allaha u booga
      dhayo

    Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

    Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.