Home » Archive Daily December 14th, 2011
Yaan la marin habaabin baaritaanka dilkii waxashnimada ahaa ee Sh. Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan – By Maxmuud Nuur Wardere
Hubsiino ninbaa hal siistay!. Sida la wada ogsoonyahay waxaa dhowaan magaalada boosaaso lagu dilay nin bulshada Soomaalida qiimo weyn ku dhex lahaa oo ahaa aqoonyahan ahlu diin ah akhlaaqdiisana aad u wanaagsanayd. Ilaa hadda baaritaan baa socda welina eedeysane ama wax cad lama hayo. Dr. Axmed Haji Cabdiraxmaan waxaa la dilay asagoo beryahaas xajka ka yimid oo soomanaa soona tukaday salaadii...
Xarakada Alshabaab oo Sheegtay in ay Dib u Qabsaneeyso Muqdisho
Xarakada Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday in ay usoo dhamaadeen diyaargarow ay ugu jireen sidii ay u qabsan lahayeen magaalada Muqdisho oo ay inta badan gacanta ku hayaan ciidamada dowladda oo garabka ka helaya kuwa midowga Africa.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ee xarakada Alshabaab Sheekh Max’ed C/raxmaan oo la hadlayay warfidiyeenada ayaa sheegay in ay soo gabgabeeyeen tababarro ciidan oo ay ka...
Bankimoon oo Sheegay in Muqdisho uu ka Jiro Horumar Dhanka Ammaanka ah
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa sheegay in ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ay horumar ka sameeyeen nabad kusoo dabaalidda magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kadib dagaal culus oo ay la galeen Xarakada Alshabaab.
Mr. Ban ayaa ku tilmaamay booqashadiisii Muqdisho in ay muujineyso ammaanka ka jiro halkaasi, isagoona sheegay in ay xafiisyadooda u rari doonaan magaalada Caasimadda...
Kulan ay Xildhibaanada Baaralamaka Soomaaliya ku Yeesheen Muqdisho oo isu Badalay Gacan-ka-hadal
Kulan looga hadlayay arimo quseeya xil-ka-qaadis ay xubno katirsan baaralamaanka Soomaaliya shalay ku sameeyeen gudoomiyaha baarlamanka dowladda KMG ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo saaka ka furmay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in uu isu badalay gacan-ka-hadal.
Xildhibaanadii kulanka ka qeyb galay ayaa la sheegay in ay u qeybsameen laba kooxood oo qeyb kamid ah ay taageersantahay gudoomiyaha...
Miino la Qaraxday Nin Doonayay in uu Aaso
Miino ayaa lagu soo waramayaa in ay la qaraxday nin doonayay in uu geliyo goob wado ah oo ku taallay xaafadda Balack Sea ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo waramaya in qaraxa miinadaasi uu ku dhintay oo qura ninkii aasayay.
Saraakiil booliska dowladda KMG ayaa sheegtay in ninka ay miinada la qaraxday uu ahaa ninkii aasayay miinada, waxaana ay sheegeen in ninkaasi uu doonayay in miinada uu halkaasi...
Qaramada Midoobay oo kadigtay Xaaladda Soomaaliya hadii la joojiyo Gargaarka
Qaramada midoobay ayaa ka digtay xaalad biniaadanimo oo markale saameysa dadka Soomaaliyeed, hadii la joojiyo kaalmada biniaadanimo ee la siinayo shacabka Soomalaiya eek u dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya.
Xiriiriyaha arimaha biniaadanimo ee qaramada Midooba u qaabilsan Soomaaliya, Mark Bowden ayaa sheegay in dad lagu qiyaasayo afar milyan oo Soomaali ah ay heysato dhibaato dhinaca nolosha ah kadib...
