Home » Archive Daily December 18th, 2011
Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli oo wal wal ka muujiyay go’aanka dowladda Mareykanka ee joojinta Xawaaladdaha Soomaalida
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta ka hadlay go’aanka ay dowladda Mareykanka muddada todobaadyada ah ugu qabatay howshii shirkaddaha xawaaladdaha Soomaalida ee lacagaha u diri jiray dalka Soomaaliya isagoo ku tilmaamay haddii go’aankaasi uu dhaqan galo inay tahay musiibo iyo dhibaato weyn oo la soo dersi doonta nolosha Malaayiin...
Alshabaab oo Shirkii Cadaado ku Tilmaamay mid Lagu kala Qeybinayo Umadda Soomaaliyeed
Xarakada Alshabaab ayaa ka hadashay shir dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, kaasoo looga hadlayay sidii loo mideyn lahaa maamul goboleedyada ka dhisan dalka Soomaaliya.
Afhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Max’uud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo manta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamay shirkii ka dhacay magaalada cadaado in uu ahaa...
Faahfaahin ku Saabsan Dagaalkii ka Dhacay Degmada Cabudwaaq
Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya dagaal shalay gelinkii danbe ilaa iyo xalay gudaha degmad Cabudwaaq ku dhexmaray xoogaga Ahlusunna iyo ciidamo taabacsan Xildhibaan katirsan dowladda KMG oo lagu magacaabo Cabdi Sacdi, kaasoo mudooyinkii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Cabduwaaq.
Dagaalka oo in mudo ah socday islamarkaasina la isku adeegsanyy hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la sheegay in uu yimid...
Iska Horimaad Xalay ka Dhacay Degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud
Wararka naga soo gaaraya magaalada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay ay halkaasi isku farasaareen askar katirsan kuwa Ahlusunna Waljameeca iyo maleyshiyo daacad u ah xildhibaan katirsan baarlamanka Soomaaliya oo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Cabudwaaq.
Muranka iyo isqabqabsiga sababay gacan ka hadalka ay yimid kadib markii xubno katirsan ururka Ahlusunna ay amar ku...
Dowladda Kenya oo Markale ku Hanjabtay in ay Duqeyneyso Magaalooyin ku Yaalla Koonfurta Soomaaliya
Dowladda Kenya ayaa markale ku hanjabtay in ay duqeymo ka geysaneyso ilaa sedex magaaloo oo waaweyn oo ku yaal koonfurta Soomaaliya islamarakasina ay ka taliyaan Xoogaga Alshabaab.
Afhayeenka Dhinaca Millitariga Kenya Col Cyrus Oguna ayaa sheegay in ay diyaariyeen qorsheyaal ay ku doonayaan in ay duqeymo uga geystaan magaalooyinka Afgooye, Baraawe iyo Marka oo ay dhamantoodba gacanta ku hayaan xooga...
