Home » Archive Daily December 19th, 2011

Alshabaab oo ku Hanjabtay in ay Qarxineyso Madasha lagu Qabanayo Shirka Wadatashiga

Dec 19, 2011
Xarakada Alshabaab ayaa ku hanjabtay in ay qarax la beegsan doonto madasha lagu qabanayo shirka wadatashiga maamullada Soomaaliya ee ka dhici doona magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland.Shirkan oo la filayo in uu furmo maalinta berito ah ayay xarakada Alshabaab sheegtay in ay qarax la beegsan doonto, iyagoona ugu baaqay dadka reer Puntland in ay qeyb ka qaataan qorshaha lagu qarxinayo... 

Madaxweeynaha Soomaaliya iyo Wafdii uu Hogaaminayo oo Gaaray Garoowe

Dec 19, 2011
Madaxweeynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow ka dagay garoonka magaalada Garowe ee xarunta gobolka Puntland. Madaxweeynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa garoonka kusoo dhaweeyay dadweeyne aad u fara badan oo isugu jiray, madax ka tirsan maamulka Puntland, Fanaaniin, Ardey iyo ururrada haweenka, waxaana halkaasi qudbad ka jeediyay madaxweeynaha... 

Wararkii ugu Dambeeyay ee Saaka iyo Caabudwaaq

Dec 19, 2011
Caabudwaaq, Somalia (AOL) –  Waxaa saaka dagan guud ahaan jawiga iyo xaalada Degmada Caabudwaaq marka laga reebo isgaarsiinta oo maalintii 3aad hawada ka maqan.   Waxaa socda kulamo ay leeyihiin dhaqanka Beesha Sade Bari kaasi oo looga arinsanayo xaalada Degmada iyo xalinta mashaakilkii dhaliyay gacan ka hadalka.     Kulankaan oo maalintii labaad ka socda Hoteel Ducaale ayaa waxaa soo... 

Hambalyo dhalasho farxad leh: Wariye C/kariin Axmed Bulxan iyo Farxiyo Axmed Yuusuf oo uu wiil ugu dhashay xaafadda New City ee magaalada Caabudwaaq.

Dec 19, 2011
Hooyo Sahro Max’uud Arax, Hooyo Ashkiro Warsame Khayre, Hooyo Xalwo Xaashi Eedo Maryan Bulxan Cali, Eedo Dahabo Bulxan Cali, Eedo Ardo Bulxan Cali, Adeer Xasan Bulxan Cali, Eedo Xalwo Bulxan Cali, Adeer Siciid Bulxan Cali, Max’ed Axmed Bulxan, Max’uud Axmed Bulxan, C/laahi Axmed bulxan, C/raxmaan Axmed Bulxan, Haaruun Max’ed Bulxan. Abuukar Max’ed Bulxan iyo dhammaan… qoyska reer Bulxan... 

Qarax Xoogan oo ka Dhacay Xerada Qaxootiga ee Xagardheer

Dec 19, 2011
Qarax aad u xoogan ayaa lagu soo waramayaa in xerada qaxootiga ee Xagardheer lagula eegtay gaari ay wateen qaar katirsan askarta Kenya ee ku sugan halkaasi. Mid kamid dadka ku dhaqan xerada Qaxootiga ee Xagar dheer oo qadka teleefonka ugu waramay AOL ayaa sheegay in qarax uu shegay in qarax lala eegtay gaari ay wateen askar katirsan ciidamada Kenya oo marayay meel u dhow xarunta CARE ay ku leedahay... 

Dowladda KMG oo Sheegtay in ay Sharciga Horkeeni Doonto ninkii Dilay Wariye Xiis

Dec 19, 2011
Dowladda  KMG ee Soomaaliya ayaa sheegtay in sharciga la horkeeni doono ninkii ka danbeeyay dilka wariye C/salaam Sheekh Xasan Xiisa oo uu shalay nin dabley hubeysan islamarkaaasina ku labisan dharka ciidamda dowladda uu ku toogtay magaalada Muqdisho. Wasiirka warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta dowladda KMG Soomaaliya C/qaadir Xuseen Max’ed (Jaahweyn) oo warbaahinta la hadlay ayaa wax laga naxo... 

Ahlusunna oo Sheegtay in ay la Wareegeen Deegaano Hoostaga Baardheere

Dec 19, 2011
Maamulka culmaa’udiinka ahlusunna waljameeca ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ay la wareegeen deegaano dhowr ah oo hoosyimaada degmada Baardheere oo ay hore ugu sugnaan jireen xoogaga Alshabaab. Afhayeenka maamulka ahlusunna waljameeca ee gobolka Gedo Sheekh Max’ed Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay la wareegeen deegaano hoostaga degmada Baardheere, kadib markii ay isaga baxeen xoogagii... 

Wariyeyaal ka tacsiyeeyay dilka wariye Cabdisalaan Sheikh Xasan Xiis

Dec 19, 2011
Inaa lilaahi waa inaa ilaahi raajacuun waxaan halkaan tacsi tiraanyo leh ay wariyayaasha magacyadooda hoos ku xusanyihiin uga dirayaan  qoyskii, eheladii iyo asxaabtii, saxbkeen Allaha u naxariistee Wariye Cabdisalaan Sheekh Xasan Xiis oo kamid ahaa wariyeyaasha magaca iyo taariikhda geesinimada ah ku lahaa saxaafada Soomaalida. Saxbkeen Marxuum  Cabdisalaan waxaa duhurnimadii shalay toogasho ku... 

Guddoomiyaha Qurbajoogta beesha Maxamed Amaanreer oo fariin u diray bulshada reer Caabudwaaq kuna baaqay nabad ku wada noolaasho iyo in colaadda la joogjiyo (Dhageyso)

Dec 19, 2011
Cali Jaamac Maxamed oo ah Guddoomiyaha qurbajoogta beesha Maxamed Amaanreer (Wagardhac), kuna nool magaalada Columbus, Ohio ee dalka Mareykanka oo galabta lasoo xariiray Shabakadda AOL ayaa waxuu fariin xambaarsan nabad ku wada noolaasho iyo in deg-deg loo joojiyo colaadda ka socota Degmada Caabudwaaq u diray bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan waqooyiga Galgaduud. Guddoomiye Cali ayaa wax laga xumaado...