Home » News, Waraysi »

Qaar ka mid ah cuqaal iyo odayaal kasoo jeeda Gobalada Gedo, G/gaduud iyo Jubooyinka oo si adag uga soo horjeestay shir uu dhawaan Ururka SDSI ku yeeshay magaalada Columbus (Dhageyso wareysi)

Related Articles

    Minnesota, MN (AOL) – Qaar ka mid ah cuqaal iyo odayaal kasoo jeeda Gobalada Gedo, Galgaduud iyo Jubooyinka ee ku nool gobalka Minnesota ee dalka Mareykanka oo ay wareysatay warbaahinta Saadaal ayaa ka hadlay sida ay u arkaan shir uu Ururka SDSI dhawaan magaalada Colombus ku yeeshay.

    Mid ka mid ah cuqaasha oo shirkaasi jaraa’i'd furay ayaa sheegaay in shirkii Colombus ka dhacay 25 iyo 26-kii bishii tagtay November ee sanadkaan uu ahaa mid aan loo dhamayn isla markaana ay u arkaan mid aan haysan shraciyada iyo ogalaansha dadka gobalada Gedo, Galgaduud iyo Jubooyinka. 

    Odayaasha ayaa waxay carabka ku dhufteen in ujeedadii loo aas-aasay Ururkaas ay dabo mariyeen shaqsiyaad dano gaar ah leh oo ku kacay xad gudub lidi ku ah midnimada qurbajoogtii dhisatay Ururkaas.  “Anaga war uma hayno, nalakumana macsuumin shirka la sheegay in uu Columbus ka dhacay, waxaana ka warhaynaa in xubnihii ururka SDSI ka tirsanaan jiray badankoodu ay horay u kala tageen, sida aan ka warqabnana 5 xubnood oo kaliya oo ku haray ay yihiin kuwa soo abaabulay shirkaas.  Haddee waxa noocaas ah shir laguma sheegi karo ayaan qabnaa, ururkana markiisii horaba waxii ragaadiyay waxuu ahaa maamul xumo iyo qabyaalad iyo wax aan loo joogin” ayaa ka mid ahaa hadaladii qaar ka mid ah odayaasha.

    Dhanka kale, odayaasha oo hadalkooda sii wata ayaa waxaa kale oo ay yiraahdeen “Anaga ma jiro cid aan kasoo horjeedno iyo cid aan la dagaalsanahay toona, laakiin xaqiiqda jirta ayaa ah in Ururkaan la yiraahdo SDSI xataa uu ku lug leeyahay khilaafaadka hadda ka jira gobolada dhexe, gaar ahaan Degmada Caabudwaaq, taasina waxay meesha ka saareysaa in Urur qaab sidaas ah u shaqeynayo wax lagu darsado.”

       Halkaan ka dhageyso wareysiga oo dhan

    ———
    Wareysiga waxaa qaaday Maxamed Cibaar Diiriye oo ah wariyaha Shabakadda Saadaal Media.

    Allgedo News Media Network
    allgedo@allgedo.com

    Bookmark and Share

    14 Jawaabood " Qaar ka mid ah cuqaal iyo odayaal kasoo jeeda Gobalada Gedo, G/gaduud iyo Jubooyinka oo si adag uga soo horjeestay shir uu dhawaan Ururka SDSI ku yeeshay magaalada Columbus (Dhageyso wareysi) "

    1. buuf says:

      ac dhamaan waan salaamayaa odayaasha sharafta leh ee bayaankaan so saaray kadib khilaafka loomabaahno ee wax lhalaxaliyo khilaaf waa kan waxaan noo horseeday

    2. Ogaada inaanu xalku kujirin anaga SDSI baa nala yiraahdaa ee hanala taageero hana nalala shaqeeyo iyadoon turxaan bixin iyo isfahan aan la abuurin, dadka laga dhex raadiyo.

      Ugu danbeeyn, midna hala ogaado dadku waa ehel oo xidid lama wada ahan ee waxa danta guud ku jirto iyo biyo kama dhibcaanka haloo dhaadhaco ayaan umadeey idin oran lahaa,si loo abuuro isfahan dhaliya midnimo iyo is raac.

      Mahadsanidiin.

      Durraan

    3. shire says:

      Besha SADE awood ay kaligood u istaagaan malaha miyaa maxaa hadba nin qolooyinkale u dhashay futada ugula jiraan may ku istaagaan magacood oo ay xabadkooda tuintaan sida qabiilada kale , kan leh gobolo baan maamul gobol u dhisaayaa juu matalaa anaga hawiye waxba ladawadaagi mayno.

    4. samadoon says:

      anigu qolana mucaaradi maayo laakiin waxaan dhiibanayaa ra,yigayga oo ah xafadi waxay aafad ugu gudubtaa waa xasarad,ma jiro urur guud oo kulmiya qurba joohta sade.Ninkii sheegtaana waa ka beensheegayaa,meesha loo baan yahayAmeerika iyo uk,waxaa laga la yahay dal kast laga helo gudi masala ama gobol gobol gudi masala,haddaba ayada oo aan hosta waxba ka jirin qolada ku dhawaaqday waxaan masalnaa qurbajoogta sade sow maaha aqal saqafka laga bilaabay oo aan aaslahayn?intaadan dal kale iyo gobol kale ka hadlin meesha aad joogyo midee oo wax u dhis .

    5. A/S/C DHAMAAN BEESHA SADE SALAAN QAALIYA KADIB HADII AAN FI KIR KAY GA KA HAD LO BEESHA SADE WAXAAN LEEYAHAY WAXAA AY UBAAHAN TAHAY WAX QABAD EE UMA BAAH NO FAWDO IYO BUR BUR WAR SOOMAALIDII WAA NAGA TAGTAY EE DAN TIINA GARTA OO MIDOOBA OO WAX SAMAYSTA OO HORUMAR SAMAYSTA OO MAAMUL SAMAYS TA OO MEEL WALBO HAKU DAAD SANAANINEE IS URUURIYA AYAAN IDIN LEEYAHAY

    6. business says:

      Sida ay sheegayaan wararka Nimanka Hubeysan oo ahaa dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa isticmaalay weeraro xoog ku gal iyo is qarxin, iyadoo qaar ka mid ah ay gidaarka ka boodeen.

    7. SDSI Waxaa sameeyay dad luggooyo ah oo jaahiliin ah, walina u haysta in Maxamed S
      iyaad nool yahay, mareexaanna aan hurumar u ogaleyn oo ay uun oga dhegan tahay anigaa wax ahaan jiray ee hala i maqlo!

      Mareexaan haku baraarugeen in soomaaliya ay dhawaan ka hirgeli doonaan maamul gobaleedyo, ciddii aan hadda wax sameysan oo aan waraaqaheeda gudbin daadka ayaa qaadaya!

      Wa bilaahi towfiiq

    8. Sadiq Hurre Gudhal says:

      Asc,dhaman besha Sade, waxaa layaab ah Sababta aan lugaheena ugu istaagi la,nahay hadii aan nahay Besha Sade,waxaa kaloon layaabay maxey tahay dhibaatada haysata qaar kamid ah Rer Gedo oo ay maalin walbo ismaandhaaf iyo wax aan loo baahneyn usameynayaan,War nimanyahow Kenya markey nimanka dhulkena kuhabsadey kasaarto Aan utashano meelaha aan Somalia kadegno khaasatan Gedo iyo Jubooyinka,Adeerayaalow waxa iga ra’yi ah in aan isu tanaazulno oo an Ubadkeena kabixino dhibaatada kuhabsatey oo ay macluushu ugu horeyso
      mahadsanidin
      sadiq

    9. dr.xuseen says:

      aniga waxay ila tahay in aan farta isku fiiq fiqno mahan ee aan tashano oo mamul samaysano, hada galgaduud waxaan qabaa in laga hirgaliyo mamulka scs oo ay ahlusunana ,mamulka scs u aqoonsado dalad culimo oo mustaqil ah sida azhar oo kale ,wasirka cadalada la siiyo degaankana ay taldooda ku yeeshaan, mamulka scs na uu noqdo kan mamulah degaanka galagaduud inta beeshu dagto, oo ay yeeshaan golo barlamaan iyo xukuumad goboleed , lakiin arimaha diinta iyo taloyinka qayb laga siiyo ahlusuna.,iyado oo wasiirka cadaladana laga dooranayo mar walba ahlusunada degaanka
      tankale waxaan qabaa in gado iyo jubooyinkana gobolo mamul gaar ah leh noqdaan ,haday rabaan ha ku biiraan azinia ama mamulkale oo dadka isku wada racsanyahay sameeyaan , sidaa beesha afar gobol ayay ku jiraysaa ,iyada oo wadashaqayn ka dhaxaynoayso wabilaahi toofiiq

    10. Dhaadeey says:

      Marka hore waxaan salaamayaa bahda warbaahinta allgedoonline maamulkeeda iyo wariya yaasheeda. Bacdal salaan hadaan fikir keeyga ii gaar ah KA DHIIBTO ARRINTAAN KHILAAFKA SOO KALA DHEXGALAY URURKA SDSI HORTA DADKA MEESHAAN FIKIRKOODA KA DHIIBTAY WAA QALDAN YIHIIN QALADKU HABA KALA WEEY NAADEE WAXA AAY KA HADLAYAANA MAAHAN WAX MEESHA IN LOOGA HADLO LOOGU TALAGALAY LAAKIIN WAA DAD DAWAQ SAN AMA WAREERSAN …
      QOLLADA FIKIRKA DHIIBATAY MARKAAN WADA AKHRIYAY WAX I QANCIYA KUMA ARAG AMA AAN DHAGTA U RAARICIYO WAX AAN KA AHEYN CALAACAL IYO HEBLAAYO MAAMUL BEY SAMEYSATAY HEBLAAYO WAA DUUSHAY MASEER.COM ALLOW NAGA KORI
      SOOMAALI WAXAA KA JIRA AFAR QUWADOOD XILIGAAN HADA LAJOOGO MAXEEY KALA YIHIIN MAAMULKA AHLUSUNA ALSHABAAB DKM IYO LAAND LAND KUWAAS OO BARI HORE SAMEESTAY ISKANA DIFAACI KARA WIXII SOO HANDADA

      MAREEXAAN WEYNE INTAAS AYUU KUWADA JIRAA LAAKIIN HAL MID BUU MADAXWEYNE AMA GUDOOMIYE KA YAHAY WAA MAAMULKA AHLUSUNA OO MADAXWEYNAHA KA YAHAY PROF HIRSI IN TAKALE WAX LA SHEEGO AMA LA YAQAAN KUMA LIHIN WAA QODOB

      DKM WAXA AAY XILKII KA QAADAY RAIISAL WASAAREHEENII MUDANE FARMAAJO TAAGEERO NAGAMA MUDNA SHABAAB WAXAABA LAGU YAHAY DUULAAN OO ADUUNKA OO DHAN BAA KU SII JEEDA MEEL AAY LA GAARTABA AYAGANA LOOMA GALI KARO AMA LAMA TAAGEERI KARO LAND LAND WAA NA SOO MARTAY LAAKIIN KUMAANAAN KUU LEEYSAN IN AAN KA MIRA DHALINO WAA JUBALAND WAA NAGA HOOS BAXDAY BARIGAAS WAXII DHACAY WAA DHACEEN MAXAAY U DHACEEN LAMA YIRAAHDO …. ADEERA YAAAL MAANTA SOOMAALIYA WAXAA KA JIRA IN TAAS OO QUWADOOD WAXA KA SOO HARO MAAMULGOBALEED LAMA ORAN KARO WAXNA MAAHAN WAX JIRANA MAAHAN EE YAAN DADKA LA QALDIN OO HUU HAAH LOO SHEEGIN

      MIDAKALE WAX MEESHA LOOGA HADLAYO FAHMA MAAHAN MAAMUL HEBLAAYO EE WAA URURKA SDSI SEE KHILAAFKA LA SHEEGAYO LOO XALIN KARAA ??????????? WAA SUAAL DA WEYNOO MAXADA DAALINEYSO RA YIGIINA KA DHIIBTA SAAS AYEEY ANIGA ILA TAHAY

      ANIGA UGU DANBEEYN HADAAN KA HADLO URURKA SDSI WAXAAN ORAN LAHAA ILAA BARIGII LA AAS AASAY SDSI WAX BEEY QABATAY AMA SOO KORDHISAY MA MAQAL BAL WAXAA LAGU HAYAA WAA IS KHILAAFEEN WALAAYAAL KHILAAF HALAGA GUDBO HALOO GUDBO MIDNIMO WADAJIR ISKAASHI IS JACEEL IS QADARIN IYO ISKA WAR QAB ,,,,, HALA LA ISKA DAAYO HEBAL REER HEBAL IYO WAX YAALAHA NOOCAAS AH ,,,,,, ANIGA RUNTII SDSI MATAAGEERO LAAKIIN WAA URUR QURBO JOOGTU KU MIDOOWDAY WAANA GUUL WEYN HADII QURBA JOOGTO MIDOOWDO OO URUR MIDEEYA SAMEEYSATO ANIGA MARKA AAN MAQLAY URURKII MAA XILIGII KA DHAMAADAY OO WAXAAY DOORANAYAAN GUDOOMIYE KALE WAA KU FARXAY IN XILKU MEERTO YAHAY OO NIN MARKA UU KA DHAMAADO MIDKALE LA DOORTO DOORASHAA DHACDAY WAXAAN MAQLAY WAXAA KU GUULEESTAY GANACSADE CABDI QANI SHIIKH CALI DIINI CLIBYADII AMA WAREYSYADII MEESHA LAGA SOO QAADAY WAXAAN ARKAYAY AYAGA OO ISKU HAMBALYEEYNAYA KUWII HORE IYO QOLADA MARKAA TAR TAMEEYSAY AMA ISA SOO SHARAXDAY OO KII LAGA GUULEESTAY HEBAL CIGAAL UU U HAMBALYEEY CABDIQANI DIINI UUNA KU YIRI WAAN KULA SHAQEEYNAYAA …….

      MAXAA IS BADALAY WAXAAN KU TALIN LAHAA KHILAAF IN LA ISKA DAAYO WAX MA KORDHIYEE EE WAX BUU SII KALA FOGEEYAAYE MEDIA YAAN WAX LA ISKU DHAAFSAN EE TOOS HALOO WADA HADLO

      HANA LA IS WEEY DIIYO YAA WAX TIRSANAYO YEEY KA TIRSANAYAAN WADAHADAL HALA GALO HANA LA DHAMEEYO KHILAAFKA YAR EE LA SHEEGAYO……… MAHADSANADIN

    11. Asc.walaalayal waan iidin saamaya bahada webka allgedo walaalayaa dadaku waxay dabargaan hadasan ismaqal laahn waydabargaan marka waxaan leeyahay reer sade malahaan ugaas utaliya ama oodayaal dhameedyo mahaan iinaan leeyahay iintaba malaan mahaan ee waaleenahay markii aanwaxba layskaqal ama ugaas aantaladiisalaqadan. marka reerku wuxuu uubahaanya hoogan adag oo cadaalad ah oo aanku iimaan reer iyo reer heebal weeye markaan kahdlo hoogaanku wuxuu uuqaybsamaa hoogan isku xiira beesha shacaka iyo ugaaska markaan sharxo hooganka guudoomiye eey beeshu doortay oo raalilagawadayahay.

    12. osman c. says:

      a.sc. waad mahadsantiin Allgedo web. sidadiiran oo aad uu soodhaweeysen wadahadalka reer sade war waxaan leeyahay dadkii soomaliyeed waatashadeen ee maxanlatashan laanahay maxaan dadka ugaharanay waanaan tashankariin iinaalootaliyo mooye ama maamuul dadkale leeyihiin nalagumaamulo mooyi ee mafakarikaro miiyaa soomalidu waxatiri ninkii tashanwaya waa lootalin marka loofiiriyo siida waxuu socodaan maanta gobalada soomali uguweyn baan lenahaymanakatalino ninkayimid goobalkale baa dhahaya kabax dhulkuu kudhashay ninkii udhashayna bax baalaguyirih haadii talo aadleedahay ninkalekumayiraahdeen warkabax manta waxa qiiqaysa cabuudwaaq iyo gado maxaa inaan tashano oo madadlanban nahay mise dhulaan banahay maya ee mahaaysano hoogan iyo ugaas nootaliyo maxayeelay ninwalbameelbuuiskuu .ciilkaabinayaa oo wuxuu leeyahay reer heebal baa iitaalina miiyaan aqbalikar bal haadadan ninkaga aqbalin maanin reerkale baad aqbalin suu ashuu waxaay tahay intay ninkal aanqaban uunoqonlahaa waxaa iidhanta walaalkay iinan qabaan unoqodo sabtoo ah ninka soo duulay dhusamareeb iinu iitaliyo reer sade ah waamid aan isyeelay aniga ee mid cadawgii shalay markaandoowlad ahaa iidiidayay inuu iskagakaydhigo miid iililaahi ah waa midanan marna aanan aqbalaynin walaay loow aantashno aan oogaano iinaan cadoowleenahay mid maqan iyo mid jooga ba marka waxaan leyahay waxaan iidiinkatagay wabilaahii toofiq mid niimo talo iyo toofiiq wanaagsan koolay dadka tashanaya kamaliidano waxatashay dadnagayar oonaga goobolayar magrankaro kolee

    13. sade says:

      maxamed siyaad kad dib waan la.nahay nin rageed maantana waxaan u nahay daba dhilif Hawiye oo aan dowlad rabin oo ilaa 1991 isbaaro habar la baarto oday la dilo raashiin la boobo dumar la kufsado marka ma kuwaas ayaan caqli ka dhiganaa oo daba soconaa war hawiye aan ka xorowno ka dibna aan soo celino sharaftii iy0 haybadii sade

    14. Sheik Darod says:

      Salaan guud beesha, anigu cidna mucaarad kuma ahi, laakiin waxaan oran lahaa in beelaha kale sida sacad ama leelkase ama Dhulbahante maamul samaystaan oo shirarkii caalamiga ahaa ka qayb gaalayaan ayagoo la aqoonsan yahay, maxaa loo arki waayey Beesha sade oo gobolka gedo oo ay degen tahay maamul ugu samaysan waayeen, waxaan ka dhamaan
      weyney Kismaayo oo siyaad barre ka hor Madoobe noonow cid aan ahayn aysan habayn seexan, mise Hotelkii Cascasey oo dhulkii Uunlaaye kacaanku uga qaaday ka dhistey ayaan wax kasta ka hormarinay inaan shegano oo aynaan waxba u qabsan karin.
      Qof kasta runta asagaa ku nool ee runtu qofka kuma noola, meesha aan iska qaadno oo reer diini cqligoodii aragnay ee kan inta badan ee beesha mareexaan aan aragno, asaga qayrku ku jiraa oo beshu ku liibaanaysaa, nin tuug ahaa ama xaaraan kusoo korey iyo laaluush asaga iyo wiilkiisa midna wax fiican umadda uma keeni doono.
      Rali halyga noqdo hadii aan qadkii dhaafay.

    Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

    Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.