Home » Faallo »

Yaan la marin habaabin baaritaanka dilkii waxashnimada ahaa ee Sh. Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan – By Maxmuud Nuur Wardere

Hubsiino ninbaa hal siistay!.  Sida la wada ogsoonyahay waxaa dhowaan magaalada boosaaso lagu dilay nin bulshada Soomaalida qiimo weyn ku dhex lahaa oo ahaa aqoonyahan ahlu diin ah akhlaaqdiisana aad u wanaagsanayd.  Ilaa hadda  baaritaan baa socda welina eedeysane ama wax cad lama hayo.  Dr. Axmed Haji Cabdiraxmaan waxaa la dilay asagoo beryahaas xajka ka yimid oo soomanaa soona tukaday salaadii subax.  Qofka dilay lama yaqaan ilaahay uunbaa og.  Laakiin nasiib darro waxaa dhacday in dadku iska maleeyeen meelo badan oo kala duduwan. Ninba meel ayuu saaray  eedda ama tuhunka. Far isku fiiqbaanay isu bedeshay sidaasina ma wanaagsana waayo Islaam baan nahay diinta islaamkana muhiimadda hubsashada waa ay ku dheeraatay.

Hadaba waxaan walaalaha Soomaaliyeed ee islaamka ah ka codsanaynaa inay ka digtoonaadaan  ku degdegidda iyo hubsiino la’aanta.  Waxaan kale oo aan ka codsanaynaa inaysan  ka hordhacin baaritaanka socda waayo waxaa dhici karta in baaritaanku  jaha wareero oo ay ka faa’iideystaan gacan ku dhiiglayaashii falkan guracan geystay.  Waxaa dhici karta in ujeedada laga lahaa dilkaanba uu ahaa in culimada ama beelaha Soomaaliyeed madaxa la isu geliyo haddii taa dhacdona waa qasaaro weyn.

Dilkii waxashnimada ahaa ee Sheekh Dr. Axmed Haji Cabdiraxmaan  iyo xanuunkiisii waxaa  laga dareemay shanta qaaradood iyo dhamaan meelkasta oo ay soomaali ku nooshahay.  Waxaana ku xigay usbuuc  ay dadkii yaqaanay iyo saaxiibadii na barayeen taariikh nololeedkiisii wanaagsanaa gaar ahaan aqoontiisii saraysay, waxtarkiisii sareeyey, iyo akhlaadiisii sareysay iyo weliba heerka uu ka gaaray suugaanta afka soomaaliga.   Aniga naftayda waxaan ka mid ahay dadka aqoonta  u leh sheekha waxaanan ka marqaati kacayaa inuu lahaa sifooyinka la tilmaamay ee ay ka mid ahaayeen dhowrsanaan iyo akhlaaq wanaagsan iyo inuu jeclaa in umadda la isu soo dhoweeyo.  Waxqabadkiisana kuma koobnayn  inuu jaamacadda Bariga Africa ee Boosaaso uun wax ka asaasay ee waxaan ogahay mashaariic kale oo badan oo uu ka qayb qaatay.

Waxaa hubaal ah in dhagar qabayaashii dilay sheikha ay maqlayeen malaayiin u ducaynaysa shiikha  habaaraysana gacan ku dhiiglayaasha. Ilaahay ha kashifo gacan ku dhiigleyaashaas .  Waxaa aad iiga yaabisay in usbuucii ay socotay xus nololeedkii sheekha ay shacabka Soomaaliyeed ku midoobeen tacsidiisa oo tacsida ka wada timid meel walba.  Shiikha  markii uu noolaa wuxuu jeclaa in uu dadka Soomaaliyeed isu soo jiido  afkiisa iyo gacantiisana waa laga nabad galay taas ayaa keentay in tacsidiisana lagu midoobo waxaan rajaynayaa in sida tacsidiisa loogu midoobay arrimaha kalena loo mideeyo.  Ilaahow shacabka soomaaliyeed kilaafka ka saar oo qalbigooda isu soo dhowee-  Amin 

Dilka sheikh Dr. Axmed Haaji Cabdiraxmaan sida uu u dhacay waxay nagu baraarujinaysaa in si aad ah looga fikiro waxa loogu yeero DILALKA QORSHAYSAN.  Dilalka qorsheysan waa dilal lagu bartilmaamaysto Culimda Islaamka, aqoonyahanada , nabadoonada, waxgaradka, iyo masuuliyiinta shacabka.  Waxaa kale oo dilalkan loogu yeeraa nabaad guurin ama xaalufinta diinta,  nabadda, maskaxda iyo horumarka.  Waa abaar iyo in aan wax dhaxal ah looga tegin ubadka soomaaliyeed si aanay facooda u soo gaarin mustaqbalka fog.. Meelkasta oo Soomali degto waxaa haboon in laga naqaasho sidii loo joojin lahaa ama looga  hortegi lahaa  dilka maatada, caruurta, biri magaydada, haweenka, dhalinyarada, waayeelka, culimda ama  aqoonyahanada Soomaaliyeed.  Midna kama maaranno.  Su’aalaha yaabka leh waxaa ka mid ah.

Waa dad caynkee ah dadkii Gaalkacyo ku laayey 15kii culimada tabliiqa ayagoo masaajid salaada subax ku tukanaya?

Waa dad caynkee ah kuwa fuliya dilalka qorshaysan ee culimada iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed?

Waa dad caynkee ah kuwa dadka ku suga masaajidada hortooda ama agtooda waqtiyada salaadaha subaxa iyo cishaha ka dibna dila nabadoonada iyo culimada aqoonta leh?

Ilaa aan fahamno dadka noocan ah iyo cidda soo dirtay ama wax ay rabaan ama waxa ay ka faa’iidayaan iyo sida loo joojin karo  xalku waa adkaanayaa.

 
——–
Maxmuud Nuur Wardere
mnwardere@yahoo.com

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Yaan la marin habaabin baaritaanka dilkii waxashnimada ahaa ee Sh. Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan – By Maxmuud Nuur Wardere "

  1. ibnu xasan says:

    as.wr.wb. walaal maxamuud waxa aad ka hadashay waa arin dhab ah oo qofkii damiir leh uu arko waxaan allaah sw sheekhana uga baryayaa in uu u naxariisto janatulfirdowsana uu ka waraabiyo intaa kadib walaal waxaan ognahay in labaatan sano iyo in ka badan uu wadankeena dad badan oo birimageyda ah lagu dilayay mana aha sh.dr. axmed ninkii ugu horeeyay mana aha kan ugu dambeeyndoona hadii uu sidaa ku sii socdo xaalka wadankeena marka walaalkey maxamuudow waxaan aniga u arkaa arintan in ay tahay gumeeysi cusub oo aynaan inagu fahmikarin in yar oo allaah sw iyagu fahansiiyay mooyee marka walaal waxaan sidaa u iri waxaay iila egtahay sida cadawga gumeeystaha ah uu dadka ula dhaqmo maxaa yeelay waxaa la yiri mas madaxa ayaa laga dilaa ee gumeeysataha waa in uu dadka aqoonta leh dadka ka dilaa si aanay wax ugaranin oo isla markaana madax uga dhigaa kuwa aan aqoon lahayn bal walaal waxaad dib u fiirisaa dhowr iyo labaatankaa sano dadkii dadka u talinayay iyo intii aqoon yahan lagu dilay aan waxba galabsan markaad eegto waxaa kuu soo baxaya dhibaatada ummadan haysata iyo sida ay u garan la,dahay dhanka looga yimid taasna waa calaamada gumeysiga waa qeybi oo xakun sidee ku suurta gali kartaa midaas waa in la laayaa dadka dadka anfacaya oo waliba ka anfacaya dhankasta oo ay ka dhibaateysan yihiin markaa waa in la laayaa aqoon yahanada khaasatan kuwa diinta aqoonta dheer u leh maxaa yeelay waa dad yaqaan qowlkii allaah sw oo markiiba garanaya u jeedada fog oo ay leeyihiin dadyowga cadawga ah marka si aanay u kashifin waa in marka horeba iyaga la isdhaafsiiyaa marka walaal maxamuud waxaan aniga isleeyahay arimahaa iyo kuwa kale oo badan oo aan halkaan ku soo koobi karin ayaan u arkaa in loo laynayo dadka qiimaha ugu fadhiyo diinta,dadka iyo dalkaba marka walaal ugu dambeyntii waxaan xal u arkaa in aan ku dadaalno sidii aan iskaga qaban la hayn kuwa kharibaya diinta,dadkeeda iyo dalkoodaba oo aan allaah sw talasaarano una toowbadkeeno wabillaahi towfiiq