Home » News, Waraysi »

Guddoomiyaha gobolka Gedo oo ka hadlay duqeyntii Degmada Ceelcade beeniyayna war ay qaar shabakadaha Soomaalida ka mid ah ka sheegeen (Dhageyso wareysi)

Related Articles

    Maxamed Cabdi Kaliil oo ah Gudoomiyaha gobolka Gedo oo maanta u waramay Shabakadaha Allgedo iyo Gedoweb ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay duqeyntii ay diyaaradaha Kenya u geysteen Xaro Qaxooti oo ku taal duleedka Degmada Ceelcade ee gobolka Gedo.

    Kaliil ayaa waxuu yiri “Waan ka xumahay weerarka waxashnimada leh ee ay diyaaradaha dagaalka ee Kenya la beegsadeen dad shacab ah, waxaana uga tacsiyeeyneynaa qaraabadii dadka ay waxyeelada kasoo gaartay duqeyntaas iyo shacabka Soomaaliyeedba.”

    Guddoomiye Kaliil ayaa waxaa kale oo uu been abuur iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ay maalmihii lasoo dhaafay faafiyeen qaar ka mid ah shabakadaha Soomaalida, kuwaasoo sheegayay in Guddoomiye Kaliil uu yiri “diyaaradaha dagaalka waxay weerareen saldhigyo ay Alshabaab ku leeyihiin deegaanka Ceelcade.”

    “Wixii been abuur ah cidii sameysay baan koley kala xisaabtami doonaa.  Saldhigyada ciidan ee Shabaab iyo meelaha ay degan yihiin wax mugdi nooga jira ma ahan, diyaaradahana meelahii loogu tala galay ma aanay weerarin oo yoolkoodii in uu qaldanaana waan sheegnay.  Marka intaas waxii aan aheyn cidii sheegtay ama si qaldan wax u duubtay nidaam lagula xisaabtamo ayaa jira oo aan kula xisaabtami doonaa haddii uu Rabbi idmo” ayuu yiri Kaliil. 

       Halkaan ka dhageyso wareysiga Kaliil oo dhan

    Waraysigaan waxaa si wadajir goob joog u ahaa Shabakadaha Gedoweb iyo Allgedo.

     

    Allgedo News Media Network
    allgedo@allgedo.com

    Bookmark and Share

    3 Jawaabood " Guddoomiyaha gobolka Gedo oo ka hadlay duqeyntii Degmada Ceelcade beeniyayna war ay qaar shabakadaha Soomaalida ka mid ah ka sheegeen (Dhageyso wareysi) "

    1. Qadar says:

      Asc magacaygu wa qadar qarash waxan joga dagmada c/cadde duqaynti wuxushnimada ahayd ee diyaradaha soduqeyey dagmada celcadde waxay wax ugaysten dad masakim agp

    2. Wan kaxumahay duqenta laduqeye cel cade wayo masakin an waxba galabsan aya kudhamaday qas ahanteyda wankaxumahay madama ayqara bada da ku waxgaren ani waxan a joga ethopi gar ahan nagele boranaa ilahow somalida dhibta kabixi

    3. A.osman says:

      Asc.marka hore waxan halkan o ka tacsinaya umada somaliyed masibada ku timid ilahayna hanaga qado mida 2 arinta dhacy waa mid aniga gacantena ku kenaya somaliyey hurdada kagaco oo la jihado kenya iyo wixi la midka ah by

    Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

    Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.