Home » News, Sports »

Gabdhaha Qaranka Soomaaliya oo ka Badiyay Xulka Qatar (Halkan ka Daawo)

Ciyaar aad u kulul oo dhexmartay xulalka gabdhaha kubadda Basket-ballka ee qaramada Soomaaliya iyo Qatar ayay xulka gabdhaha Soomaaliya ciyaartaasi kasoo hoyeen guul aad u weyn.

Gabdhaha xulka Soomaaliya ayaa wacdaroo ka dhigay ciyaartii ay la dheeleen xulka qaranka ee dalka Qatar, waxaana ciyaart kasoo qeybgalay taageerayaal Soomaaliyeed oo ku dhaqan dalkaasi Qatar, kuwaasoo aad ugu riyaaqeen ciyaartii ay soo bandhigeen xulka matalayay qaranka Soomaaliya.

Dadka Soomaaliyeed ee xiiseeya Isboortiga islamarkaasina ku nool caalamka daafihiisa ayaa siweyn usoo dhaweeyay guusha ay gaareen gabdhaha xulka qaranka Soomaaliyeed, iyagoona ku tilmaamay in ay tahay mid taariikhi ah.

Gabdhaha kubadda Basketballka ee dalka Soomaaliya ayaa iyagu ahaa kuwo looga bartay guul xilligii ay dhisnayd dowladii hore ee Soomaaliya, haseyeeshee wax dhiirigelin ah ma aysan helin tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii dowladdi hore ee uu madaxweeynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Max’ed Siyaad Barre.

Isboortiga dalka Soomaaliya ayaa mudooyinkan danbe u muuqanaya mid dib usoo laabanayo, iyadoona dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ciyaaraha xiiseeya ay aad ugu faraxsanyihiin in fagaareyaasha tartamada ka dhaca Caalamka ay ku arkaan xul qaran oo matalaya dalka Soomaaliya.

Hadaba Ciyaarta iyo sida ay u dhacday ka daawo Linkiga Hoose

————
Xasan Nuur, Nairobi/Kenya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Gabdhaha Qaranka Soomaaliya oo ka Badiyay Xulka Qatar (Halkan ka Daawo) "

  1. Run ahaantii waan qiirooday calankeeygi buluuga ahaa oo kababanaya Caalamka. Map kii Somalia oo labaray dad aan aqoon. Waa guul usoohoyatay umadda Soomaaliyeed meelkasta oo eey joogaan. HAMBALYO GABDHAHA LIBAAXYADA SOAMAALIYEED MAGACIIN HAJIRO WE ALL LOVE YOU. WADANIYIIN DHAB AH TAARIIKHDAA XUSIDOONTA

  2. Fatuma says:

    Waw cajiib qiiro aya i qaaday markan dawaday ciyartan xiisaha leh gabdhaha soomaaliyeed waxan leeyahay meesha kawada shacabka oo dhan aya idin garab tagan.