Home » News »

Ahlusunna Waljameeca oo Wacad ku Martay in ay Shabaab ka Saareyso Gobollka Galgaduud Kahor Sanadka Cusub

Maamulka culumaa’udiinka Ahlusunna Waljameeca ayaa wacad ku maray in ay xoogaga Alshabaab ka sifeyn doonaan guud ahaan gobolka Galgaduud kahor inta aan la gaarin sanadka cusub ee 2012.

Gudoomiyaha gudiga Fulinta culumaa’udiinka Ahlusunna Waljameeca ee gobollada dhexe Sheekh Axmed C/laahi Max’uud ayaa sheegay in kahor sanadka cusub ay Shabaab ka saari doonaan goobaha yar ee ay kaga suganyihiin gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Sheekh Axmed C/laahi Max’ud ayaa ku eedeeyay xoogaga Alshabaab in ay dhibaato ku hayaan shacabka ku dhaqan goobaha ay maamulaan, waxaana uu sheegay in ay dhawaan ka xoreyn doonaan goobaha ay kaga suganyihiin gobolkaasi galgaduud.

Gudoomiyaha ayaa ka codsaday shacabka ku dhaqan gobolka Galgaduud in ay ka qeybqaataan sidii Shabaab looga xoreyn lahaa gobolkaasi, isagoona sheegay in awooda Alshabaab ay haatan ahayn sidii hore.

Xoogaga Alshabaab ayaa marar badan dagaallo ku qaaday fariisimaha ay ururka Ahlusunna ku leeyihiin gobolkaasi Galgaduud kuwaasoo ay ku doonayeen in ay kaga xoreeyaan gobolkaasi, haseyeeshee arintaasi ayaa noqotay mid aan suurogelin kadib markii ay iska caabin kulul kala kulmeen ururka Ahlusunna Waljameeca ee gobollada dhexe.

Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljameeca ayaa kamid ah xoogga dagaalka kula jira Alshabaab, waxaana ay abuurmeen kadib markii xoogaga Alshabaab ay soo rogeen awaamiir ay kamid tahay burburinta qabuuraha, taasoo si aad ah uga careysiisay culumada Ahlusunna waljameeca oo iyagu taageero ku lahaa gobollo badan oo katirsan dalka Soomaaliya.

 

 

Warar Sugan kala soco www.allgedo.com

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Ahlusunna Waljameeca oo Wacad ku Martay in ay Shabaab ka Saareyso Gobollka Galgaduud Kahor Sanadka Cusub "

  1. reer bari says:

    wacadka ay maraan suufiyadu yaa dheg udhigaya qof muslim ah baa dheg loo dhigaa e ragan ciyaarta iyo heesaha ka dhigtay diinta oo qabriyada caabuda miyaa islaam ah kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  2. c/qani says:

    A/C HADII DHULKA CID AAD KA SIFAYNAYSAAN,, WADANKA WAXAADKA SIFAYSAAN CIIDAMADA SHISHEEYE, SIDA ITOOBIAAN-KA,, KENYATI-GA,, NEW POLICE-KA YUGAAN-DHAYSKA,,,, BURUNDI-YAYSKA IYO INTA QARSOON EE DHULKA DHIBAATADA KU HAYA, SIDA 40.000 EE XABASHADA EE BASAASIINTA AH.